HomeQisada Hawl-gal Lagu Furdaamiyey Nin Masar U Dhashay Oo Hargeysa Ku Jiidhay...

Qisada Hawl-gal Lagu Furdaamiyey Nin Masar U Dhashay Oo Hargeysa Ku Jiidhay Nin Qaba Xannuunka Dhimirka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Dadku macdanta ay ka sameysan yihiin, gobanimadooda iyo dunta ay yihiin waxa lagu gartaa marka ay dhibaato dhacdo….

Hargeysa (SLpost)- Guddi culimo samafalayaal reer Somaliland ah ayaa maanta xabsiga dhexe ee Hargeysa ka soo daysay Kariim Maxamuud oo ah wiil u dhashay dalka Masar, kadib markii ay ku guuleeysteen inay bixiyaan mag ama xaqa marxuun Barre Muuse Aw Yuusuf uu si kamo ah u jiiday baabuur uu waday gudaha magaalada Hargeysa horaantii bishii koowaad ee sanadkan 2004.

Munaasibad lagula kala wareegay magtaas oo ahayd lacag u dhiganta sideetan neef(80 Geela) oo geel ah ayaa maanta ka dhacday Huteelka Aroor ee magaalada Hargeysa. Waxaana gudidaasi ku wareejisay oo ahay lacag u dhiganta sideetan neef oo geel ah qoyska marxuumkaas oo ku geeriyooday shilka gaadhi, kaas oo ahaa muwaadin qabay xanuunka dhimirka.

Gudidaas culimada ah oo iyagu sheegay inay lacagta magtaas ka soo ururisay dadweynaha reer Hargeysa, kadib markii ay u gurmadeen wiilka Masriga ah oo ahaa taksiile ku xamaasha baabuur yar, kaasoo muddo dhowr bilood ee dambeeyay ku ku xidhnaa xabsiga Hargeysa ayaa maanta dib u helay xorriyadiisii kadib markii laga dulqaaday xaqii marxuumkaas.

Sheekh Mustafe Cabdi Xariir oo ka mid ah guddidaas culimada ah ee ka hadashay munaasibadaas ayaa ugu horeyn ka war-bixiyay u-jeeddada kulankoodu daaran yahay, isaga oo yidhi; “taariikhdu markii ay ahayd 1-dii bishii kowaad ee sannadkan 2004 ayaa goor habeen ah baabuur uu waday wiil masri ahi waxa uu jiiday muwaadin la odhan jiray Barre Muuse Aw-Yuusuf,kaas oo qabay xanuunka dhimirka ayaa ku nafwaayey shilkaas oo ka dhacay jidka laamiga ee dhinaca bari looga baxo magaalada Hargeysa. Sidaa daraadeed, Ninkaas oo Muslim qariib ah waxa lagama maarmaan noqotay in loo gurmado oo laga bixiyo magta, si uu xaqiisii u helo marxuumka dhintay, isagana laga soo saaro jeelka”.

Waxana uu intaas ku daray oo tilmaamay in arrintani tahay sadaqo khayri ah maadama lagu samato-bixinayo nin marti ah oo muslim ah.

Ugu dambayntii waxaa munaasibadaas ka hadlay Gudoomiyaha gudidaas Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil oo ugu dambayntii ka hadlay munaasibadaa ayaa caddeeyay inay qoyskii marxuumka dhintay ku wareejiyeen lacag la qiimo ah sideetan neef oo geel ah, taas oo ahayd magtii loo haystay wiilka Masriga ah , waxaana uu carabka ku dhuftay in qoyska marxuumku ay iskood u dhaafeen labaatan neef oo geela maadama magta ninka ragga ahi ay tahay boqol geel ah.

Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil waxa uu ku dheeraday wanaaga iyo khayrka ku jira in loo axsaan falo walaalaha muslimka ah ee dhibtu haysato, isaga oo mahadnaq balaadhan u soo jeediyay cid kasta oo wax ku darsatay magdhowga ah ee lagu samata-bixayay wiilka Masriga ah oo ah miskiin qariib ah oo aan ehel iyo walaal midna u joogin Hargeysa.

“Magtadii loo haystay Kariim Maxamuud annaga oo aan waxba faraha ku haynin waxaanu la kaashanay ILAAHAY oo dumnada ayaanu saarnay oo wuu noo fududeeyey.”Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Ismaaciil.

“Mago iyo culeysyo ka baddan dalkayga wuu yaala, reero fara baddan oo intaas oo maga lagu leeyahay Ayaan ogahay oo si ay isaga dul-qaadana aanay garanayn.Laakin tani waxay kaga duwan tahay waa nin qariiba oo waddankiisi aan joogin…..”Ayuu yidhi Sheekh Maxamed, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu ydh“Innaga ciwaankeena iyo baasaboorkeenu waa LAA ILAAHA ILALAAHU MUHAMEDUL-RASUULULAAH. AL-raaximuuna yarxamu humu raxmaan.”

Oday Keyse Aadan Axmed “Keyse Black” oo ka mid ahaa guddi culimo samafalayaal reer Somaliland ah, oo xafladaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“Soo uruurita lacagta magtada ah ILAAHAY aad ayuu noogu fududeeyey, oo qofkasta oo aan u tagnaana uu na soo dhaweeyey,bulshadana aanu khayr baddan kala kulanay, wixii aanu u baahnayna aanu ka helnay,”

Sidoo kale, Sheekh Cabdiraxmaan Cali Xirsi Cigaal “Dhag-dhaqaaje, oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Magtaas waanu bixinay, boqol nee foo Geela ayey ahayd labaatan ayaa na laga daayay sideetankii kale waanu bixinay akoonadiina xisaabaadkana sidaas ayaanu ku xidhnay,rag baddan ayaa noo ballan-qaaday inay Ramadaanta bixinayaan wixii aad ku tallogasheen masaakiinta siiya. Dhulkii nala siiyeyna oo ahaa baloogyo (Blocks) iyo jagooyin kale-ba waanu celinay. Dad dhul la siiyey oo celinaya annaga ayaa ugu horeynay”

Ganacsade Maxamed Usaama oo ninka Kariim Maxamuud ee jiidhay muwaadinka reer Somaliland oo ay wejigiisa ka muuqatay farxad iyo dhoola-caddeyn oo munaasibadaas ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Dadku macdanta ay ka sameysan yihiin, gobanimadooda iyo dunta ay yihiin waxa lagu gartaa marka ay dhibaato dhacdo. ILAAHAY junuudiisa ii sikhiray ee aan ku ogaaday dadka Somaliland degeni inay yihiin dad Goba oo wanaagsan oo uu ILAAHAY nagu dhex asturey”.

Kariim Maxamuud oo ah wiil dhalinyaro reer Masar ah, oo ILAAHAY ku sababay Marxuumka geeriyooday ayaa u mahad-celiyey cidkasta oo gacan ka geysatay bixinta magtii loo haystay ee uu u xidhnaa.

Sheekh Cabdirisaaq Siyaad Aw Cabdi ayaa waxa uu u mahad-celiyey dadkii muxsiniinta ee magta laga soo uruuriyay, Ciidamada ammaanka waddooyinka iyo maxkamada garsoorka iyo Suldaan Qafaar: “Waxaanu u mahad-naqaynaa Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Axmed Mooge, o si sharaf iyo karaao leh noo qaabiley,isla markaana xabsiga ku booqday muddadii uu xidhnaa Kariim Maxamuud.

Sheekh Al-Xuseeni Nuur Axmed oo Xafladaasi bilnayd ayaa ku soo gunaanaday duco qiima baddan, ILAAHAY ajar iyo xasanaad ha ka siiye.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories