HomeQaramada Midoobay oo Madaxweynaha Somaliya ku Caddeysay Eedaymo Maraykanku u jeediyey...

Qaramada Midoobay oo Madaxweynaha Somaliya ku Caddeysay Eedaymo Maraykanku u jeediyey oo uu Dafiray

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Addis Ababa (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qiray jiritaanka fadeexad wasiirkii hore maaliyada ku dalbaday saxeexa Gudoomiyahii hore Baanka dhexe, dhinaca kalena beeniyey jiritaanka dhaliilo maamul xumo oo dhowaan uu u jeediyey madaxa Sirdoonka Maraykanka James Clapper.

Haseyeeshee, waxa dhaliilahaas uu sirdoonka Maraykanku u jeediyey Madaxeynaha si cad u qiray Ergayga Gaarka ah ee Xogahayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.

Xasan Sh MaxamuudMadaxweyne Xasan oo wargeyska Financial Times wax ka weydiiyey dhaliilo maamul-xumada lagu eedeeyey ayaa ku jawaabay, “Ma garanayo ilaha uu ka helay Mr. Clapper xogtaa, laakiin, ma arko wax khilaaf siyaasadeed oo maanta ka jira Soomaaliya, marka loo eego xilligii hore. Waxaan qabaa inay yihiin fikrado keligii ku kooban.”

Mar wax laga weydiiyey saamaynta iscasilaadii Gudoomiyahii hore Baanka Dhexe, Yusur Abraar, ku yeelatay xidhiidhkoodii qaadhaan-bixiyeyaasha iyo jiritanka khaladaad jira, ayaa ku dooday, “Waan la yaabay sida qaadhaan-bixiyeyaashu u saamaysay mushkilada iscasilaadii baanka Dhexe,” ayuu yidhi., Isagoo raaciyey dhinaca kale inaanu jirin wax khaladaad la sameeyey, balse ay jirtay dalab wasiirkii hore Maaliyadu kaga dalbaday inay saxeexdo Gudoomiyahii hore Baanka Yusur abraar account laga furayey Dubai oo lagu soo shubi lahaa dhaqaalaha wadamada carabtu bixinayaan.

Mar la weydiiyey weerar dhowaan diyaaradaha Drones qaadeen oo lagu bartilaameedsanayey Axmed Godane, balse ku dhintay nin kale, xilli ay ku socdeen ayaa sheegay,  “Godane waa hogaamiyaha siyaasada iyo ciidanka ee shabaab, dilitaankiisuna waxay keeni lahayd saamayn weyn.”

Dhinaca kale, madaxa UNSOM, Nicholas Kay, ayaa sheegay in kalsoonidii qaadhaan-bixiyeyaashu ku luntay musuqmaasuqa ka dhacay baanka dhexe. “waxa jira khilaafaad badan oo xilligan socda,” ayuu yidhi Key, una jeeda, isbedelkii dhowaan lagu sameeyey xukuumada, iyo guuldarada xukuumada ee ku dhaqanka dastuurka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories