HomeQarankani Waa ka Culus Yahay Mid Wasiir u Liica

Qarankani Waa ka Culus Yahay Mid Wasiir u Liica

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Qaranimada Somaliland waa mid ku dhisan rabitaan umadeed oo marnaba gorgortan gali kairn iyo ka noqon toona, umadan reer Somaliland iyadaa ilaashanaysa waxay u soo goblantay, u soo dhimatay, u soo saxariirtay, u soo silicday.

Waxaan qalinka u qaatay inaan wax ka idhaahdo iscasilaada raxanta wasiirada ah ee baneeyey xilalkoodii ka dib markay shaqadii qaranka isu garan waayeen.

 

Is Casilaadu Waxay ka mid tahay Nidaamka Dimuqraadiga ah ee Dalka Somaliland ka Hirgalay dawladihii isaga danbeeyeyna ku soo caano maaleen, waxay bud dhig iyo aas aas u tahay nidaamka dawladnimo iyo in xilku wareegto yahay, waa xilkasnimada xubnaha xilka inoo hayaa inay iscasilaan haday shaqada qaranka isu garan waayaan, ama xilka laga qaado waana mid ka mid ah Sunnaha Dawladnimo iyo nidaamka dimuqraadiga ah ee Dalkeena Hooyo ka Hirgalay.

Hadaba haddii ay Masuuliyiin Xilal ka haya Dawlada ay Iscasilaan oo ay shaqada ka tagaan waa mid ay xaq u leeyihiin oo Dastuurka Dalkeenu uu u fasaxayo, hase yeeshee taas macnaheedu maaha in Qaranku uu burburayo oo dawladnimadeenii meesha ka baxayso waayo waxaynu nahay Qaran Dhisan oo ku taagan Jirrido adag oo uu Hogaaminayo Madaxweyne Rug Cadaa ah oo Aqoon iyo Waayo aragnimo u leh sifaha Qaranka loo hogaamiyo Xaalad kasta oo timaada iyo marxalad kasta oo soo waajahda looga baqan mayo buuxinta xubnahaas xilka isu garan waayeyna waa u rug cadaa iyo dad yaqaan qof walba ku saleeya halkuu ku haboon yahay.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu Shacbigiisa iyo Qarankiisa kala soo dabaashay Marxalado aad u badan oo aad u qadhaadhaa, waqtiyo ka  adag tan manta joogta ayuu dalkani soo maray oo ka soo gudbay, mudane siilanyo waa Halyeey Diyaar u ah inuu Qarankiisa iyo Shacbigiisa ku hogaamiyo Horumar, Nabadqab iyo Guul marxalad kasta oo jirta.

Cadawga Somaliland waxaa muhiim inay ogaadaan in Dalka Jamhuuriyada Somaliland uu yahay Qaran Dimuqraadi ah oo aanay wax dhib ah ku keenayn Masuul is casilaa iyo mid cadhoodaaba waxaanu u sheegaynaa in markii horeba masuulka isagoo shaqada ku diyaar ah xilka loo dhiibay maantana ay suuro gal tahay inuu tahli kari waayey sii wadida shaqada adag ee qarankan, nidaamka Dawladnimo ee Dalka Somaliland ka jiraana waa mid Jirrido adag ku taagan oo aanay marnaba ruxi karin dabayl siyaasadeed oo kasta oo timaadaa iyo mawjado isbadal oo xukuumada soo waajahaaba.

Waa hubaal masuul kasta oo xilka baneeya in badalkiisu imanaayo, umada reer Somaliland waxa la gudboon inay ilaashadaan nabad galyadooda iyo xasiloonidooda oo aanay cid dano gaar ah leh ku hodmin.

Qalinkii: Mohamoud Ahmed Hirsi ( figo)

Email: Mfigo04@gmail.com

Facebook: Mahamuud Ahmed

Tell: 0634447924

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories