HomeQiimaynta Axmed-Siilaanyo

Qiimaynta Axmed-Siilaanyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qiimaynta siyaasiga maantu waa garashada ka berri. Markaa Axmed-Siilaanyo aniga sidan hoos ku taxan ayuu ii gu qiimaysan yahay.

 

  1. Waagii uu ka tirsanaa maamulkii dawladihii Soomaaliya waxaa la gu ammaanay in uu ahaa nin hawlkar ah shaqadiisana ka adag.

 

  1. Xilligii uu hoggaaminayay halgankii SNM raggiisa ayuu ka mid ahaa, mana jirto bogaadin ama dhaliil gaar ah oo uu xilkaa ku mutaystay.

 

  1. Markii dalka la soo galay ka ma uu badbaadin dhiriqdii colaadda qabyaaladeed, la gu mana baran samatalisnimo iyo nabadaynta bulshada.

 

  1. Markii uu yeeshay hanka ah in uu dalka madax ka noqdo, ujeedkiisa wax uu u maray waddo qabyaaladeed, shirkii Garadag ee uu isagu odayga ka ahaa ayuuna xisbigiisa Kulmiye u gu xidhay wacad gaashaanbuur
    qabyaaladeed.

 

  1. Isla markii uu dalka madaxweynaha ka noqday wax uu galay hawlgab, hawlaha dalkana wax uu ku aamminay dad kale, isaguna wax uu yeeshay oo keliya saxiixa, wax uuna gaadhay heer uu umadda uu madaxweynaha u yahay soo hor fadhiisan kari waayo oo wayddiin qudha ka jawaabi kari waayo, iyo in eray wal oo uu odhanayo warqad loo gu soo qoro xitaa salaanta.

 

  1. Hawlgabnimadaasi wax ay u diidday in uu haba yaraatee dawlad wanaaggii loo baahnaa wax ku soo kordhiyo, waxaana baabba’ay sharcigii dalka, xilalkii dawladduna wax ay noqdeen wax la ga ganacsado oo la isu gu qaraabo kiilo, hantidii yarayd ee dalkana wixii aan la boobin eex baa la geliyay.

 

  1. Isaga oo sidaa u itaal daran, taladii dalkuna aanay gacanta u gu jirin, ayuu haddana isu xilqaami waayay in uu umadda u qabto doorashadeedii dastuurku farayay, xilkana si sharaf leh u ga dego, wax uuna hirgeliyay doorashada dalka markii la doono in la baajin karo, iyo in xilalka golayaasha qaranka la gu joogi karo doorasho la’aan iyo sharci darro.

 

  1. Xilka wax uu ka tegayaa iyada oo aan dalka la ga aqoon wax sharci iyo dastuur la yidhaahdo, iyada oo awoodda dawladdu tahay fursad dalka la gu boobo dembina aanay ahayn haba yaraatee, iyada oo qabyaaladda siyaasadeed dabarka goosatay oo aan qofka muwaaddinka ahi wax kaleba ku talo gelayn, iyada oo aanay jirin hay’ad qudha oo dawladeed oo doorasho sharci ah ku fadhidaa.

 

Taariikhda siyaasadeed ee Axmed-Siilaanyo waa intaa haddii ay halyeynimo tahay iyo haddii ay budhcadnimo tahayba.

 

Ibraahin Yuusuf Axmed(Hawd)

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories