HomeQaramada Midoobay oo ka hadashay Mowqifkeeda Go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ku caydhiyey Raysalwasaare...

Qaramada Midoobay oo ka hadashay Mowqifkeeda Go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ku caydhiyey Raysalwasaare Cabdiwali iyo Xukuumaddiisa, talooyinna u jeediyey Madaxda dalkaas

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Nicholas KayMuqdisho (SLpost)- Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaa soo dhawaysay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya kalsoonida kagala noqdeen Raysalwasaarihii hore ee Somaliya Cabdiwali Sheekh iyo Xukuumaddiisa, haseyeeshee waxa ay ka dayrisay in wada-shaqayn la’aanta iyo is-xag-gashada soo-noqnoqatay ee madaxda Somaliya ay caqabad ku noqoto hiigsiga dhinaca horumarka ee lagu taageero waddankaas.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada u Qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay, ayaa war-qoraal oo uu ka soo saaray Xafiiskiisa, waxa uu sheegay in Soomaaliya u baahan tahay wada-shaqayn iyo isu-tanaasul madaxdeedu la yimaaddaan, wakhtiganna loo baahan yahay sidii muddada uga hadhay dawladda Xasan Sheekh Maxamuud uga midho-dhalin lahayd yoolka beesha caalamku u calaamadisay horumar dalka Soomaaliya ka gaadho dhinaca siyaasadda oo ku muddeysan sannadka 2016-ka, xilligaas oo la qorsheeyey in Soomaaliga laga hirgeliyo nidaamka xisbiyada badan isla markaana laga qabto Doorashooyin ay shacabku codkooda ku doortaan madaxdooda.

Danjire Nicholas Kay oo Madax ka ah Xafiiska UNSOM oo uu wakiil uga yahay Qaramada Midoobay, ayaa war-murtiyeed ka soo saaray Xafiiskiisa magaalada Muqdisho, waxa uu ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan loo soo dhiso xukuumad cusub oo loo dhan yahay isla markaana ay madaxda Soomaaliya dejiyaan heshiis lagaga hortago khilaafaadka soo noq-noqda ee regaadiyey dawladnimada waddankaas.

“Soomaaliya waxay immika u baahan tahay ujeeddo siyaasadeed oo ku midaysan yihiin hay’adaha dawladda, hoggaamiyeyaasha iyo wakhti deggenaansho ah oo ay hesho. Dawladda iyo Baarlamaanku waxay u taala inay qabtaan hawl deg-deg ah oo muhiimaddeeda leh si ay Soomaaliya uga caawiyan inay hesho tadawur laga gaadho dhinacyada siyaasadda, nabadgelyada iyo horumarka muddada 21 bilood ah ee ka hadhay xilliga la hiigsanayo,” Sidaas ayuu yidhi Nicholas Kay.

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada Soomaaliya waxa ay rejaynaynayaan in sida ugu dhakhsaha badan loo dhiso xukuumad loo dhan yahay oo dadka ka wakiil ah. Waxaan rejaynayaa marka la dhiso Xukuumad Cusub in madaxda Soomaaliya ay heshiis ka gaadhaan sida looga hortagi karo dhibaatooyinkan iyo degganaansho la’aanta siyaasadeed ee musqbalka iman kara.”

Mr Kay waxa uu baaq u jeediyey Madaxda Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Waxaan ku faraxsanahay in baarlamaanka Federaalka ay immika awoodi karaan inay diirradda saaraan hawl-qabadka iyo shuruucda looga baahan yahay si ay u dejiyaan xilliga kala-guurka siyaasadda Soomaliya, gaar ahaan shuruucdii lagu aasaasi lahaa Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka, Xuduudaha iyo Guddiga Federaalka.”

“Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay inay la shaqayso dawladda Federaalka, shacabka iyo madaxda Soomaaliya si looga midho-dhaliyo ujeeddooyinka iyo yoolka la hiigsanayo 2016-da,” Sidaas ayuu Jire Danjire Kay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories