HomeQiime dhaca xad-dhaafka ah ee ku yimi shilinka SL iyo Halista Burbur...

Qiime dhaca xad-dhaafka ah ee ku yimi shilinka SL iyo Halista Burbur Dhaqaale oo ka Dhasha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qiime-dhaca xad-dhaafka ah ee ku yimi shilinka SL waa mid u baahan in ay dawladdu si deg deg ah wax uga qabato, si looga baaqsado burbur dhaqaale.

Shilinka suuqa wareegaya oo xaddigiisu ka batay mid suuqu qaadi karo ayaa keenay in qiimihiisu hoos u dhaco. Ka sakow hoos u dhaca dhaqaale ee colaaduhu sababeen, waxa hoos u dhaca qiimaha shilinku ka dhashay:

1. Bangiga Dhexe oo joojiyey tallaabooyinkii lagu xoojin jiray shilinka ee doollarka suuqa lagu gelin jiray.

2. Bangiga Dhexe oo lacago ka badan tii daabacnayd qaab digital ah suuqa u soo geliyey.

3. Bangiga Dhexe oo ku mashquulay lacago kale oo dibadda lagu soo daabacayo, taasi oo hoos u dhigtay kalsoonidii shilinka lagu qabay.

4. Farsamada is-xambaarka ah ee 100-ka doolar la raaciyo lacagta ka yar boqolka marka wax la iibsanayo ayaa aad u soo korodhay, taasi oo keentay in isticmaalka iyo baahida shilinku hoos u dhacdo.

Guud ahaan, duruufo adag oo mar qudha isku soo wada beegmay ayaa keenay xaaladda werwerka leh ee ka jirta suuqa sarrifka. Qiime dhacan shilinku waxa uu si gaar ah u dhaawacayaa shaqaalaha dawladda, dadka saboolka ah iyo reer miyiga oo iyaga dakhligoodu yahay shilinka SL.

Dadka dakhligoodu yahay doollarka ee hantida leh ama dibadda lacag looga soo diraa way ka madaxbannaan yihiin shilinka SL ee sida qaldan loo maamulo. Waxa khalkhalkan sarrifka si gaar ah uga faa’iiday shirkadaha waaweyn ee gacan saarka la leh Bangiga Dhexe.

Waxa aan ku talinayaa:

1. In si degdeg ah Bangiga Dhexe u bilaabo lacagihii doollarka ahaa ee shilinka dheeraadka ah suuqa lagaga soo iibin jiray.

2. In dhawrka malyuun ee doollar ee lacagta cusub lagu soo daabacayo loo isticmaalo in lacagaha dheeraadka ah ee suuqa wareegaya lagu soo iibsado.

3. In la laalo xeer hoosaadka fasaxaya in maamulka Bangiga Dhexe qaataan khidmad 2.5% ah markasta oo ay lacag soo daabacaan oo bangigu “faa’iido” helo. Tani waxay ka mid tahay waxyaabaha dhiirrigeliya lacagaha la daabaco.

4. In la joojiyo lacagaha deymaha ah ee Bangiga Dhexe siiyo hay’adaha dawladda, kuwaas oo badankoodu doolar lagu beddelo marka gaadiid ama qalab lagu iibsado.

5. In la baadho sababta dhalisay iyo cidda fasaxday kala badashada lacagta shilinka ah ee wareegaysa iyo kuwa daabacan. Lacagaha shilinka ah ee daabacan waxa lagu qiyaasaa ilaa $30 malyuun, laakiinse lacagaha wareegayaa aad ayey uga badan yihiin intaa. Ma Bangiga Dhexe oo keliya ayaa arrintan ka masuul ah mise wax kale ayaa jira?

Waxa Qoray: Ismail Ahmed, Aasaasaha Worldremit.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories