HomeQaylo-dhaan loga soo saaray Dhimashada Xoolaha oo Kor u Kacday iyo Doodda...

Qaylo-dhaan loga soo saaray Dhimashada Xoolaha oo Kor u Kacday iyo Doodda Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Bulshada Xoolo dhaqatada ah ee ku dhaqan Degmada Dilla ee Gobolka Awdal iyo nawaaxigeeda, ayaa walaac ka muujiyay Cudurro Saf ah oo ku dhacay Xoolaha ay dhaqdaan, isla markaana ay u dhinteen Adhiga iyo Lo’du, waxaanay dawladda iyo Hay’addaha Caalamiga ah ka codsadeen gurmad daaweyn ah lala gaadho.

Xubno ka mid ah Dadka reer Guuraaga ah oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay Xoolo tiro badan oo isugu jira Lo’ iyo Adhi u dhinteen Xanuunnada Sababka iyo Cabeebka, bilihii la soo dhaafay, ilaa hadana wax gurmad caafimaad oo lagu badbaadinayo xoolaha aanay ka helin dawladda iyo Hay’addaha ka shaqeeya horumarinta Xoolaha nool ee Dalka ku sugan.

xoolo-dhintay1Inkasta oo ay tilmaameen in dhawaan Olole lagu talaalay xoolaha Gobolka laga fuliyey, haddana waxa ay ku tilmaameen inaanu ahayn mid tayadiisu fiicantahay oo ka hortag u noqday cudurrada xoolaha kaga dhacay.

Waxa kale oo ay sheegeen Xoollo dhaqatadu in Caabuqa Sambabka loo yaqaanaa uu ku dhacay Adhiga, halka Lo’da-na uu ku dhacay xannuunka Cabbeebku, heerka dhimashaduna ay kor u sii kacayso marba marka ka dambeysa.

“Dhimashada Lo’da iyo Adhigaba lama tiro koobi karo oo maalin walba way bakhtiyaan Xooluhu jiiddan oo dhan, waxaana ku dhacay Sambab iyo Cabeeb,” sidaasi waxa warbaahinta u sheegay mid ka mid ah Wax-garadka Deegaanka.

“Markaa waxaan dawladda iyo Hay’addaha Caalamiga ah ka codsanaynaa in dhakhso loola soo gaadho dadkan Daawooyin tayo leh oo Xoolaha lagu daweeyo,”ayuu yidhi Nin kale oo ka tirsan bulshada Xoolo dhaqatada ahi.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo ku saabsan cabashada ka soo yeedhay Xoolo dhaqatada Gobolka Awdal ee Xannuunnadu ka asiibeen Xoolaha ay dhaqdaan, hase-ahaatee Saraakiil u hadlay Maamulka Degmada, ayaa Warbaahinta u sheegay in deegaamada cabashadu ka soo yeedhay ay iskaga daba noqdeen Kooxo ka socda Wasaaradda Xoolaha ee Gobolku bilihii u dambeeyay, kuwaas oo ay sheegeen in qaarkood wali ku suganyihiin deegaannada hoos-yimaadda degmada Dilla ee cabashadu ka taagan tahay.

Waxay intaas ku dareen in Cudurrada ka dilaacay Degmada Dilla ka dhasheen Xoollo ururis ah oo sida ay tibaaxeen ay halkaas geysay Shirkad Xoolaha Dhoofisa oo aanay magaceeda iyo cida leh toona shaacin. “Shirkadbaa Deegaanka keentay Xoolo Xannuunnada qaba ayay nagu yidhaahdeen dadku, Shirkaddiina intii badnayd way qaaday Xoolaheedii, markaa kollay marka dhaxantu jirto xooluhu way u nugulyihiin Xannuunada,” sidaas waxa yidhi Sarkaal la hadlay warbaahinta oo ku madlayey madaxda dawladda ee gobolka.

“Bishii hore waxa Gobolku soo diray Laba kooxood oo caafimaadka Xoolaha ka shaqeeya, iminkana tiim kale oo dhawaan yimi ayaa wali jooga,” ayuu yidhi Sarkaalka Warbaahinta, waxaanu intaas ku daray, “Markaa Dadku si fiican ugamay faa’idaysan gurmadka Kooxahan Gobolka laga soo diray.”

Xukuumadda Somaliland, ayaa badhtamihii sanadkii 2014-ka Gobollada dalka ka fulisay Ololeyaal Xoolaha lagu talaalayo oo Gobollada oo dhan laga fuliyey, sida Warbaahinta ka sheegeen Masuuliyiinta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee heer Gobol.

Dhinaca kale, wasiirka Xannaannada Xoolaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas oo aanu xalay kala xidhiidhnay telefoonnada gacanta, ayaa noo suurta-galin inaanu helno, kaddib markii aanu la kulannay telefoonnada oo xidhan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories