HomeQayb ka Mid ah Al-shabaab oo Daacish ku Biirtay

Qayb ka Mid ah Al-shabaab oo Daacish ku Biirtay

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Muqdisho(SLpost) – Farac ka mid ah Ururka Al-shabaab ayaa ku dhawaaqay inuu si buuxda u taabacsan yahay kooxda la magac baxday Khilaafada Islaamiga ah ee ka dagaalanta wadamada Suuriya, Ciraaq iyo meelo kale oo dunida ka mid ah.

 

Kooxda Al-shabaab ka tirsan ee ka dagaalanta buuraha Galgala ee Puntland ayaa sheegaysa inay ku biirtay kooxda Daacish. Waxaa isa soo tarayay baaqyada Ururka Al-shabaab uga imanayay Dawladda Islaamiga ah iyo xataa Boko Xaraamta ka dagaalanta Nigeria, kuwaasi oo Shabaab ugu baaqayay ka mid noqoshada Daacish.

 

Kooxdan waxaa saldhiggeedu yahay buuraha Galgala ee maamul-goboleedka Puntland ee woqooyi bari Soomaaliya. Kooxdu waxay u muuqataa inay yar tahay hadda waxaana madax u ah sheekh Cabdiqaadir Muumin, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha diineed ee al-Shabaab.

 

Ururka Al-shabaab ayaa xidhiidh la leh Urur weynaha Al-qaacida, wuxuuna hore uga gaws adaygay baaqyada ku aadan ku biirista Daacish, iyadoo dhawaan dad waraaqo lagu taageerayo Daacish ku daadiyay degaanno shabaab maamusho ay xabsiga ku gureen.

 

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo hore ay u soo baxeen warar la xidhiidha in degaanno Puntland ka mid ah Daacish ka qorato dhalinyaro Soomaali ah, waxaanu dhawaaqa Shabaabta Galgala kala qaybin karaa Ururka Al-shabaab.

 

Geesta kalena warbixinta ay dhawaan soo saartay kooxda qaramada midoobay u qaabilsan ilaalinta cunaqabataynta hubka Somalia iyo Eritrea ayaa sheegay In Al-shabaab wali khatar weyn oo dhinaca ammaanka ah ku hayso Somalia iyo geeska Africa.

 

Warbixinta ayaa waxaa kaloo lagu xusay in hoggaamiyaha Al-shabaab, Sh. Axmed Cumar Abu-Cubeyda oo sidoo kale loo yaqaan Axmed Diiriye ama Mahad Cumar C/kariin uu yahay hoggaamiye wax badan kaga duwan hoggaamiyihii ka horreeyay ee Axmed Cabdi Godane oo 01-dii September ee 2014-kii lagu dilay weerar ay diyaaradaha Mareykanka fuliyeen.

 

Sh. Abu Cubeyda waa nin tanaasul iyo wada-shaqeyn ogol, isla markaana aan dadka u cabudhin sida Godane, isla markaana aqbala xubnaha qunyar socodka ah ee kooxda ku jira, taasoo u sahashay in hoggaamintiisa kooxda ay noqoto mid guul ah illaa iyo hadda, sida lagu xusay warbixinta.

 

Kooxda QM ayaa sidoo kale warbixintooda ku sheegay in Sheekh Abu Cubeyda uu weli sii wado in lala wadaago awoodda kooxda, isagoo hoggaamiyayaasha iyo taliyeyaasha deegaannada ay maamusho kooxda u ogoolaaday inay si madax-bannaan u shaqeeyaan, xitaa marka ay timaado arrimaha dhaqaalaha.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories