HomeQaybo ka Mid ah Badweynta Taariikh-nololeedkii Saaxiibkeen MM. Kastan - DIYAARE: Cabdirashiid...

Qaybo ka Mid ah Badweynta Taariikh-nololeedkii Saaxiibkeen MM. Kastan – DIYAARE: Cabdirashiid Cali Sheekh – Qaybta 1aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Inaalillaahi wa inaa Illeyhu Raajucuun. Geeridu waa xaq, waana mid Ilaahay (SWT) ugu ballanqaaday in noole kasta oo adduunka guudkiisa ku uumman uu dhadhamin doono, cid geeri ka badbaadaysaana aanay jirin.

kastanAllaah ha u naxariistee suxufigii, qoraagii, aqoonyahankii iyo taariikhyahankii weynaa marxuum Maxamed Maxamuud Kastan (MM.Kastan) oo ka mid ahaa haldoorka tiir-dhexaadka ee dhidibada u taagay saxaafadda xorta ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ku faanto, ayaa si kedis ah ugu geeriyooday magaalada Hargeysa habeennimadii Arbacada ee taariikhdu ahayd 11 June 2014, kaas oo si ballaadhan loogu aasay shalay qubuuraha Xeedho ee woqooyiga caasimadda.

Haddaba, waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa qayb yar oo ka mid ah badweynta taariikh-nololeedkii aan qallin iyo qoraal lagu soo koobi karin ee marxuum MM.Kastan Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee.

Allaah ha naxariistee marxuum Kastan waxa uu sannadkii 1960kii ku dhashay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku soo barbaaray, wax ku soo bartay noloshiisa intii badnaydna ku soo qaatay.

Waxa uu ka soo jeeday qoys wada mucallimiin ah, nolol wanaagsanna ku soo koray, markii dambena ka mid noqday dadka Soomaalida ee dibaha u dhoofay sannadihii toddobaatanaadkii oo uu isaga qudhiisu qurbaha galay, balse dawaaf uu daafaha caalamka ku maray sannado badan kadib la soo laabtay dal-jacayl iyo waddaniyad xooggan oo siduu ii sheegay gaadhsiisay heer uu xataa marar badan diiday inuu daawayn caafimaad ugu baxo dalalka tegistooda loogu jecel yahay adduunka.

Marxuumku waxa Somaliland u soo wareegay sannadkii 1991-kii oo uu markii ugu horreysay si rasmi ah u degay, gooni-joogna kaga noqday dhammaan xubnaha kale ee qoyska reer Kastan oo ku kala nool Maraykanka, Yurub iyo Australia, kadib markii uu go’aan adag oo aan leex-leexasho lahayn kaga calool-go’ay qurbo-joognimo iyo nolol raaxo badan, waxaannu ka door-biday inuu isagoo wax kasta heli kara caasimadda Hargeysa ku guursado sannadihii dhowr iyo sagaashankii, dhawr carruur ahna ugu dhashaan.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa suxufiyiinta ugu aqoonta iyo kartida badnaa ee seeska u dhigay aasaaskii saxaafadda xorta ah oo la kowsatay markii Jamhuuriyadda Somaliland madaxbannaanideeda la soo noqotay 1991-kii, waxaannu sannadkii 1992kii ka mid ahaa aasaasayaasha wargeyskii ugu horreeyey ee dalka laga sameeyey oo la odhan jiray CODKA HARGEYSA oo calanka u siday tifaftireyaashii soo saari jiray, wax yar kadibna waxa uu abuuray wargeysyo uu isagu gaar u lahaa oo la kala odhan jiray BARAARUG iyo GOOBJOOG.

Markii saxaafadda Somaliland u guurtay nidaamka daabacaadda casriga ah ee waqtigan la isticmaalo sannadkii 1996kii oo sababtay inay meesha ka baxaan wargeysyo dhowr ahaa oo gacanta lagu daabaci jiray, waxa uu hormood ka noqday qorayaashii ugu muhiimsanaa ee hawlgalay wargeyska JAMHUURIYA oo nasiib u yeeshay inuu kelidii ilaa hadda ka sii shaqeeyo wargeysyadii mar lala aasaasay sannadihii sagaashanaadkii.

Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Maxamuud Kastan hibadii Ilaahay u siiyey qoraalka saxaafadda iyo buuggaagta ka sakow, waxa uu ahaa taariikhyahan iyo xeel-dheere loo daba fadhiisto taariikhda bulshooyinka Soomaaliya iyo caalamka oo dhan, iyadoo arrintaasina u suurtogelisay inuu qoro maqaallo iyo buuggaag aad loo jeclaysto akhriskooda oo huwan qisooyin iyo dhacdooyin kala duwan oo iyagu is-fasiraya.

Waxa uu ku caan-baxay qorista maqaallo joogto ah iyo buuggaag xambaarsan macno iyo ujeeddooyin aad u xeel-dheer oo ku saabsan nolosha bulshada iyo tusaalooyin aqooneed oo la xidhiidha sida looga guulaysto isbeddellada ijtimaaciga ah ee dunida soo mara, kuwaas oo uu si xikmadaysan ugu aroorin jiray hadba dhacdooyinka ugu waaweyn ee waqtigaas ka taagan dalka iyo duruufihii nololeed ee shacabka reer Somaliland soo dhex dabbaasheen labaatankii sannadood ee la soo dhaafay.

SIFOOYINKII GAARKA U AHAA MARXUUMKA:

Wuxuu ahaa waddani dhab ah oo aad ugu dhegganaa madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana neceb oo xataa gacan ula taga hadday ku kellifto cid kastoo uu arko inay dibindaabyeynayso qarannimada dalkiisa aan weli caalamka aqoonsiga ka helin.

Wuxuu ahaa deeqsi gacan furan oo aad ugu roon masaakiinta iyo dadka baahan

Wuxuu ahaa saaxiib qaali ah oo cidda ay is-bartaan aanay weligeed ka xiiso-jabin dadnimadiisii iyo aqoontiisii ku dhisnayd cilmiga iyo xikmadaha aan tiro iyo cadad lagu soo koobi karin ee maskaxdiisa ku duubnaa.

Wuxuu ahaa faylasuuf iyo indheer-garad saadaallo aqooneed ka bixin jiray waxyaabo aan inta badan ku jirin garashada dadka badankiisa oo la xidhiidha isbeddello dhinacyo kala duwan oo soo socda mustaqbalka dhow iyo ka fogba.

Waxa uu ahaa nin aad u cibaado badan, had iyo jeerna asxaabtiisa ku waaniya, kuna dhiirrigeliya inay cibaadaystaan, diinta islaamkana si fiican u bartay.

Waxa uu ahaa aqoonyahan afkiisa iyo qallinkiisaba ka fogeeyey ka-hadalka siyaasadaha madhalayska u badan ee dalka gudihiisa ka socday 23-kii sannadood ee Jamhuuriyadda Somaliland madaxbannaanida haysatay, qoraalladiisa iyo sheekooyinkiisuna ku qotomeen cilmi, xikmado iyo taariikho aan weligood duugoobayn oo uu kala hadhay faylasuufyadii ugu caansanaa ee dunida soo maray.

Waxa uu ahaa nin aan dadka iska sarraysiin oo intii badnayd noloshiisa la soo qaatay qaybaha bulshada dabaqadaha hoose, sidoo kalena aan qiimayn hantida iyo dhaldhalaalka aan waarin ee nolosha adduunyada.

Waxa uu ahaa caalim si qoto dheer u bartay diinta islaamka iyo falsafado kala duwan oo ay aaminsan yihiin dadka aan muslimka ahayn, gaar ahaan reer galbeedka, kuwaas oo u sahlay inuu noqdo nin si cilmiyan ah uga jawaabi kara su’aalo isu-dheellitiran oo ku saabsan qaybaha nolosha aadamaha iyo aragtiyahooda kala fog ee dhinaca caqiidada.

La soco qaybo kale oo ka mid ah taariikh-nololeedkii marxuum Kastan……..

 

XIGASHO: Jamhuuriya

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories