Home“Qaxoontiga Dhadhaab dhamaantood waxay doonayaan inay ku laabtaan dalkooda” UNHCR

“Qaxoontiga Dhadhaab dhamaantood waxay doonayaan inay ku laabtaan dalkooda” UNHCR

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi, (SLP)- Hay’ada qaxoontiga adduunka u qaabilsan qaramada midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay Salaadadii doraad in qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee Kenya doonayaan inay dalkooda iskood ugu laabtaan.UNHCR

Mas’uuliyiin ka tirsan UNHCR ayaa sheegay ka dib shir saddex-geesood ah oo dawladda Soomaaliya, Kenya iyo qaramada midoobay ay Nairobi ku yeesheen in tallaabada labaad ee la qaadayaa ay noqon doonto in la hubiyo inay qaxoontigu si iskood ah ugu laabtaan dalkooda Soomaaliya, loona helo agabkii ay ku laaban lahaayeen. “Qaxoontiga ku jira xeryaha Dhadhaab oo dhami waxay doonayaan inay si iskood ah ugu laabtaan dalkooda, balse waxay u baahan yihiin deegaanno nabdoon oo ay ku laabtaan iyo waxyaabihii aasaasiga ahaa ee ay ku laaban lahaayeen. Waana midda aanu u baahannahay inaan kawada shaqeynno,” ayay tidhi madaxda UNCHR.

Sidoo kale, hay’adda qaxoontiga adduunka ayaa sheegtay in hawsha dib u laabashada qaxoontiga ay billaabantay bishii November 2013-kii, ka dib markii ay Kenya, Soomaaliya iyo UNHCR saxeexeen heshiiska saddex-geesoodka ah.

Heshiiskan saddex-geesoodka ahi waa mid dhigaya in qaxoontigu ay si iskood ah dib ugu laabtaan, balse aan lagu qasbin inay dalkooda ku laabtaan, iyadoo Kenya ay dhawaan ku dhawaaqday in xeryaha qaxoontiga Dhadhaab lagu xidho muddo saddex bliood ah.

Dhinaca kale, wasiirradda arrimaha dibadda dalka Kenya, Aamina Maxamed ayaa iyaduna sheegtay in shirkii saddex-geesoodka ahaa ee doraad Nairobi lagu qabtay lagaga hadlay in qaxoontiga Dhadhaab dib loogu celiyo dalkooda muddo saddex bilood gudahood ah.

“Waxaanu isla garannay saddexdayadii dhinac in qaxoontiga Soomaalida ah dib loogu celiyo dalkooda sida ugu dhakhsaha badan, muddaduna waa saddex bilood gudahood; balse wax walba waxay ku xidhnaan doonaan sida hawshu ay u fusho,” ayay tidhi Aamina Maxamed.

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto ayaa ku dhawaaqay dhawaan in hay’adda qaxoontigu ay Soomaaliya dib ugu celiso qaxoontiga ku jira xeryaha Dha-dhaab muddo saddex bilood gudahood ah.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories