HomeWasiirkii Difaaca Suuriya iyo Ku-xigeenkiisii oo Bashaar Asad Seediyo ahaayeen oo Qarax...

Wasiirkii Difaaca Suuriya iyo Ku-xigeenkiisii oo Bashaar Asad Seediyo ahaayeen oo Qarax Is-miidaamin ah lagu dilay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dimishiq (SLpost)-Qarax ka dhacay badhtamaha magaalo madaxda dalka Siiriya ee Dimishiq ayaa waxaa ku dhintey wasiirkii gaashaandhiga ee dalka Siiriya Daoud Rajiha iyadoo ay ku dhaawacmeen madax kale oo ka mid ah dawlada Siiriya.Qaraxan ayaa dhacay kadib markii ay soo baxeen warar sheegayay in ciidamada mucaaradka dalka Siiriya ay ku soo socdaan magaala madaxda dalkaasi ee Dimishiq iyadoo dawlada Siiriyana ay beenisey warkaas.

blankTelefishinka dawlada Siiriya ayaa laga baahiyey warka ah dhimashada wasiirka difaaca waxana ay xukuumada Siiriya ku macneysey weerarka lagu qaaday madax ka tirsan dawladasi inay tahay mid lagu doonayo in lagu carqaladeeyo ammaanka dalka Siiriya.Sidoo kale waxaa la leeyahay in qaraxan uu ku dhintay nin ahaa seedigii Madaxweyne Bashar Al-AsadQaraxan ismiidaaminta ayaa yimi xilli kulan ay ku lahaayeen dhismaha xarunta ammaanka qaranka oo saraakiisha ay ku shirsanaayeen”Wasiirkii fifaaca Siiriya waxaa dilay kooxo argagixiso ah oo ku beegsaday bam, Dhismaha Ammaanka Qaranka”ayaa lagu yidhi Warbixin uu sii daayay Telefishinka Qaranka.Gen Rajiha ayaa ahaa wasiirka difaaca inka yar hal sanno isagoo markii hore ahaa taliyaha ciidamada dalka Siiriya, dawlada Maraykanka ayaa gelisey liiska madow iyadoo ku eedeysey in uu lug ku lahaa cadaadinta la saaray ururka mucaaradka ah.

Weerarkan ayaa yimi xilli madaxda qaramada midoobay ay isku dayayaan in dalalka Shiinaha iyo Ruushka ay ka dhaadhiciso in lagu soo rogo dawlada Siiriya cunoqabatayn dhaqaale oo adag.Weerarkan is qarxinta ayaa ku soo beegmeya iyadoo dagaalo xoogan ay ka socdaan magaalada Dimishiq, iyadoo kooxaha mucaaradka ay kordhiyeen dagaalada ay kala soo horjeedaan Dawladda keli taliska ee Bashar Al-Asad.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Safiirkii Suuriya Ciraaq u fadhiyay uu ku dhawaaqay inuu ku biiray Mucaaradka, halka sarkaal sare oo Ciidamada Suuriya ka tirsan uu ka goostay nidaamka Bashar Al-Asad.

SomalilandPost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories