HomeQisada Inan Yar Oo Xiisad Diblumaasiyadeed Ka Dhex Qarxisay Dalalka Ruushka Iyo...

Qisada Inan Yar Oo Xiisad Diblumaasiyadeed Ka Dhex Qarxisay Dalalka Ruushka Iyo Jarmalka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berlin (SLpost)- Garsoorka dalka Jarmalka ayaa Jimcihii toddobaadkii dhowaa beeniyey sheegashada inan yar oo dhowaan ku dacwootay in lagu afduubay gudaha magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, kaidbna lagula kacay kufsi. Inantan yar oo ah Iska-dhal Ruush iyo Jarmal ah ayaa ku andacootay in iyada oo dugsigeeda ka timid kuna socota gurigooda ay afduubeen dad leh dhiigga Bariga dhexe oo u eeg qaxoontiga dalkaas ku sii badanaya. Laakiin garsoorku waxa uu hadda caddeeyey in inantaasi ay been sheegaysay, oo habeenkaas ay ku beriday guriga saaxiibkeed oo Jarmal ah, sidaa awgeedna aanay dib ugu noqon guriga qoyskooda, sababta ugu weynina ay ahayd cabasho la xidhiidha dhibaatooyin dhinaca waxbarashada ah oo haystay. Inantan yar oo 13 sano jir ah ayaa khilaaf iyo muran adag oo siyaasi ah ka dhex qarxisay dalalka Jarmalka iyo Ruushka oo ay aabaheed iyo hooyadeed ka soo kala jeedaan. Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov oo dhowaan ka hadlay qadiyadda inantan yar, ayaa dowladda Jarmalka ku dhalleeceeyey in ay muddo dheer qarinaysay macluumaad la xidhiidha waxa ku dhacay inantan yar. Lavrov waxa uu intaas ku sii daray, “Inantan yari ikhtiyaarkeeda 30 saacadood kuma ay qarsoonayn” Laakiin garsoorka dalka Jarmalka oo baadhis dheeraad ah sameeyey ayaa warka wasiirka beeniyey kadib markii sida ay xaqiijiyeen in aan inantan yar la afduubin, lana kufsan.

Afhayeen u hadlay xeer-ilaalinta oo lagu magacaabo Martin Luithle ayaa isaga oo arrintan faahfaahinaya waxa uu yidhi, “Inantan yar talefankeeda gacanta ee burburay ayaa aanu ka helnay macluumaad aanu ku ogaannay in ay u hoyatay guriga wiil 19 jir ay asxaab yihiin ah oo u dhashay dalka Jarmalka. “Mushkilado dhinaca waxbarashada ka haystay ayaa sabab u ahaa in ay gurigooda ka dhaxdo” ayaa aanu intaas ku sii daray, sida ku cad warkan uu Geeska Afrika turjumay isaga oo xusay in baadhitaanno dheeraad ahna ay ku sii samayn doonaan.

Geeska Afrika oo soo xiganahaya wargeyska The Independent iyo ilo kale ayaa ogaaday in garsoorka Jarmalku uu inantan yar ku eedeeyey in ay hore xidhiidh ay raalli ka tahay ula yeelatay laba wiil oo midi Turki yahay, kan kalana Jarmal asalkiisu Turki ah ka soo jeedo yahay. Masuulkan oo sida loo fahmay u jawaabaya wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, balse aan magac dhabin ayaa intaas ku sii daray, “Jarmalku waa dal sharci ka jiro, cadaadis siyaasi ah oo dibadda kaga yimidna waxba kama beddeli karo mabaadii’da dastuurkiisa”

Kooxaha midigta ee xag-jirka ah ayaa qisada inantan yar muddooyinkii u dambeeyey ka dhigtay sabab ay ku weeraraan dadka soo-galeetiga ku ah dalkaas, iyaga oo dariiqyada marka ay ku arkaanna ku tuura ereyo aflagaaddo ah, oo kufsiga la xidhiidha.

Qoyska ay inanta yari ka dhalatay ayaa dowladda Jarmalka ku eedaynaya in ay inanta yar culays ku saartay inay ka noqoto warka ay hore u sheegtay ee afduubkeeda iyo kufsiga. Wasiirka arrimaha dibadduna waxa uu Jarmalka ku eedaynayaa in arrintan sababo siyaasadeed awgood dowladdu u qarinayso.

Muddooyinkii u dambeeyey dalka Jarmalka waxaa cirka isku shareeray murannada siyaasiga ah ee la xidhiidha qorshaha ‘Albaabo furan’ ee ay raysalwasaaraha Jarmalka Angela Markel ku qaabisha dadka ajaanibka ah.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories