HomeQarax Gilgilay Dalka Turkyga Oo Weeraro Ay Mudooyinkii U Danbeeyay Ku Socdeen

Qarax Gilgilay Dalka Turkyga Oo Weeraro Ay Mudooyinkii U Danbeeyay Ku Socdeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Turky(SLpost)-Qarax ka dhacay goobta ugu weyn ee ay u dukaamaysi tagaan dalxiisayaasha ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof, sida ay ku warramayaan warbaahinta Turkiga.

Waxa ay sheegayaan in uu ahaa qarax uu fulilyay qof ismiidaamiyay kaasi oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen lix qof oo kale.

Goobta uu qaraxa ka dhacay oo u dhaw wadada Istiklal ayaa lagu soo warramayaa in dabayaaqada todobaadka ay tahay meel aad u mashquul badan.Axaddii la soo dhaafay, qarax ka dhacay caasimadda Turkiga ee Ankara, ayaa waxaa ku dhintay 37 qof.

Kooxda hubeysan ee maleeshiyada Kurdiyiinta ee TAK ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.Kooxda TAK, oo ka go’day kooxda la mamnuucay ee Kurdiyiinta ee PKK, ayaa sheegtay in weerarkaasi ay uu ahaa aargoosi ku aaddan howlgallada milateri ee uu Turkigu ka wado deegaanada ay ku badan yihiin Kuridiyiinta ee koonfur bari dalkaasi.

Bishii la soo dhaafay, weerar bambaano oo lagu qaaday kolonyo milateri oo ka dhacay magaalada Ankara ayaa waxaa ku dhintay 28 qof waxaana ku dhaawacmay tobaneeyo qof oo kale.Oktoobartii horana, in ka badan 100 qof ayaa waxa ay ku dhinteen laba qarax oo lala beegsaday isu soo bax nabadeed oo ka dhacayay magaalada Ankara.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ay bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah sababtoo waxa ay ku guuldaraysteen halganka ay kula jiraan ciidammada ammaanka ee Turkiga.Waxa uu sheegay in weerrarada noocaas ah “ay sii kordhinayaan sida ay inooga go’an tahay in aannu la dagaallano argagixisada”.

Dowladda Turkiga ayaa horay ugu eedaysay Kurdiyiinta Suuriya in ay ka dambeeyaan qaraxyada waxa ayna ku qaadday weerraro cirka ah oo aargoosi ah.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories