HomeQaramada Midoobay iyo ICRC Oo Bisha Cas Ee Somaliland Ku Ammaanay La...

Qaramada Midoobay iyo ICRC Oo Bisha Cas Ee Somaliland Ku Ammaanay La Tacaalidda COVID19 Iyo Sumcadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Genèva (SLpost)- Warbixinta Joogtada ah ee Madaxweynaha Xidhiidhada Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ee Caalamiga ah ay siiyaan Qaramada Midoobay ayaa si gaar ah Toddobaadkan loogu ammaanay Hay’adda Bisha Cas ee Somaliland, dadaallada Hagar la’aanta ah ee ay ka waddo xaaladda la tacaalidda Cudurka COVID19 ee dunidu la tacaalayso wakhtigan.

blankDadaallada ka hor tagga iyo wax ka qabashada COVID 19 ee ay muddoba ku hawlanayd Hay’adda Bisha Cas ee Somaliland ayaa keentay in ay soo jiidato Qaramada Midoobay, Hay’adaha Caalamiga ah ee Laanqayrta iyo Bilaha Cas ee Caalamiga ah (IFRC) iyo ururrada u taagan wax ka qabashada xaaladda degdegga ah ee dunid wakhtigan gashay sida laanqayrta case ee Norway, iyo Kanada,waxaana warbixin ay toddobaadkan daabacdeen warbaahinta dunidu gaar ahaan loogu soo qaatay Warbixinta Joogtada ah ee Madaxweynaha Xidhiidhada Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ee Caalamiga ahi Francesco Rocca la wadaago Qaramada Midoobay.

Xidhiidhka Caalamiga ah ee Midawga Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ayaa warbixintan ay soo saareen waxa ay ku amaaneen doorka layaabka leh ee ay Hay’adda Bisha Cas ee Somaliland ka qaadatay wacyigelinta iyo dadaallada aan kala go’a lahayn ee Mutadawiciinta iyo shaqaalaha Hay’addaasi ka fuliyeen qaar ka mid ah Gobolada Somaliland gaar ahaan iyada oo la soo qaaday ogaanshaha iyo wax ka qabashada Kiiskii ugu horreeyey Gobolka Togdheer oo ay sababtiisa iyo xalkiisaba lahaayeen Mutadawiwiicnta Hay’adda Bisha Cas ee Somaliland oo ka hawl galay sidii kiiskaasi loo ogaan lahaa looguna fidin lahaa gargaar caafimaad iyo ilaalin gaar ah iyada oo kala shaqaynaysa Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Warbixintan waxa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo dadaallada lagu wajahayo cudurkan halista ah gaar ahaan in la diyaariyo deegaan isku xidhaya bulshada iyo iskaashiga ururrada sama-falka, taasi oo lagu soo qaaday hawsha ay arrintaasi ka qabteen Ururradan Caalamiga ah dalal ku kala yaalla Asia, Ameerika iyo Afrikaba, waxaana arrin muhiimaddeeda leh noqotay iyada oo warbixintaasi si toos ah loogu ammaanay Hay’adda Bisha Cas ee Somaliland doorka ay ku leedahay xaaladdan taasi oo sumcad weyn u noqotay korna u qaaday Magaca Somaliland maadaama si gaar ah loo soo qaaday Hay’adda Bisha Cas ee Somaliland.

“Gudaha Somaliland, Ururka Bisha Cas ee Somaliland waxa ay diyaariyeen oo tababareen kooxo Mutadawiciin xirfadlayaal ah oo si degdeg ah uga soo jawaaba xaaladda Koroona Fayras kuwaasi oo Bulshada ka tirsan. Kooxahani waxa ay ogaadeen Kiiskii ugu horreeyey ee COVID19 ah goor horeba. Tallaabooyinka saxda ah ayaa la qaaday waana muhiimadda ah in la wadaago Macluumaadka iyo xogta, waana tallaabada ay qaadeen ee Hawshan ka dhigtay mid gaar ah” ayuu yidhi Madaxweynaha Xidhiidhada Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ee Caalamiga ahi Francesco Rocca.

Dhinaca kale, Warbixin ay soo saartay Hay’adda laanqayrta Cas ee dalka Norway waxa ay Hay’adda Bisha Cas ee Somaliland ku ammaantay doorka ay ka ciyaarayso sidii loola tacaali lahaa dalka cudurka Halista ah ee Karoona Fayras iyada oo Bisha Cas lagu ammaanay isku xidhka iyo dadaallada ay arrintan ka samaysay iyada oo si gaar ah loo xusay diyaarinta tiimamka mutadawiciinta ah ee Bulshada ku dhex jira kuwaasi oo dhinaca isgaadhsiinta taleefanada (Mobile phone) ka sameeya wacyogelin iyo xog ururinta la socodka xaaladaha COVID19, waana arrinta noqotay midho dhalka ah ee ay majeerteen dhammaanba ururrada iyo hay’adaha caalamiga ahi sumcaddana u soo jiidday qaranka Somaliland.

Sidoo kale waxa xusid mudan in Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay Somaliland ku ammaanto sida ay uga hawl gashay xaaladda Cudurkan iyaga oo ku baaqay in wax lagala qabto sidii gacan looga siin lahaa wax ka qabashada COVID19 waana arrin daba socota fal-celinta ka timid doorka ay wasaaradda caafimaadka, hay’adda Bisha Cas iyo ururo kaleba arrintan ka qabateen.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories