Home"Qaranku u dul-qaadan maayo in layska laayo Ciidanka Qaranka" Madaxweyne Biixi oo...

“Qaranku u dul-qaadan maayo in layska laayo Ciidanka Qaranka” Madaxweyne Biixi oo ka digay sida loogu deg-dego Milatariga Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpot)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga hadlay ciidamada qaranka ee  ku hawlan sugidda amniga shacabka ee sida fudud loogu layno deegaanno kamid ah gobolka Sanaag, waxana uu shaaca ka qaaday inaan qaranku u dulqaadan doonin dhibaatada lagu hayo ciidamada qaranka.

 

blank

 

Madaxweynaha oo maanta ka hadlay madal lagu daah-furay qorshaha shanta sano ee hay’adda dhawrista tayada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gu horrayn waxa uu tacsi u diray tiro kamid ah ciidamada qaranka oo dhawaan lagu laayey deegaanka Ceel-Afweyn, isaga oo wax aan loo dulqaadan Karin ku tilmaamay dilka ciidamada qaranka ee soo noqnoqonaya, “Waxa aan Tacsiyadaynayaa ciidankii qaranka Booliska ee lagu laayey deegaanka Ceel-Afweyn oo aanan garanayn sababta loo laayey. Maalin dhaweyd uun bay ahayd markii saarkiishii Booliska ee Jeelka oo wax Allaalle iyo wax lagu laayey aan la garanayn,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidoo kale si cad u sheegay inaan loo adkaysan Karin ii ciidamada qaranka layntooda lagu degdego oo aan waxba la iska saarin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa la yaab leh in cid ama reer uu ciidanka qaranka si dhib yar isaga laayo, haddii looba dulqaato oo la yidhaahdo nabadda hala ilaaliyo ay waddo xalaal ah in ciidankii qaranka la laayo maalin walba oo ninku hadduu qolo yahayna aan la taaban Karin, hadduu qarankii yahayna lagu soo degdegayo oo bilaa macni lagu dilayaa wax la aqbali karo ma aha.”

 

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu madaxweynuhu intaas ku daray, “Xukuumaddu ha dulqaadato, dadka halla waaniyo, gacan qabowna hallagu maamulo, laakiin dulqaadka iyo doqonniimadu waa walaalo, lamana kala saari karo, waxana ay ila tahay in dulqaadkii intuu qaranku dhaafay inuu doqonniimadii ku jiro oo maalin walba uu qarankii meyd soo wanaqsanayo oo ay noqotay ninkii waa ooma Ooyaan.”

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay ka go’an tahay qabashada dambiilayaasha dhibka ku haya ciidamada qaranka, waxana uu yidhi, “Annaga xukuumad ahaan iyo madaxweyne ahaanba waxa naga go’an in dambiilihiina la qabto iyo ninkii gardarraa, gacantii gacan ka weynna aan la geysanin.”

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories