HomeQaylo-dhaan ka soo yeedhay Mulkiilaha Gaadhi Saddex todobaad Ku Xanniban Dawga Sheekh...

Qaylo-dhaan ka soo yeedhay Mulkiilaha Gaadhi Saddex todobaad Ku Xanniban Dawga Sheekh oo Gurmad la’aan tirsanaya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)- Mulkiilaha Gaadhi noociisu yahay kuwa Xammuulka ee loo yqaano Candho-meydlaha oo saddex todbaad ku xanniban ku xanniban Dawga Buurta Sheekh oo uu ka dhacay, ayaa qaylo-dhaan ugu jeediyey xukuumadda shacabka gurmad ka dhan sidii looga saari lahaa, ka dib markii lagu guul-darraystay isku-dayo dhowr ah oo loogu gurmaday.

Gaadhiga-dhacayBaabuurkaasi oo dekadda magaaladda Berbera ka qaaday 550-kiish oo Baasto ah ayaa la sheegay in uu meel badhtamaha buurta dawga Sheekh ah markii uu marayo halkaasi ka dhacay, iyada oo gaadhigaasi uu muddo 23 maalmood ah xaniban yahay isla markaana aanu weli cid gaadhiga meesha ka saarta ka heli dhinaca xukuumadda Somaliland iyo dadka shicibka ahba.

Maxamed Sheekh Ibraahim (Geele), oo ah derawalka iyo Mulkiilaha baabuurkaasi oo maanta u waramay saxaafadda qaarkeed, ayaa  sheegay in aanu mudadda intaasi le’eg ee uu halkaasi ku xanibnaa wax caawimo iyo taageero ah ka helin dhinaca dawladda iyo cid kale midna, waxaanu tilmaamay in baastadda uu siday oo ay lahayd shirkadda Al-ikhwa in ay burburtay ka dib markii ay isku deyeen in ay baabuurka ka dejiyaan.

Maxamed Sheekh Ibraahim, oo ku magac dheer Geele oo ugu horayn ka waramay sida ay wax u dhaceen iyo mudadda uu halkaasi baabuurkiisu yaalay, waxa uu yidhi “Magacaygu waa Maxamed Sheekh Ibraahim (Geele), baabuurkaygu wuxuu halkan ku dhacay muddo haatan laga joogo 23-maalmood, waxaan ka imid Berbera waxaanan u socday magaaladda Beledweyne, baaburku wuxuu siday Baasto, waxaana laga soo raray dekadda Berbera, Baastadaasina waxaa leh Shirkadda Al-Ikhwa, baabuurkayga noociisu waa kuwa loo yaqaano Can-dhomeydle. Maalinta uu gaadhigaydu meeshan ku dhacay habeen Salaasa ah ayay ahayd, markii aan buurta Sheekh soo koray waxaan siday 550-kiish oo Baasto ah, meel dhexe marka aan marayo ayaa waxa dhacay gaadhiga ayaa woxoogaa saacadu iga kacday, oo wuu yaro kululaaday, Biriiga ayaan qabtay oo waan is-taagay, markii aan is-taagayna baabuurkii dib ayuu u cararay, oo uu taraaray”.

Isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Subaxnimadii gurmad ayaa iiga yimid xagga Burco xamaaliin ah, gaadhigii ayaa rarkii maalintii ilaa habeenkii saddex beri ayaa laga rogayay, saddexdaasi maalmood ee laga rogayay iyo xamaaligaasi badan ee uu galay ayaa dhibaato faro badan keentay, oo Baastadii ayaa iga burburtay oo gaadhigii ayaa iga burburay, inta waxaas oo dhibaato ahi igu dhacday, dawladii Somaliland iyo dadkii Soomaalida ahaa ee Islaamka ahaa ee dhulka deganaa wax gar-gaar ah kama aan helin, sidii aan ka filayay ma aha, shan iyo toban sanno ayaan Somaliland gaadhigan kaga shaqaynayay. Ilaa imikana halkii ayaan joogaa cid ii timid iyo wax rejo ah oo aan hayaana ma jirto, xagga dawladda cid kama hayo, qof bani’aadam ah ma hayo, Burco waan tegay, Berbera waan tegay qof iga naxa lama arko”.

ssMaxamed Sheekh Ibraahim (Geele), oo aanu waydiinay gaadhi Wiish ah oo la sheegay in maalin dhawayd loo soo diray ayaa sheegay in wiishkaasi uu ahaa mid ay lahayd shirkadda korontadda ee Beder, isla markaana uu wiishkaasi baabuurka qaadi kari waayay maadaama oo uu tankiisu ahaa mid aad uga yar baabuurkiisa.

“Gaadhi Wiish ah oo maalin dhawayd ii yimid Shirkadda Beder layidhaa oo Burco iyo Sheekh u shida laydhka nin leh ayaa iska lahaa, oo Burco ayuu iiga yimid, wiishkaasina 140-tan ayuu ahaa, fureyaashiina waa laga xaday derewal fiican oo yaqaanana waa la waayay, wiishkii noo yimidna niman ayaa af-lagaadeeyay, oo yidhi wadaddii ayaad xidhay oo ninkii waday iyo anigaba waa lana laayay, oo ninkii wiishka lahaa habeenimadii ayaa la xidhay, dadka waxaasi nagu sameeyayna magaaladda Sheekh ayay hada joogaan oo waa niman odayaal ah,” ayuu yidhi Maxamed Sheekh Ibraahim (Geele).

Geele, oo hadalkiisa sii watay ayaa yidhi “Waxaa jirta waraaq la gooyo oo $25 dollar ah, oo ay gooyaan is-kaashatadda gaadiidka ee aan ku jiro, is-kaashataddana waxaan ku niqiinay gaadhiga markii ay wax ku dhacaan in lacagtaasi la ururinayo lagu caawiyo, lacagtaasina waa la iga qaadaa, meel walba oo aan joognana taasi ayaanu ku niqiinay, haday Xamar tahay, haday Boosaaso tahay, haday Gaal-kacayo tahay iyo magaallo kastaba, Somaliland na is-kaashato ayaan kaga jiraa oo gaadhigaygu wuu buufisan yahay, lacagtana waa la iga qaadaa, is-kaashadii aan ku jirayna waxba kama hayo oo iima soo gurman, aniga baabuurkayga lanbarkiisa Somaliland waa 31216, sidoo kale waraaqdii cashuurta waddo marista ee Somaliland lixdii bilood ee u dabeeyay waan bixiyay oo baabuurkayga way ku dhejisan tahay iyo cashuurta liisanka dhamaanba waan bixiyay, maalin iguma baaqato”.

Maxamed Sheekh Ibraahim (Geele), ayaa fariin u diray xukuumadda Somaliland, guud ahaanba umadda islaamka ah, waxaanu yidhi, “Fariinta aan umadda Soomaaliyeed u dirayaa waxay tahay bil Ramadaan ayaa igu soo dhaw meeshana iska daa dabaysha iyo kulaylka ka dhacaya, waad yaabaysaa, meel uu qof bani’aadam ahi joogi karo ma aha, qof ay dani hayso mooyaane, umadda Soomaaliyeed, islaamka iyo dawladda Somaliland waxaan ka codsanayaa gaadhigan in ay iiga bixiyaan meeshan.”

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories