HomeQaramada Midoobey Oo Ka Digtay In Cudurka Zika Ka Dillaaci Karo Dhulka...

Qaramada Midoobey Oo Ka Digtay In Cudurka Zika Ka Dillaaci Karo Dhulka Soomaalida, Sababta Ay Sheegtay, Talooyinka Ay Bixisay Iyo Xog La Xidhiidha Caabuqan

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Qaahira (SLpost)- Haayadda caafimaadka adduunka WHO ayaa ku dhawaaqday xaalad dedeg ah, kadib markii ay caddaatay in caabuqa Zika lagu arkay illaa 24 dal oo dunida ka mid ah. War uu Geeska Afrika ka soo xigtay Aljazeera ayaa ay haayadda WHO ku sheegtay in tuhun badan laga qabo in Fayraskani uu khalkhal dhinaca abuurta ah ku keenay carruur badan oo uurka ku jirta weli, gaar ahaan dalalka ku yaalla qaaradda Laatiin Ameerika.

Haddaba su’aashu waxa ay tahay cudurkan ma looga biqi karaa dhulka Soomaalida?

Afhayeenka haayadda caafimaadka adduunka qaybteeda Bariga dhexe Raana Siidaani ayaa waraysi ay kaga hadashay cabsida laga qabi karo in cudurkani uu ku faafo dalalka Carabta, waxa ay sheegtay in aan meesha laga saari karin in cudurkaasi ka dillaaci karo, Toddoba dal oo ay ku jirto Soomaaliya oo dabcan ay ku tirinayso Somaliland, sababtuna ay tahay nooca kaneeco ee keena cudurkan oo dhulkan ku nool. Raana Siidaani oo la weydiiyey, Caabuqa Zika wax cabsi ah ma ku hayaa dunida Carabta? Ayaa ku jawaabtay, “Faafitaanka xawliga ku socda ee uu cudurkani dunida ku baahayo ayaa haayadda caafimaadka adduunka ku kalliftay in ay ku dhowaaqdo xaalad degdeg ah, taas macnaheeduna waa in ay jirto cabsi ah in cudurku uu ku faafo dhul aan ahayn kan hadda lagu arkayo ee Laatiin Ameerkia”

Raana Siidaani oo si gaar ah uga hadlaysa sababta ay cudurkan uga baqayso dalalka Carabta ayaa intaas ku sii dartay, “Illaa imika cudurkan laguma arag dalalka Carabta. Laakiin kaneecada nooca loo yaqaanno Aedes (Saacij ayaa ay carabtu u taqaannaa) oo ah ta sababta caabuqan isla markaana gudbisaa waxa ay ku nooshahay dalal badan oo bariga dhexe ka mid ah.

Afhayeenka haayadda qaramada Midoobey u qaabilsan caafimaadka, qaybteeda Bariga dhexe ayaa mar la sii weydiiyey in ay magacowdo dalalka ay khatarta cudurkan faafistiisu ku sii badan tahay, waxa ay ku jawaabtay, “Waxaa jira Toddoba dal oo ah, Masar, Sucuudiga, Suudaan, Yemen, Soomaaliya, Pakistan iyo Jabbuuti” Marwo Siina oo sii sharraxaysay sababta ay cabsidu gaar ugu sii tahay dalalkan ayaa intaas ku sii dartay, “Dalalkaas, waxaa ku nool kaneecada Saacij (Aedes). Waana kaneecada gudbisa xanuunno badan oo ay ka mid yihiin Qandhada Dengue, Qanjadaha yellow fever (Indho caseeyaha) iyo kuwo kale”

Laakiin Raana waxa ay sheegtay in nasiibwanaaggu uu yahay xilligan uu faafitaanka cudurka Zika ku soo beegmay oo ah xilli jiilaal qabow badan ah, kaneecaduna ay Taranto aadna u badato xilliyada gu’ga iyo xagaaga. “Si kastaba ha ahaato ee taasi meesha kama saarayso khatarta ah in cudurkani iman karo dalalkan. Sidaa awgeed waa in ay dalalkani taxaddar dheeraad ah u galaan sidii ay cudurkan faafistiisa uga hortegi lahaayeen”

Hababka kale ee ay Raana sheegtay in uu cudurkani dalalkan ku iman karo dalalkan ayaa ah in uu yimaaddo qof cudurka sida oo ka soo safray dalalka Laatiinka, kadibna inta ay kaneecadani qaniinto ay qof kalena qaniinayso sidaasna cudurkii ugu gudbinayso, habka saddexaad ee cudurkani ku faafi karaana waa biyaha fadhiya, oo la aaminsan yahay in ay tahay meel ay cudurradu sidoodaba ku tarmaan kuna dhashaan, kaneecaduna ay ku nooshahay oo soo qaadi kartoo xanuunnadaas.

Khatarta cudurku intee ay le’eg tahay?

Raana Siidaani oo arrintan ka jawaabaysa ayaa sheegtay in Caabuqa Zika aanu sidiisaba u diiwaangashanayn in uu yahay cudur dilaa ah, ama khatar aad ah ku ah nolosha, waxa aana markii ugu horreysay uu ku dhashay dalka Uganda sannadkii 1950kii, kadib waxa uu u gudbay Qaaradda Eeshiya oo uu uga sii gudbay Koonfurta Maraykanka. Calaamadihiisu waa ay fudud yihiin oo waxaa ka mid ah, furuuruc maqaarka ka soo yaaca ama xummad khafiif ah oo muddo toddobaad ah haysa, kadibna qofku waa uu iska bogsadaa. Waxaana xusid mudan in aan illaa hadda dunida laga haynin dawo ama tallaal Caabuqan la iskaga celiyo.

“Kontonkii sano ee u dambeeyey weli dunida laguma maqal qof cudurkan sababtiisa u dhintay, laakiin khatartiisa ugu weyn ee hadda dhibtu ka taagan tahay cudurkani waxa uu ku hayaa dumarka uurka leh iyo carruurta hadda dhalatay” Ayaa ay tidhi Raana Siidaani.

In kasta oo aan cilmi ahaan la xaqiijin in cudurkani uu khalkhal ku keeno abuurta, haddana waxaa jira caddaymo lagu kalsoon yahay oo isku xidhaya caabuqan iyo ubad dhashay oo lagu arkay khalkhal dhinaca abuurta ah, gaar ahaan madaxa oo badh ahaani maqan tahay, oo indhaha dushooda ku jooga.

Illaa hadda sababta la og yahay ee cudurkani inuu imika dillaaco keentay ayaa ah duufaannadii kala duwanaa ee ku dhuftay gobolka Laatiin Ameerika, oo ka tegey biyo meelo badan fadhiya, sidaasna ay ku dhalatay kuna badatay kaneecada noocan keena cudurka oo marka horeba dhulkaas ku noolaataa.

Talooyinka:

Afhayeen Raana Sidaani ugu dambayntii waxaay sheegtay in haayaddeedu ay talooyin ku siinayso wasaaradaha caafimaadka ee dalalka aynu soo magacownay in ay qaataan tallaabooyinka ku habboon ee ay kaga hortegi karaan cudurkan, tusaale ahaan in ay buufiyaan kaneecada iyo in ay si gaar ah isha ugu hayaan xaaladda caafimaad ee dadka kaga imanaya dalalka uu cudurku ka dillaacay. “Sidoo kale waxa aanu kula talinnay in ay ka takhalusaan biyaha fadhiya ama kaydadka ugu jira, si aanay ogxaanta kaneecadan oo ku dhalatay u faafin iyo in ay la socdaan xaaladda ubadka dhalanaya ee muuqaalkoodu aanu caadiga ahayn, si dhaqso ahna ugu baraarugaan. Sidoo kale waxaa la gudboon in dumarka uurka leh si gaar ah loo daryeelo. Ugu dambayntiina waxa aanu ku adkaynaynaa dadka in laga taxaddaro qaniinyada kaneecada, gaar ahaan xilliga maalintii oo ay kaneecada Zaacij ee cudurka keentaa si gaar ah u firfircoon tahay” ayaa ay tidhi. Waxaa iyaduna xusid mudan in haayadda WHO ay ku talinayso in diyaaradaha lagu buufiyo dawooyin caabuqa ka ilaaliya iyo in aanay kaneecada qudheedu diyaaradaha gelin.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories