HomeQaramada Midoobay oo Baadhis Madax-bannaan ku samaynaysa Xad-gudubyada Israel ka geysatay Marinka...

Qaramada Midoobay oo Baadhis Madax-bannaan ku samaynaysa Xad-gudubyada Israel ka geysatay Marinka Gaza iyo Xamaas oo Shuruudo ku xidhay Xabbad-joojin loogu baaqay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Geneva (SLpost)- Golaha Xuquuqda Bani’aadamka ee Qaramada Midoobay, ayaa fadhi ay yeesheen ku go’aamiyey in dawladda Israel si madax-bannaan su’aalo looga weydiiyo hawl-galka milatari iyo duqeynta ay ku hayso Marinka Gaza.
Codeynta ay isku raaceen Golhan oo maalintii Shalay ka dhacday magaalada Geneva, ayaa ku yimid ka dib markii Madaxa Golaha Xuquuqaha Aadamaha Qaramada Midoobay, Navi Pilly, uu kulan deg-deg ah ugu dhawaaqay in ay isugu yimaaddaaan waddamada xubnaha ka ah Golahan, isaga oo sheegay in hawl-galka Milatari ee Israel uu gaadhay heer lagu qiimayn karo Dambiyo-dagaal oo ka dhan bani’aadamnimada.
Gaza_Israel (3)Waddanka Falastiin oo xubin sharaf kor-jooge ah ku leh Qaramada Midoobay, ka dalbaday baadhis lagu sameeyo xad-gudubka Israel ka geysanayso Marinka Gaza, waxaana Qaraar qabyo ah oo baadhitaankan jidaynaya isku raacay aqlabiyadda 47 dal ee xubnaha ka ah Golahan
29 waddan ayaa u codeeyey in baadhista la sameeyho, halka 17 waddan oo ka tirsan Midowga Yurub ay aamuseen qaraarkan, waxaana ka soo horjeestay Qaraarkan kalina ku noqday waddanka Maraykanka oo xulo dhow isku yihiin dalka Israel.
Qaraarkan ayaa bulshada caalamka ugu baaqay in la magacaabo guddi madax-bannaan oo baadhiaan ku samaysa xad-gudubyada ciidamada Israel ka geysteen marinka Gaza.
Go’aanka ka soo baxay fadhiga Golaha Xuquuqul Iinsaanka ee Qaramada Midoobay, waxa markiiba jawaab ka bixiyey xafiiska Raysalwasaaraha Israel oo ku tilmaamay mid lagu degdegay, isaga oo ku dooday in ciidamadiisu si weyn isaga xil-saareen inaan lagu talax-tegin shacabka Falastiiniyiinta.
Tiro ku dhow 715 Falastiiniyhiin ah badankoodu yihiin Shacab aan hubaysnayn, ayaa ku dhintay hawl-galka milatari ee ciidamada Israel muddada 16-ka maalmood ah ka wadeen Gaza. Dhinaca Israel, waxa dagaalka kaga dhintay laba qof oo shacab ah iyo 32 Askartooda ka mid ah.
Dhinaca kale, Maalintii Arbaca ee shalay waxa si xooggan u bilaabmay dhaq-dhaqaaqyo dibloomaasiyadeed oo lagu baadi-goobayo dhex-dhexaadin iyo xabbad-joojin laga dhex-dhaliyo Xamaas iyo Israel. Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka John Kerry, ayaa kulamo la yeeshay Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo madaxweynaha Falastiiniyiin Mahmoud Abbas. Haseyeeshee ilaa immika wax guul la taaban karo ah lagama gaadhin xabbad-joojinta loogu baaqay labada dhinac.
Hoggaamiyaha garabka siyaasiga ah ee Ururka Xamaas, Khalid Mesaal, ayaa shir-jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Doha ee Qadar, waxa uu meesha ka saaray wax qorshe ah oo ay ka leeyihiin xabbad-joojin ay ogolaadaan ilaa iyo inta ay Israel cuno-qabataynta dhaqaale ka qaadayso marinka Qaza.
“Ma aqbali doono wada-xaajood kasta oo aanay ku jirin cunaqabataynta dadkayaga la saaray oo laga qaad iyo iyada oo aan la tixgelinayn baahiyaadkayaga,” sidaas ayuu Khalid Meshaal ku sheegay shirkiisa jaraa’id.
Israel ayaa dhinaceeda ku gacan saydhay inay ogolaadaan xabbad-joojin qayb ka ah heshiis ay cuno-qabatayn kaga qaadaan marinka Gaza, balse waxa ay oggolyihiin wada-xaajood lagu saleeyahay labada qodob oo kala ah Xabbad-joojin in la sameeyo, marka dambe looga gudbo wada-hadallo Gaza lagaga qaado cuno-qabataynta.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories