HomeQisaastu waa sharci Allah (SW) Jideeyay oo ay Somaliland ku guulaysatay fulintiisa

Qisaastu waa sharci Allah (SW) Jideeyay oo ay Somaliland ku guulaysatay fulintiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qisaas, oo ah erey asala ahaan carabi ah oo micnahiisu yahay in qofka danbiilaha ah laga gooyo danbiga uu galya mid la mid ah hadii uu dil yahay in isna la dilo hadii dhaawac yahay in isna sidoo kale la dhaawaco hadii ruux uu dhag ka jaray in isna dhag laga jaro ayaa ah sharci allah-sw- uu u dejiyay aadamaha si ay ugu wada noolaadaan sinaan iyo nabad galyo.

Fulinta xukunka Allah-SW- jideeyay ayaa ah mid laga dhaxlaayo raali ahaanshaha Allah iyo naxariistiisa faraha badan ee aadamahu u qabo baahida balaadhan eenu ka maarmi Karin, sida uu allah-sw- quraanka ku sheegay in qisaasta ay ugu sugantahay aadamaha nolol raaxo badan.

Nabi muxammed-NNKH- ayaa ahaa hogaamiyihii dhabta ahaa iyo macalinkii bulshadan nool qarniyadan danbe, islamarkaas an ruuxa ugu khayrka badan aadamaha dhamaantii intuu allah abuuray, intii nabigu-nnkh- uu noolaa ayaa waxa bulshada wada gaadhay cadaalad iyo nabad galyo balaadhan oo laga wada dareemay dhamaan daafaha dunida, nabiga-nnkh- ayaa ahaa mid fulin jiray amarada allah-sw- sida loogu waajibyeelay aan marnaba ka gaabin jirin.

Ruux kaste oo nabiga dabadii nool oo aan gafayn ma jiro laakiin caano daatay dabadood la qabay, xukunkii dilalka ahaa ee lagu riday dadkii danbiilayaasha ahaa ee gaystay falalka arxan darada ah ee dilalka ahaa ayaa noqday mid maanta lagu fuliyay lix ka mid ah danbiilayaashaas oo lagu dilay degmada mandheera .

Somaliland oo mudo dheer ka dib ku dhiiratay inay fuliso xukun Allah (SWT) amray in la fuliyo una samaysay sidii loo baahnaa ayaa ah mid u baahan amaan iyo bogaadin ay xaq u leedahay dawlada fulisay xukunka Allah (SWT) jideeyay.

Maalintii Qisaasta la fuliyey oo   bishu ahayd 14/04/2015, waxa si balaadhan looga dareemay dhamaan dhulka Somaliland gaar ahaan goobtan aan haatan ku suganahay ee Hargeysa qabow, naxariis, degenaansho, iyo waliba farxad ay ku naaloonayaan dadka ku dhaqan dalkan.

Waxaan subaxnimadaa ku waa bariistay cir ku shaqlan kuna hadoodilan caad iyo daruuro ay indhuhu u basaaseen aragooda iyadoo jimcihii u danbeeyay laga aqriyay ducada roob doonta inta badan masaajida dalka, tan ayaa ku tusaysa in Allah-sw- loosoo noqdo ay ku jirto danbi dhaaf naxariiska in allah-sw- risiq qaboow oo degan ugu deeqo bulshada kuna galado nabd galyo iyo degenaansho.

Somaliland amaan iyo sharaf ayay kuu tahay fulinta xukumada allah-sw- jideeyay, waxa ku yaraan doona dilal danbe oo dhaca, waxa ku waantoobi doona daalinkii ku dhiiran jiray dilka, waxa badbaadi doona madluumkii la dulmiyi jiray loogu hanjabi jiray waan ku dili, waxaa waara doona amaanka aynu ku faano kuna dhisanahay ee aan qayrkeen haysan, waan leeyahay talaabo fiican ayaad qaadeen anan garabkiina ayaanu taaganahay hayaanka halkaa kasii wada harumarkiinuna ma hungoobo mana hantaaqdo.

Qalinkii: Hassan Ahmed
Xasan10001@Gmail.Com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories