HomeQaybo ka Mid ah Badweynta Taariikh-nololeedkii Saaxiibkeen MM. Kastan – W/Q: Cabdirashiid...

Qaybo ka Mid ah Badweynta Taariikh-nololeedkii Saaxiibkeen MM. Kastan – W/Q: Cabdirashiid Cali Sheekh – QAYBTA 2AAD

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

kastamWaxa uu ahaa nin aan dadka iska sarraysiin oo intii badnayd noloshiisa la soo qaatay qaybaha bulshada dabaqadaha hoose, sidoo kalena aan qiimayn hantida iyo dhaldhalaalka aan waarin ee nolosha adduunyada.

Waxa uu ahaa caalim si qoto dheer u bartay diinta islaamka iyo falsafado kala duwan oo ay aaminsan yihiin dadka aan muslimka ahayn, gaar ahaan reer galbeedka, kuwaas oo u sahlay inuu noqdo nin si cilmiyan ah uga jawaabi kara su’aalo isu-dheellitiran oo ku saabsan qaybaha nolosha aadamaha iyo aragtiyahooda kala fog ee dhinaca caqiidada.

Waxa uu ahaa kayd aqooneed iyo marjac loo daba fadhiisto dhacdooyinka taariikheed ee adduunka oo ay adagtay in maskax qof keliya ah koobsato ururintooda iyo xusuustooda.

Waxa uu Ilaahay hibo u siiyey hal-abuurnimo iyo curinta qoraallo iyo barnaamijyo taabbagalay oo uu ku soo kordhiyey qaybaha kala duwan ee warbaahinta maxalliga ah, kuwaas oo saaxafadda qoran iyo telefishannadaba illaa maanta u ah madalo lagu soo bandhigo dhacdooyinka ugu xiisaha badan, looguna jecel yahay ee sida joogta ah uga baxa.

Waxa uu ahaa faylasuuf himiladiisu fogtay oo naftiisa iyo noloshiisa oo dhan u hibeeyey inuu ummaddiisa habeen iyo maalinba qallinka ugu tilmaamo meelaha ugu fudud, uguna habboon ee lagu gaadhi karo guulo la mahadiyo oo ay horumar iyo badhaadhe ku gaadhi karaan dadka iyo dalkiisa Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa uu ahaa suxufi ku adag ilaalinta anshaxa mihnadda saxaafadda iyo ammaanada qallinka, isagoo aad iyo aad ah u dhibsan jiray qaladaadka iyo gefefka warbaahintu galaan, sidoo kalena ku dedaali jiray inuu saxo waxyaabaha saxaafadda ka qalloocda oo uu si gaar ah u ururin jiray.

Waxa uu ahaa geesi aan hadalka iyo runta kala baqan qof kasta oo uu qalad ku arko darajada uu doono ha lahaadee, taas oo marar badan sababtay inay isku dhacaan shaqsiyaad uu hadalka runta ah uga tudhi waayey.

Waxa uu ahaa geed adayg aan cabashada aqoon isagoo la noolaa dhawr xannuun oo waaweyn – wadne-xannuun, dhiigkar iyo macaan – halis weyn ku hayey caafimaadkiisa muddo dheer, aakhirkiina sababay geeridiisii aadka u naxdinta badnayn.

Waxa uu ahaa qoraa, mufakir, waddani iyo suxufi ruug-caddaa dhowrsoon ah oo aad loo wada jeclaa, kana reebbanaa oo ka xoroobay inuu macaash ku raadiyo mihnaddiisii qallin-maalka iyo aragti dheerida ee magaciisa caanka ka dhigtay.

Waxa kaloo loo wada qirsan yahay inuu ahaa macallin iyo toosiye qaali ah oo bahda warbaahinta ku taageeri jiray saacad kasta aqoontii aan la qiyaasi karin ee uu xambaarsanaa talooyin miisaan leh iyo xikmado macno weyn huwan oo ku jihaysan ilaalinta anshaxa saxaafadda iyo buuxinta doorkooda warbaahineed ee la xidhiidha horumarka dalkooda, waxaannu had iyo jeer si gaar ah u gacan qaban jiray da’yarta warbaahinta oo la daba taagnaa dhiirrigelin iyo kordhin aqooneed.

Weligii ma taageerin mid ka mid ah xisbiyada siyaasadda ee Somaliland, kuwaas oo uu aaminsanaa inay ka madhan yihiin mabaadi’da aasaasiga ah ee axsaabta dimuqraadiga ah lagu kala raaco, kuna dhisan yihiin qabyaalad iyo caadifad aan xikmad ku fadhiyin oo lagu kala riixdo kuraasta qaranka oo ah halka hantida ummadda rag badani kaga baahi baxeen, sidaa daraadeed marnaba ma uu codayn shantii doorasho ee dalka ka qabsoomay intii uu noolaa sababahaas awgood.

Waxa uu ahaa nin aad u neceb qabashada xilalka goor kasta baratanka iyo dagaalka loogu jiro gaadhistooda, isaga oo garashadiisii dheerayd iyo aqoontii badnayd ee uu lahaa tustay halaaga iyo ciqaabaha ka dhalan kara if iyo aakharaba marka la dayaco masuuliyad ummadeed, waxaannu badi madaxda dawladaha Afrikaanka u yaqaanay qaar ujeeddada ay kuraasta u raadsadaan tahay inay keligood ka macaashaan oo aanay waxba u qaban cidda ay madaxda u yihiin, isagoo mar walba ka digi jiray xisaabta adag ee aakhiro ku sugaysa madaxda ummadaha iyo sida aanay maanta u dhaadayn.

Waxa uu ahaa aabbo wanaagsan oo ubadkiisa u jeexay jid habboon iyo akhlaaq suubban oo ay noloshooda ku maarayn karaan, waxaannu si gaar ah u bari jiray diinta Islaamka, laasimidda cibaadada Ilaahay addoomihiisa baray iyo qaababka ugu fiican qofka bani’aadamka ah u qorshaysan karo noloshiisa si uu if iyo aakhiraba ugu liibaano, iyadoo ababintaas fiicanna u suurtogelisay carruurta uu ka tagay inay noqdaan kuwo aad uga dhexmuuqda ubadka dhiggooda ah ee reer Somaliland ka hor intii aanay dalka ka dhoofin muddo hadda laga joogo siddeed bilood.

Sifooyinkaas faraha badan ee aan kor ku soo sheegay iyo qaar kaloo aan hubo in qallinkaygu seegay oo uu gaar u lahaa marxuum Kastan, isla markaana ay adagtay in hal qof wada kulansado, ayaa u saamaxay inuu noqdo shamac nuurkiisa la wada eegto oo ka dhex muuqda bahda saxaafadda iyo qallinlayda reer Somaliland oo uu ku dhex lahaa sumcad ballaadhan, wanaag fara badan iyo boqollaal saaxiib oo aan hubo inay kaalintiisii si weyn u tabi doonaan. LA SOCO…….

 

XIGASHO: Jamhuuriya

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories