HomeQaramada Midoobay Oo Sheegtay Inay Cuna-qabatayn Saartay Lix Sarkaal Oo Reer Koonfur...

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay Inay Cuna-qabatayn Saartay Lix Sarkaal Oo Reer Koonfur Suudaan Ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Juba, (SLpost)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn ku soo rogay lix sarkaal oo u dhashay dalka Koonfurta Sudan oo lagu eedeeyay inay hurinayaan dagaalka dalkaasi ka socda.S. Sudan

Janaraaladan oo si siman loogu qeybiyay labada dhinac ee ay u dhaxayso colaadda ayaa waxa ay wajahayaan xayiraado dhanka socdaalka iyo dhaqaalaha ah.

Cunaqabataynta ayaa waxay imanaysaa maalmo ka dib markii ay Qaramada Midoobay soo saartay warbixin eedo loogu soo jeediyay ciidammada dawladda,, kuwaas oo la sheegay in ay kufsadeen oo ay nolosha ku gubeen haween iyo gabdho yaryar oo ku noolaa gobolka saliidda qaniga ku ah ee Unity State, intii uu socday dagaal ka dhan ah ciidammada fallaagada.

Dadka cunaqabataynta lagu soo rogay ayaa waxa ka mid ah abaanduulaha ciidammada ilaalada u ah madaxweyne Salva Kiir iyo laba janaraal oo kale oo hogaaminaya ciidammada ku sugan gobolka Unity ee ay ka dhacday qaar ka mid ah dhibaatooyinka ugu daran ee colaadda halkaasi ka taagan.

Sidoo kalena cunaqabataynta uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay saamaynayaan saddex hogaamiye oo sarsare oo aad xulafo dhaw ula ah hogaamiyaha fallaagada Riek Machar.

Bayaan ay soo saartay safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Samantha Power, ayey ku sheegtay in dhammaan dhinacyada mas’uulka ka ah gabood-fallada ka dhacay Koonfurta Sudan ay tahay in lala xisaabtamo.

Todobaadka soo socda Koonfurta Sudan ayaa waxa ay u dabaaldegaysaa sanad guuradii afraad ee ka soo wareegatay markii ay qaadatay xorriyadda.

Ugu yaraan 2 milyan oo qof ayaa la barakiciyay tan iyo markii uu dagaalku ka bilaabmay Koonfur Sudan bishii December ee 2013-kii.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories