HomeQayada iyo Sawaxanka Oo La Yareeyaa Waxa Ay Ka Hortag Fiican U...

Qayada iyo Sawaxanka Oo La Yareeyaa Waxa Ay Ka Hortag Fiican U Tahay Xanuunnada Ku Dhaca Wadnaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Cilmibaadhis dhaqaale oo dhowaan soo baxday ayaa daahfurtay in qaylada iyo sawaxanku ay ka mid yihiin sababaha keena Dhiig-karka iyo xanuunnada wadnaha ku dhaca, waxa aanay ku talisay in sawaxanka oo laga yareeyo magaalooyinka Maraykanku in ay dawladda Maraykan u badbaadin lahayd lacag ka badan 3 Bilyan oo doolar oo sannad kasta kaga baxda la dagaalamista iyo daweynta wadne xanuunka.

Richard L. Entezl oo ka tirsan kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Michigan ee dalka Maraykanka isla markaana hoggaaminayey cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa dawladaha ku dhaliilay in ay lacag badan ku bixiyaan dhimista wasakhowga hawada iyo yaraynta xaaladaha caafimaad darro ee ka dhasha hawada wasakhowda, laakiin aanay ogeyn in sawaxanka iyo guuxa badan ee ka jira magaalooyinku uu leeyahay dhibaato la mid ah taas wasakhowga hawada.

Cilmibaadhistani waxa ay sheegtay in sawaxanka badan iyo guuxa xad dhaafka ah ee magaalooyinka waaweyn ka jiraa uu keeno in dadka meelaha u dhow deggen ay hurdadu ka xumaato isla markaana ay maskaxdu weydo waqtiyo ay nasato oo aanay waxba soo dhex-gelin, taasina ay ku keento buuq iyo hurdada iyo nasashada oo ay tabto, aakhirkana waxaa ka dhasha wadne xanuun iyo dhiig kar.

Sannadkii 1974kii ayaa laanta daryeelka deegaanka ee dalka Maraykanku ay soo saartay dardaaran ay ku sheegtay in sawaxanka iyo buuqa uu qofku maalintii maqli karaa aanu 24 kii saac celcelis ahaan ka badan 55 Decibel (waxaa loo soo gaabiyaa dB waana halbeegga lagu cabbiro heerka dhawaqa), laakiin tirokoob dalka Maraykanka laga sameeyey sannadkii 2013ka ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 46 dadka Maraykan uu maalintii maskaxdooda galo dhawaq heerkiisa dalacnaantu yahay ugu yaraan 58 dB, halka dad gaadhaya boqolkiiba 14 na ay la kulmaan maalintii dhawaq ugu yaraan ah 65 dB. Ugu dambayntii khubaradu waxa ay sheegeen in khatarta ah in dadka ay ku dhacaan Dhiigkar iyo xanuunnada xididdada dhiiggu ay boqolkiiba 17 kor u kacdo mar kasta oo codka iyo sawaxanka baxaya uu ku kordho halbeegga ah 10 dB.

Daraasaddani waxa ay iftiiminaysaa sababta magaalooyina waaweyn ay ugu badanayaan cudurrada ku dhaca xididdada dhiigga, wadnaha iyo dhiig karu in ay ka mid tahay sawaxanka iyo buuqa ku sii badanaya magaalooyinka oo ay dadku aad isugu yimaaddaan, isla markaana gaadiidka, warshadaha, diyaaradaha, talefannada gacanta, muusigga iyo wax yaabaha kale ee guuxa iyo sawaxanka keenaa ku soo badanayaan.

Xigasho geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories