HomeQareenka Trump oo sheegay inay Dad Dhintay Codeeyeen iyo Xiisaha Wararkii u...

Qareenka Trump oo sheegay inay Dad Dhintay Codeeyeen iyo Xiisaha Wararkii u dambeeyey ee Doorashada Maraykanka

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Washington (SLpost)- Tirinta Codadka ayaa wali ka socota qaar ka mid ah gobollada dalka Maraykanka oo aan wali lagu kala bixin, kuwaas oo qaarkood yihiin gobollada loollanka adag loo galo doorashada dalkaas si murashax kastaa u hanto guusha madax-tinimada.

Musharaxa Jamhuuriyaga ee Donald Trump ayaa walaac ka muujiyey natiijada codadka uu ka helay gobolla dalkaas qaarkood, isagoo shalay ilaa maanta dalbanayey in la joojiyo tirinta codadka isagoo aan xusin sabab lagu qanci karo oo cabashadiisa la xidhiidha.

blankQareenka Madaxweyne Donald Trump oo lagu magacaabo Rudy Giuliani oo ka hadlayay magaalada Philadelphia ayaa sheegay in ay saluugsan yihiin habka tirinta codadka doorashada gobollada qaar oo ay ka mid yihiin Wisconsin iyo Pennsylvania, ayna dalbadeen in dib loo tiriyo codadka.

Qareen Giuliani ayaa sidoo kale ku andacooday in dad dhintay ay codeeyeen, ayna ogaan doonaan tirada reer aakhiraadka ah ee codeysay.

Madaxweyne Trump ayaa dacwad ka gudbiyay natiijada doorashada ee meelaha qaar, waxaana ay ku andoocdeen in musuqmaasuq uu hareeyay, inkastoo aanan caddeyn rasmi ah loo heynin.

“Way dhammaatay. Waan ku guuleysaneynaa doorashadan, runtii waan ku guuleysannay, waa in keliya si caddaalad ah loo xisaabiyaa codadka,” waxa uu Giuliani  sidaas u sheegay warbaahinta, isagoo ku sugan magaalada Philadelphia, ee gobolka Pennsylvania oo wali tirinta codadku ka socoto, balse uu ku horreeyo madaxweyne Trump.

Dhawr gobol oo muhiim ah oo ay ku jiraan Arizona, Nevada, Georgia iyo South Coralina ayaa la filayaa in tirinta codadkooda la dhamaystiro saacadaha soo socda. Marka la dhamaystiro tirinta codadka gobolladaas ee lagu daro iyagana gobollada kale ayaa shaacin doona natiijada codkadka la tiriyey, waxaana soo bixi doonto saadaal guud oo laga qisaasi karo cidda ku guulaysanaysa doorashada madaxtinimada Maraykanka.

Waxa xusid inuu musharaxu ku guulaysto madaxtinimada aanay ugu weynayn inuu helo tirada ugu badan codadka shacabku dhiibtaan, waxayse tahay inuu guulaysanayo musharaxa hela tirada ugu badan codadka ay bixiyaan Gudiyada Gobollada ee la yidhaahdo Gole-doorasho (Electoral Colleges) oo ah tiro go’an oo gobol waliba leeyahay, taas oo lagu jaan gooyey saamiga shacabka ku nool gobol kasta. Musharaxa hela codadka shacabka ee ugu badan gobol kasta ayaa helay codadka Gole-doorashadiisa, marka laga reebo labada gobol ee Nebraska iyo Maine oo sharcigoodu ka duwan yahay gobollada, kuwaas oo murashax kastaa heli karo taageerada Gole-doorashada uu kasbado.

Wadarta codadka Gole-doorashooyinku ayaa ah 538, waxaana murashaxa guulaysanaya laga rabaa inuu helo 270 cod si uu u noqdo madaxweynaha Maraykanka.

Ilaa haatan, labada murashax ayaa ku kala guulaystay 253 Gole-doorasho oo uu haysto Joe Biden iyo 213 Gole-doorasho oo uu haysto madaxweyne Trump.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories