Home"Qaybin badan baa ku jirta Bulshada reer Somaliland...Qabyaalad xun baa innaga dilaacday...

“Qaybin badan baa ku jirta Bulshada reer Somaliland…Qabyaalad xun baa innaga dilaacday oo qof, Qoys iyo reerba ah” – Guddoomiye Saleebaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in Bulshada Somaliland kala qaybsan tahay, sidaasi darteed loo baahan yahay in laga hawl-galo sidii loo mideyn lahaa Bulshada.

blankGuddoomiye Saleebaan oo Maanta hadal u jeediyey Mudaneyaasha Golaha Guurtida oo muddo-kordhin u sameeyay Wakiillada, waxa uu sheegay in Somaliland lagu waday isku tanaasul, laakiin xiligan ay Bulshada kala qaybinayaan Madax-dhaqameedku.

“Qaybin badan baa ku jirta Bulshada reer Somaliland, waxba yaynaan isku qarin ee waynu qaybsan nahay, cabasho badan oo si yar loo bogsiin lahaana waxa lala doontaa Makarafoonnada, Ummad yar oo intan leeg oo Qaybsanina Wallaahi in aanay horumar iyo midnimo gaadhi karin, wax yar baynu nahaye waxaan Ilaahay ka rejaynayaa inuu quluubteena isku soo jeediyo, qabyaalad xun baa innaga dilaacday oo qof, Qoys iyo reerba ah, aynu is-dawayno. Isku Tanaasul, isku kalsooni ayaynu ku wadnee oo tiro badan iyo xoolo kumaynaan wadin ee waynu is jeclayn ee aynu isku soo noqono.”

“Madax-dhaqameedkii Iyo Waxgaradkii Bulshada oo Ilaahay Carrabkooda uu ku salliday Qabyaalad iyo qaybin iyo nacayb abuur, haddii Madaxdii reeruhu ay iyagu inoogu baaqaan qaybinta sidaynu ku heshiinaynaa? waxaanu ka codsanaynaa inay innaga joojiyaan (Qaybinta)”, sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories