HomeQaramada Midoobay oo ka marag-kacay Muhiimadda Somaliland u leedahay Gobolka Geeska Afrika

Qaramada Midoobay oo ka marag-kacay Muhiimadda Somaliland u leedahay Gobolka Geeska Afrika

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigtay muhiimadda ay Somaliland u leedahay mandaqadda Geeska Afrika iyo Hawl-gallada gargaarka bani’aadamnimo ee hay’adaha Qaramada Midoobay ka fuliyaan dalalka gobolka qaarkood, waxaanay tusaale ugu soo qaadateen dekedda Berbera iyo doorka ay ka qaadato hawl-gallada hay’adaha gargaarka.

Salaasadii Toddobaadkan waxa magaalada Hargeisa soo gaadhay wefti ka socda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayo Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan arrimaha Soomaalida Dajire James Swan oo ay weheliyaan Madaxa hay’adda WPF Cesar Arroyo, Wakiilka hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Qaxoontiga ee UNHCR Johann Siffointe iyo Maareeyaha hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Haweenka ee UN Women Sadiq Syed, kuwaas oo qayb ka ah in ka badan 20 Hay’adaha Qaramada Midoobay ah oo ka hawl-gala gudaha Somaliland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Danjire James Swan kaddib kulankii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dhexmaray.

blankJames Swan iyo weftigiisa oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, Masuuliyiin sar-sare oo xukuumadda ka tirsan, Wakiillo ka tirsan Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka, waxa uu iftiimiyey muhiimadda ay Somaliland u leedahay mandaqadda Geeska Afrika oo ay door muhiim ah ka ciyaarto sidii ay hawl-gallada gaargaarka ee hay’adaha Qaramada Midoobay u gaadhi lahaayeen dadka tabaalaysan ee dalalka gobolka.

Ergayga Qaramada Midoobay waxa uu sheegay inay madaxweynaha Somaliland ka wada xaajoodeen hawl-gallada hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadaan gudaha dalka iyo sida ay uga go’an tahay inay la sii xoojiyo xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Qaramada Midoobay oo soo taxnaa soddonkii sanno ee u dambeeyey.

“Aad ayaanu ugu faraxsanahay in aan ka wada hadalnay hawlaha Qaramada Midoobay ka waddo Somaliland ee ah inaanu ka caawinno wax-ka-qabashada Arrimaha la taaban karo ee saamaynta ku leh nolosha shacabka reer Somaliland. Wada-shaqeyntayadu waxay soo bilaabatay 1991-kii oo aanu xidhiidhkeenu joogsan xilli adag iyo xilli wanaagsanba.” Sidaas ayuu yidhi Mr Swan, waxaanu intaas ku daray in isaga iyo saraakiisha hay’adaha QM indhahooda ku soo arkeen barnaamijyo horumarineed iyo qaar bani’aadnimo oo ay ka wadaan Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa, kuwaas oo uu tusaale u soo qaatay mashaariic iyo Barnaamijyo adeegyada bulshada ah oo ay hay’adaha WPF iyo WHO ka fuliyaan goobo ka tirsan nawaaxiga caasimadda Hargeysa.

Marka laga yimaaddo Barnaamijyada bani’aadamnimo ee hay’adaha qaarkood sida WFP oo ka wadaan Somaliland, waxa uu dhinaca kale James Swan iftiimiyey muhiimadda ay istaraatarjiyad ahaan Somaliland u leedahay in hay’adaha Qaramada Midoobay gargaar bani’aadamnimo gaadhsiiyaan dadka tabaalaysan ee dalalka gobolka.

Waxa uu sheegay in Dekedda Berbera tahay marin cuntada gaargaarka ah loo soo mariyo dalalka gobolka oo Somaliland ku jirto, balse waxa uu dhinaca kale xusay in Qaramada Midoobay qayb laxaad leh ka qaadato koboca dhaqaalaha Somaliland.

“Hawlaha muhiimka ah ee barnaamijada Cuntada Adduunka WFP ka wado Somaliland waxa ugu weyn dekedda Caalamiga ah ee Berbera oo marin u ah, qayb laxaad lehna ka qaadata hawlaha gargaar ee WFP ka fuliso gudaha iyo sidoo kale meelo badan oo gobolka Geeska Afrika ka tirsan.

In ka badan rubuc milyan Ton oo xamuul gargaar bini’aadanimo ah ayaa soo maray dekedda Berbera sanadkii hore. Intii u dhaxeysay 2019-2020, Barnaamijka Cunnada Adduunka wuxuu in ka badan 50 milyan oo doolar ku daray dhaqaalaha Somaliland hadday tahay khidmadaha dekedda, kharashka bakhaarka iyo khidmada gaadiidka lagu qaado raashinka.”

Danjire James Swan oo ka hadlayey mashaariicaha kale ee hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadaan Somaliland, waxa uu tusaale u soo qaatay hawl-gallada hay’adda Qaxoontiga ee UNHCR oo uu sheegay inay dhinacyada Tacliinta, caafimaadka, nolol-maalmeedka iyo Hoygaba ka taageero Qaxoontiga ku sugan iyo Baro-kacayaasha Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories