HomeQiimee Shalay iyo Maanta Wadada isku Xidha Caasimada Hargeysa Iyo Magaalo Xeebeeda...

Qiimee Shalay iyo Maanta Wadada isku Xidha Caasimada Hargeysa Iyo Magaalo Xeebeeda Berbera

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Dad badan oo shacab ah iyo madax badaniba waa ku geeriyoodeen  shilal baabuur oo ka dhacay wadadaa dheer ee isku xidhana magaalooyinka berbera iyo hargesa, sababtuna ay ahayd wado xumo , Waxaa wadadaasi ku maqan haldoor badan oo Somaliland ku faadhi jirtay madax badan iyo masuuliyiin qaaliya, shacab aan lasoo koobi Karin wallow uu wadkoodu  hadana sababta koobaad wada xumo ayey ahayd, Markii  dalku galay isbedelkii la magic baxay UDUB ka guuro KULMIYE u guur, waxaa la sameeyey  qorshe  lagu waajahaayo  dayactir lagu sameeyo  jidadkaasi baaba,asan  waxaana Hay’adda wadooyinka Somaliland  oo wakhtigaasi fadhiid  dadkuna aanay aqoon si rasmiya loo hoos keenay Wasiirka madaxtooyada, waxay bilowday dar dar cusub oo ay ku hagajinayso wadooyikaasi  dedaalkii ay samaysay wuxuu dhalay inay jagleesho wadooyin  cusub oo dawlado hore ka  baqeen inay sameeyaan.

WadoWasiirka Madaxtooyadu wuxuu guure, galab iyo gawaan socod u maray siduu uga soo bixi lahaa masuuliyadaasi la saaray  dadkiisuna u bad baadi lahaayeen loona heli lahaa wado waanagsan oo la maro , wuxuu bilaabay hindisayaal cusub  maskax fayow oo caafimaad qabta ayuu ku cabiray  rabitaankasta oo loo bahan yahay in qorshahaasi loo suurta geliyo , ilaaahay nin daacada ma dayacee guushuu midigta uga dhiibay,  tusaale waxaa inoogu filan shalay siday ahayd wadadaa isku xidha Hargeysa iyo Berbera iyo maanta siday tahay ilaahay mahadii weeye libanta Xirsibaa iska leh.

Somalida ceeb teed maaha waa caadadeed inay qofka markuu dhinto amaanaan ama ka mahad sheegtaan markuu xilka ka tago, hasa ahaatee way quudhi waayaan intuu noolyahay ama uu masuuliyad hayo inay wanaagiisa ku amaanan ama sheegan bedelkeedana waxay doonaan xumaantiisa iyo wax ka sheegiisa iyagoo markay waxba ka waayana u sameeya dacaayado raqiisa oo aan waxba ka jirin , Hadaba maanta anigu Xirsi Cali Xaaji Xasan Wasiirka Madaxtooyada isagoo nool oo masuuliyad  qaran haya Waxaan uga mahaq naqayaa ku Ammaanayaa kuna hanbalyeynayaa Libanta iyo ficilka uu kaga rumeeyey kartida uu muujiyey iyo xilkasnimadu waa midaan maraba lagu gaadhayn.

Haldoorka Wasiirada Xukuumada Kulmiye  Wasiir Xirsi Calli Xaaji Xasan, masuul ilaahay ugu deeqay daacadnimo iyo karaamo bini aadam, qiimayn aan ku sameeyey golaha wasiirada ee Dawlada siilaanyo waxaan ku ogaaday inuu Wasiir xirsi yahay wasiirka ugu muda karsan, ugu shaqada bada ugu kartida badan, anoon faaninayn hadana waxaan ogahay makhraati ka ahay inuu yahay halyey  Madaxweynaha iyo ku xigeenka ka sakow  uu lafdhabar u yahay qarankeena.

Somalidu waxay tidhaahdaa dadka lama ammaano, waxaan leeyahay waa la ammaanaa markay mutaystaan sida xirsiyoo kale , waa masuul u daacada dalkiisa iyo dadkiisa  kana turjumaday siyaaasadii Madaxweynaha Qaranka ee ahayd hiigsiga iyo himilo ku taamka qarankan curdinkaa ee JSL.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories