HomeQASAB KU TUN! - W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI (WIRDAANI)

QASAB KU TUN! – W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI (WIRDAANI)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Cabdiraxmaan Cabdilaahi
Cabdiraxmaan Cabdilaahi

Maalin waliba tilmaan leh, waxay ahayd maalin salaasa ah, goorsheegtuna aheyd 11:00 duhurnimo, markii asxaabteyda qaar ka mid ahi igu war-galiyeen inay tagayaan garoonka kubada cagta ee magalada hargeysa ana aan raacayo, maalmahaana waxa ka socdey koobka gobolada Somaliland, kuma diidine ana waan yeelay, waxaanan ku balaney markaan soo qadeyno inaan tagno, iskuguna nimaadno goob ku taala xafadayda oo lagu shaaho, halkaana bas ka raacno, mid kastoo naga mid ahi qado tag, iskuna dardaarnay hala soo dhakhsado.

La soo qadee, nin kastaana isa soo xaadiri, lasocoo waanu badneyn, bas hala raadiyo ayey taladii noqotey, nasiib wanaag waanu helney, waanu fuulney, sidii baanu baskii nagula dhaqaaqey, lasocoo sheekada bilaabantey, kaftan yaa la is weydarsanayaa, intii baska racdeyna labada kooxood ee maalintaa ciyaryey ayey u kala jabeen, laakiin dhinaca ayaa loo badnaa, gaadhnay madashadii ciyaarta, kaadhkii lagu galayey soo goosaney, garoonkiina gudaha u soo galnay.

Garoonku waa wacanyahay, inkastoo waxoogaa dayaci ka muuqdo, dhalinyar ayaa garoonka buux dhaafisay, martida joogtaana mayara, masuuliyiinta xukuumadun xagasare ayey jilbaha isdul dhigteen, askaarta ayaa iyaguna aad u sugaya amaanka, warbaahintuna way ku badan tahay goobta, shaqaalaha caafimaad ayaa iyuguna goobta ka maqneyn, ciyaartoy bilicdoodu qurux badan tahay ayaa garoonka ku ciyaaraya, bilicda madashuna wey qurxoontahay. Kumaanu sii mashquulin hore yaan u sii dhaafnay.

Intayadii wada socotey waxan ku tashanay inaan meel wada fadhiisano, meel banana ayaan dhaayaha la raacney, mid asaxaabta ka mid ah ayaa arkay meel banana, meeshii fadhiisaney, lasocoo ciyaartu markaa iyadoo socota ayaanu tagnay, ninkastoo naga mid ahna madasha warkeedu ma seegana, ciyaartuna  xamaasad gooniya ayey lahayd maalinkaa, waxaan goobta nagula sugan tageerayaal koox kale taageerayey, kaftan ayaan is weydaarsaney, si wacana nalo soo dhawee, ku darsoo duulmarka hadlku wuu socdey markaa, laakiin maqalkayagu wey ka laabnaayeen, intaydii wada socotey si wacan ayaan ula haysaney ciyaartii, sacab iyo faraxdba waan ku taageereyney kooxdayadii.

Waxay socotaba, wakhtiguna isguraba, duulduulka hadalkuna iska daba dhacaba, kooxdayadii badisey, anaguna farxad damaashaadney,  ciyaartoygii tageerayaashii u mahadnaq, garoonka badhkii la sarakac, ogawno dumarna meesha kama madhnee, iyaguna dhinacooda ayey u mashxaradayaan,  askartii garoonka joogtey ciyaartoygii ka dareeri garoonka, waayo ciyaar labaad ayaa la sugayaa, ciyaartii labad bilaanbantey, kadib maxaa dhacay.

Horta is eegney inaan dhanahay, hadal hoosana is weydaarsaney, goobtii aanu markii hore fadhinayna badalney, meel kale ayaanu fadhiisaney, taageerayaasha ciyaartan danbe midkood taageerayey ayaan hoos fadhinaaye garo, xisaabtana ku darsoo waa inamada dagen xaafada garoonku ku yaal, ciyaartoygiina garoonka soo gal, ciyaartiina bilaanbantey, sawaxnkii taageerayashu isna wuu bilaabmey, hadalkiina isna dhinaciisa ayuu ka socdaa, intayadii ninba dhinac u fikir, ileyn anagu ma arkeyne raga naga sareeyaa dhagax ayaa gacmaha ku sitaan, nasiib daro  mid naga mid ayey ku dhufteen, dib umuu eegin, waayo wuxuu maanka ku haystaa inuu mid ka daran qabsan haduu jaleeco, waanu garanayaa cida ku dhufatey oo warakeeda wuu hayaa, dhagax kale lagu dhufey mid naga mida, wuxuuna niyada gashadey in qoladii sare tahay, ayna ka jarad laheyn, isma dareensii ee daawashadiisa ayuu sii watey., kadib maxaa dhacey.

Qoladii naga sareysay ee taageerada ahaa nagu war gali inaan taageero u muujino qoladooda, loona raaci hadii kale dhagaxaa baa ku leh, laguma diidina waa la yeelay, sacabka la giiji, ku darsoo kalidayo maaha, ee dadkii meesh fadhiyey intii noo dhawayd oo dhan ayaa nala qabta, afka juuqda gabey, qasab ku tun! ayaa ka dhacdey, ka joojiyaba wuu haystaa, hadalkuna wuu dheeryahay, sidii waxay ahaataba, waxay noqtey inaad sacab mooyee si kale majirto, laftayada naguma cusba, laakin waxaan is lahayn sidii hore way dhaantaa oo wakhti ayaa ka soo wareegay, madashii wey ka sii dartey, intayadii wada socotey is eegney, iskuna ila jabiney, islana qaadaney inaan ciyaarta markay qeybta hore dhamaato iska baxno, waayo qasab ku tun!, waxa dhaanta ayaa is nidhi idinkoo iska taga, qeybtii hore ciyaartu dhamaatey, iskaga soo kacnay meeshii garoonka ka fadhinay dibadana uga soo baxnay, una soo jeedsaney xagay xaafaduhu naga xigeen, may dheereyn, laakiin in dhabara soo lugeyney xaafadihii soo gaadhnay.

Anuu markaa su’aalo ayaan is weydiiyey, maxaa sidan u sameynayaan? eeda wada saari waa dhaliyadardii oo dhan! hadana waxaan isweydiiyey maxaa ugu wacnaa iney sameeyaan? Kibir, doqoniimo, nacasnimo, mise xiqdi iyo xaasid?, hadana waxaan isweydiiyey ma dawladaa eeda ku leh? taana wey ila noqon weydoo askarigu laba kasta kala ilaalin mayo, gunaandkii jawabta waxaan u dhafi cidkstoo samaha jecel xumanaha naceb, ina arinta ka jawaab bixiso.

wirdaani@yahoo.com

Alpha University

Hargeisa Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories