HomeQarannimo kuma doorsan karno Qabiil, Nabadduna Cid walba waa u dan!! -...

Qarannimo kuma doorsan karno Qabiil, Nabadduna Cid walba waa u dan!! – W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Aasaaska iyo Jiritaanka Ummadnimo waxaa saldhig u ah dareen-wadareed qoto dheer oo ku abuuran bulshada oo ay dhammaantoodba ka siman-yihiin. Dareenkaa wadajirka ahi waa ka muwaadin walba ku qasba inuu mudnaanta iyo muhimadda koowaadba siiyo danta iyo jiritaanka Dalka iyo Qarannimada.

UntitledWadajirka, Is-fahanka iyo Karaamada Qarannimadeenu waxay ku jirtaa oo saldhig u ah bal in marka hore ummadda Jam. Somaliland ay iyaga dhexdoodu is-aqoonsadaan, is-qiraan oo ay is-qadariyaan. Waxa lagama maarmaan ah in ummadda Jam. Somaliland ay iyagu is indha-buuxiyaan oo ay isku bogaadiyaan wixii wanaag iyo horumar ah ee dalka iyo dadkaba u soo kordha (laga bilaabo Qof illaa Qaran) isla markaana ay iskaga garaabaan wixii gar iyo dawba ah wixii dhalliil, caddaalad-darro ama hagar ah ee jirtana la saxo. Sidani waa astaamaha xilkasnimo iyo tilmaamaha togan ee kor u qaadi kara tayada ay ummadi leedahay isla markaana kobcin kara dareenka wadaninnimo iyo dal-jacaylka ay ummaddaasi asaagood ku beegsan karaan.

Qabyaaladdaiyo Qarannimadu waa laba shay oo aan is-qaban karin, sidoo kale Qabyaaladda iyo Hannaanka Dimuqraadiyaddu waa isku dab iyo dhagax. Nasiib darrada jirta waxa weeye in Dareen-Wadareedka Waddaninnimo oo ah sida keliya ee Qaran lagu dhiso ay bulshada Somaliland aad ugu yar tahay, halka uuDareen-Wadareedka Qabiilkaoo ahcadowga koowaad ee Qarannimaduna uu aad ugu badan yahay ummaddeena. Waxaan aaminsanahay in Qarannimada, Qabyaaladda iyo Hannaanka Dimuqraadiyaddu ay yihiin saddex hab oo aan sinaba isu qaban karayn. Nasiib darrada inna haysataa waxay tahay: ummadda Jam. Somaliland waa bulsho doonaysa inay saddexdaa hab hal mar wada adeegsadaan. Taasina waa ma dhacdo waxana hubaal ah in jaah-wareer iyo kala-qaybsanaan bulsho ay jiri doonaan!!

Hagardaamada Siyaasi Guuldarraystay iyo Saxaafad Xag jir ah:

Xorriyadda Saxaafadda iyo cabbiraadda fikirka xorta ah waa tiir ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee ay Dimuqraadiyaddu ku dhisan tahay. Waa xuquud dastuuri ah oo uu leeyahay muwaadin kasta oo ku nool dal nidaamka dimuqraadiyadda lagaga dhaqmo. Saxaafadda xorta iyo fikirka saliimka ahi waxay kobciyaan oo ay kor u qaadaan garaadka iyo qaabka fikirka bulshada. Waxay dhiirri-geliyaan koboca iyo ku dhaqanka nidaamka dimuqraadiyadda, maamul wanaagga, xil-gudashada masuulka, iwm. Saxaafadda xorta iyo fikirka saliimka ee siyaasigu waxay dhiirri-geliyaan in bulshada dhexdeeda ay ka curato dood caafimaad qabta oo kobcisa hodantinnimada qaabka fikirka bulshada.

Waxa beryahan dambe saxaafadda iyo goleyaasha lagu gorfeeyo siyaasaddda iyo arrimaha bulshada ee Jam. Somaliland ku soo badanayey Shakhsiyaad iyagu ku guul-darraystay macnaha iyo mansabka ay siyaasaddu leedahay kuwaasoo adeegsanaya Xarumo Warbaahineed oo xag jir ah oo iyagu gebi ahaanba si qaldan u fahmay macnaha, mihnadda, milgaha iyo hab-dhaqanka Suxufiga iyo Saxaafadda madaxa bannaan. Shakhsiyaadka iyo Xarumahan Warbaahineed waxay u dhaqmaan si gef iyo meel ka dhacba ku ah garashada suuban iyo caqliga feyowee looga baahnaa Siyaasiga caqliga feyow iyo Saxaafadda Xorta ah. Halkii ay bulshada uga soo gudbin lahaayeen doodo caafimaad qaba oo kobcin kara garaadka bulshada iyo warar dhex-dhexaad ah, hufan oo caadifaddu ka maqantahay; waxay doorbidaan oo ay bulshada u soo gudbiyaan hadallo xiqdi iyo xumaanba huwan iyo warar been abuur ah oo xaqiiqada ka fog oo kicin iyo xaalad abuur ah oo ay bulshada iskaga horkeenayaan.

Shacbigu waxay xaq u leeyihiin inay Xukuumadda la xisaabtamaan oo ay ku dhalliilaan wixii khalad maamul ah, gaabis ama hagrasho ah ee ay Xukuumaddu gasho. Xukuumadda waxa ku waajib ah Shacbiguna ay xaq ugu leeyihiin inay saxdo dhalliilaha iyo qaladaadka maamul ee loo soo jeediyo. Marka ay Xukuumaddu ka garowdo isla markaana ay wax ka qabato tabashooyinka ka soo yeedhaya bulshada, waxaan u arkaa inay tahay astaan xilkasnimo iyo sifo muujinaysa masuulnimada Xukuumadda ee maaha calaamad muujinaysa jilayca maamul ama kalsooni darro ka muuqata Xukuumadda. Dhinaca kale, waxa quman in la kala saaro Mucaaridnimada iyo Muwaadinnimada. Dabcan wixii ay xukuumaddu ku qaldan tahay waa la sheegi karaa waana la toosin karaa, iyada oo laga wada duulayo wixii dalka iyo dadkaba danahoodu ku jiraan.

GEBAGABO:

Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo muddadaa ay xilka haysay waxay la timid dedaal iyo wax-qabad muuqda oo aan la iska indho-tiri karin. Indhihii caafimaad qaba iyo qofkii in uun dareen-waddannimo lihina si cad ayuu u arki karaa. Laakiin,waxa muuqata in horumarka baaxadda leh ee ay Xukuumaddani soo bandhigtay aanu weli u cuntamin qaybo badan oo bulshada ka mid ah. Tallaabo kasta oo horumarka bulshada faa’iido u leh iyo go’aan kasta oo wax-ku-ool ah oo ay Xukuumaddu dhanka wanaagsan u qaado, waxa hadheeya oo qariya dacaayadaha raqiiska ah iyo propagandada aan salka-iyo-raadka lahayn ee kooxo iyagu horumarka ku diiqadooda ay had iyo jeer ku baahinayaan noocyada kala duwan ee war-baahinta. Xukuumadda haatan talada haysa waxaan talo ahaan ugu soo jeedin lahaa inay ahmiyad gaar ah siiso sidii ay shacbiga Jam.Somaliland si miisaan iyo mugba leh ugu gudbin lahayd in horumarka iyo wax-qabadka ay xukuumaddu ku tallaabsato ayna cidina gaar u lahayn balse iyagu (shacbiga) ay yihiin kuwa leh horumar iyo guul kasta oo Qaranka u soo korodha.

Guntii iyo gaba-gabadii; Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo waa inay si dhab ah uga hawl-gashaa inaan iyada iyo shacbiga loo dhaxayn oo aan la iska hor-keenin. Xukuumaddu ha ka feejignaato aafada iyo belo-aafuufka ay shacbiga walaalaha ah dhexdiisa kula wareegayaan Siyaasiyiin iyo kooxo iyagu ku guuldarraystay micnaha iyo mansabka ay siyaasaddu leedahay, kuwaasoo aan garanaynin waxay bulshada ka gadayaan iyo halkay ummadda geynayaan midnaba.

 

ALLAA Mahad iyo Mudnaanba leh,

Jam.Somaliland: Guul, Horumar iyo Ictiraaf Caalami ah

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Hargeysa, Somaliland|

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories