HomeQaramada Midoobay oo markii u horeysay ka hadlay Tayada Xirfadeed ee Hawl-wadeennada...

Qaramada Midoobay oo markii u horeysay ka hadlay Tayada Xirfadeed ee Hawl-wadeennada Madaarka Hargeysa Iyo Adeegyada uu Bixiyo

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Nairobi (SLpost)- Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan ammaanka ee magaceeda loo soo gaabiyo UNDSS ayaa ka dareen celisay adeegyada uu maamulka Madaarka Caalamiga ah ee Caasimadda Hargeysa u fidiyo wufuudda hay’adaha Qaramada Midoobay ee booqashada ku yimaadda dalka.

Hay’addu waxa ay sheegtay in saraakiisha ammaanka ee UNDSS oo marar kala duwan booqasho ku yimi dalka ay markii ay madaarka soo cago dhigteen u khushuuceen qaabka uu maamulka madaarku ula dhaqmo, iyagoo intaa ku daray in ammaanka madaarku uu yahay mid la isku hallayn karo.

Warqad Mahadnaq ah oo Hay’addaasi u soo dirtay xukuumadda Somaliland gaar ahaanna wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka cirka waxa ay ku boggaadiyeen macaamilka iyo adeega uu Maamulaha Madaarka Hargeysa iyo shaqaalihiisu ay u fidiyaan weftiyada ka socda hay’adahooda iyo weliba kuwa kale ee la meeqaamka ah ee ka soo dega madaarka.

UNWarqaddan oo uu soo diray Sarkaal u hadlay hay’adda UNDSS oo magaciisa la yidhaahdo Eliziario Neto ayaa waxyaabaha ay xambaarsanayd nuxur ahaan waxaa ka mid ahaa hambalyo ku socota maamulaha madaarka Hargeysa oo ay sheegeen in muddadii uu xilka hayay oo ay safarro badan ku yimaadeen dalka uu si firfircoon oo xilkasnimo leh ugu adeegay kana caawiyey baahiyahooda . Waxaana ay farriinta warqaddu xambaarsanayd sida tan:

“ Waxaan warqadan kuugu soo qoray inaanu ku ogaysiino sida aanu uga helnay adeega bilaa turxaanta ah ee shaqaalaha uu hogaamiyo Mr Mahamed Yuusuf Ismaaciil, tan iyo markii uu ka bilaabay shaqada madaarka caalamiga ah ee Cigaal. Waxa Mar kasta oo aan soo booqdo garoonka diyaaradaha ee anaga oo wefti awood ah , sida saraakiisha ammaanka UNDSS ama aan ku imaad taayada gaarka ah ee rakaabka caadiga ah, Mr. Mahamed Yussuf Ismail iyo kooxdiisa shaqaalaha ah waxay ahaayeen kuwo firfircoon oo aad noocawiya. Dhammaan shaqaalaha aanu la kulanay siiba Mr Mahamed Yussuf Ismail waxay ahaayeen qaar aad iyo aad aqoontooda masuuliyadeed u sarayso, isla markaana aanu la dhacnay sida wanaagsan ee ay noo cawiyeen oo ay noogu fududeeyeen hawsha aanu u nimid Hargeysa oo ah inaanu u fududayno hawsha sarkaalka U.N ee halkan ku sugan.

Sababta oo ah dedaalkooda, waxaanu mar walba awood u heli caawinaadooda aanu uuga baahanahay, waxanu aad ugu qanacnay xidhiidhka fiican ee ka dhexeeya UNDSS iyo bahda wasaaradda Duulista Somaliland.

Fadlan mid ha ogaadeen Mr. Mahamed Yussuf Ismail iyo sidoo kale shaqaalaha kale ee madaarka Cigaal in dedaalkooda wax ku oolka ah laga helay oo ay amaaneen U.N iyo hay’addaha gargaarka. Waxaan leeyahay waxaad samaysay shaqaale isku xidhan oo aad u sareeya kuwaas oo xushmad iyo qiimo macaamiisha dareensiiyay”. Ayaa lagu soo gebo-gabeeyey warqadda.

Hay’addan oo kamid ah Hay’addaha UN-ta ee xidhiidhka sokeeye ka dhaxayso Wasaaradda duulista isla markaana ay ka wada shaqeeyaan arrimaha maamulka hawada iyo madaarrada ayaa iyagu inta badan xilliyada ay safarrada dalka ku yimaadaan adeegsada Diyaaradahooda gaarka ama kuwa kale ee caalamiga ah. Farriintan ayaana noqonaysa mid kor u qaadda sumcadda Madaarka Ciyaaga, Maamulihiisa iyo weliba kooxda ka hawl gasha, una soo jiidda indhaha caalamka ee adeegsada madaarrada.

Waana markii u horeysay ee ay qaramada midoobay si toos ah uga hadasho adeegyada madaarrada Somaliland iyo tayada ay leeyihiin xirfadyahannada ka hawl galla, kuwaas oo qayb ka ah dedaallada uu qarankani ugu jiro kasbashada beesha caalamku inay ku soo dhiirradaan kana markhaati kacaan horumarka aan la dafiri Karin ee Somaliland ku tallaabsatay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories