HomeQaramada Midoobay Oo Soo Bandhigtay Tacadiga Xukuumadda Siilaanyo Ku Hayso Saxaafadda

Qaramada Midoobay Oo Soo Bandhigtay Tacadiga Xukuumadda Siilaanyo Ku Hayso Saxaafadda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa  (SL. Post) Qaramada Midoobay ayaa warbixin la xidhiidha xorriyadda hadalka iyo saxaafadda oo ay soo bandhigtay, waxa ay si weyn ugu muujisay xaaladda ka dhex taagan xukuumadda Somaliland iyo saxaafadda.

 

 

Warbixin uu bishan soo saaray xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya, wuxuu sheegay in saxafiyiin tiro badan oo dawladda Somaliland xidhay la sii daayay iyadoon xataa maxkamad la gayn ama xukun lagu ridin.

 

Warbixinta waxa lagu sheegay in Somaliland ay ka jiraan 16 wargeys, afar telefishan iyo idaacad dawladdu leedahay iyo weliba shabakado warareed oo internetka ah.

 

Waxay warbixintu sheegtay in sannadkii 2002 ay xukuumadda Somaliland mamnuucday in la furo idaacado madaxbanaan. Waxa kale oo ay sheegtay in xeerka saxaafadda Somaliland oo isna la ansixiyay sannadkii

 

Sidoo kale waxa warbixinta aad loogaga hadlay xeerka saxaafadda Somaliland oo aan la hirgelin weli, iyadoo sheegtay in Saxafadda Somaliland aad ugu ololaysay in la hirgeliyo xeerka saxaafadda ee la ansixiyay 2004, taas oo aanay xukuumadihii kala dambeeyay hirgelin.

 

Warbixintu waxay ay sheegtay in guddoomiyaha maxkamada sare Prof Aadan Xaaji Cali Axmed, u muuqdo inuu doonayo inuu waajaho wax badan oo la xidhiidha caqabadaha haysta saxaafadda.

 

UNSOM waxay  soo xigatay shirjaar’id oo uu qabtay guddoomiye Aadan oo uu ku sheegay in loo baahanyahay in dib u habayn lagu sameeyo shuruucda la xidhiidha saxaafadda iyo dadka ka shaqeeyo iyo hay’adaha warbaahintaba. Wuxuu Aadan carabka ku adeeyay inaan saxaafadda iyo saxaifyiintababa la iska xidhi doonin shaqooyinkooda maalinlaha ah ee ay gudanayaan.  Prof Aadan ayaa warbixinta waxa lagu sheegay inuu bishii oktoobar  2015 soo saaray digreeto lagaga hortagayo xadhiga aan sharciga loo soo marin ee saxaafadda iyo saxafigaba.

 

Warbixinta UNSOM oo ka hadlaysa dhibaatada laguhayos axaafadda waxa ay tidhi “Intii aanu ku gudo jirnay ururinta warbixinta, UNSOM waxay u kuur gashay oo ay diyaarisay xad gudubyo isugu jira cabsigelin, xaraas, xadhig iyo xabsi dhigis,  ku xad gudubyo jidheed iyo xayiraadda warbaahinta. Inta badan ee falalkan waxa lala xidhiidhiyay ciidamada RRU ee Booliska ee loogu tallo galay la dagaalanka argagixisada, hay’adda CID ee dambi baadhista, xafiiska xeer ilaaliyaha guud iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan xukuumadda.”

 

Warbixinta Qaramada Midoobay waxay sheegtay in intii u dhaxaysay bishii January ee sannadkii 2014 ilaa julay ee sannadkan 2016 la xidhay ugu yaraan 60 saxafi, dabadeedna xabsiga la dhigay, waxase ay xustay in inta badan ee saxafiyiintan la sii daayay iyadoon la xukumin.

 

Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in hadidaad iyo xaraas ba’an loo gaystay saxafiyiinta ka hawlgala magaalada Berbera ee gobalka Saaxil, gaar ahaan wakhtiyadii la doonayay in shirkado madaxbanaan ay xukuumadu ku wareejiso haamaha shidaalka berbera.

 

Warbixinta Qaramada Midoobay waxa kale oo lagaga hadlay Saxafiyiin ka tirsan wargeyska Hubsad oo laba ah oo la xidhay bishii November 2015 oo lagu eedeeyay inay soo saareen wargeys aanay sharci u haysan. Waase la sii daayay December 3, iyadoo uu ilaa hadda xayiranyahay wargeyska Hubsad, ayay tidhi warbixintu.

 

Wargeyska Haatuf ee isna xayiran ee ay xayirtay xukuumadda Somalialnd ayaa isna ay warbixintu ka hadashay, iyo sidoo kale xadhigii loo gaystay guddoomiyaha iyo tifaftiraha wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gabobe iyo Axmed Cali Cige, waxaanay warbixintu xustay in wargeyska Haatuf ilaa hadda xayiranyahay.

 

Warbixintu waxa kale oo ay ka hadashay fal sannadkan ka dhacay magaalada Hargeysa oo lagu beegsaday saxafiyiin ka tirsan wargeyska Foore iyo telefishanka Bulsho  oo ay sirdoonka Somaliland xidheen, ka dib markii ay warar ka baahiyeen mashruuca dekedda Berbera iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo la xidhay Tifaftiaraha Wargeyska Foore Cabdirashiidi Cabdiwahaab, balse markii dambe lagu sii daayay damiin.

 

Warbixintu waxay tidhi  “Xadhiga iyo xabsi dhigista saxaafada iyo kuwo kale oo u shaqeeya hay’adaha warbaahintu, gaar ahaan xadhiga mudada gaaban, waxay u muuqdaan calaamad muujinaysa in looga jeedo cabsigelin ama xaraaska saxaafayiinta iyo dadka saxafaafadda ka shaqeeya, taas oo u horseedi doonta in lagu sameeyo faaf reeb ama in saxafiyiintu ka baxaan mihnada.”

 

Warbixinta waxa kale oo lagaga hadlay xadhig ay xukuumadu u gaysatay afar dhallinyaro ah oo loo xidhay kulan ay kaga hadlayeen mashruuca dekedda Berbera, “Somaliland, waxay boolisku bishii June 2016 xabsiga dhigeen afar dhallinyaro ah oo soo abaabulay kulan wax la iskaga weydiiyay magaalada Berbera. mid ka mid ah dhallinyaradaasi wuxuu ahaa afhayeenka dhallinyarada ee xisbiga Waddani. Waxa la soo daayay 14 cisho ka dib iyadoon cidna xukun lagu ridin, laguna  hayay saldhgia dhexe ee Hargeysa.” ayay tidhi warbixintu.

 

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories