HomeQaybtii ugu horreysay Budhcad-badeed Soomaali ah oo lagu Maxkamadeeyey dalka Seychelles oo...

Qaybtii ugu horreysay Budhcad-badeed Soomaali ah oo lagu Maxkamadeeyey dalka Seychelles oo maanta Xukuumadda Somaliland lagu wareejiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 28 March, 2012 (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay maanta la wareegtay Qaybtii ugu horreysay ee sagaal iyo toban budhcad-badeedda Soomaali ah oo laga soo sareejiyey dalka Seychelles.

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Somaliland, Md Axmed Xuseen Caydiid ayaa xaqiijiyey in dalka la keenay Sagaal ka tirsan Budhcad-badeeda Soomaalida ah oo ay xukunno ku rideen maxkamadaha dalka Seychelles, si xukunadooda hore loogu xukumay ay ugu dhamaystaan xabsiyadda Somaliland.

Wasiirku waxa kale oo sheegay inay sagaalkan nin ka mid yihiin sagaal iyo toban maxbuus oo budhcad-badeed Soomali ah oo lagu helay budhcad-badeed oo muddaba ku xidhnaa dalka Seychelles oo iyagu iskood u qabalay oo soo codsaday inay xukunkooda ku dhamaystan Somaliland xabsiyadda ku yaala.

Xidhiidhayaha xafiiska ka hortaga budhcad-badeeda u qaabilsan Somaliland  Md Maxamed Cismaan ayaa isaguna dhiniciisa ka sheegay in maxaabistan Soomaaliyeed ee budhcad-badeeda ah ee loo soo wareejiyey xabsiyadda Somaliland ay maxkamaddaha Seychelles ku rideen xukuno u dhexeeyey 10 sanno ilaa 24 sanno sannadihii 2010-2011.

Xidhiidhiyuhu waxa uu inta ku daray in maxaabistan  hay’addaha Qaramadda Midoobay u qaabilsan la-dagaalkanka danbiyadda ee UNODS ay u soo duulisay dalka Somaliland iyada oo laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee Cigaal Internationl Airport ee magaaladda Hargeysa halkaas oo uu kula wareegay Wasiirka caddaaladda Somaliland.

Sida uu sheegay xidhiidhiyaha xafiiska ka hortaga budhcad-baddeeda u qaabilsan Somaliland Maxamed Cismaan dhamaanba maxaabistan budhcad-badeeda Soomaaliyeed ee loo soo wareejinayo Somaliland waxay u dhasheen Koonfurta Soomaaliya oo aanay ku jirin Puntland

Sida laga warqabana Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Seychelles ayaa bishii February ee sannadkan heshiis ku saabsan wareejinta maxaabistan budhcad-badeeda ah loo soo wareejinayo xabsiyada Somaliland ku kala saxeexday magaaladda London.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories