Home“Qaramada Midoobay Ammaan Ku Heli Maayaan Meel Ka Mid Ah Soomaaliya” Al-shabaab

“Qaramada Midoobay Ammaan Ku Heli Maayaan Meel Ka Mid Ah Soomaaliya” Al-shabaab

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho, (SLP)- Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo ka hadlayay weerarkii Isniintii aynu soo dhaafnay lagu qaaday gaadhi waday shaqaale ka tirsan kuwa Qaramada Midoobey ee ka hawlgala Puntland ayaa sheegay inaanay jirin meel ay ku badbaadayso Qaramada Midoobay.

Cali Dheere ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay hormood ka tahay duullaanka lagu soo qaaday Soomaaliya, isla markaana aanay shaqaalahoodu marna badbaadi doonin.Cali Dheere

“Kuwa sheegta Qaramada Midoobay amni kuma helayaan Soomaaliya inta ay joogaan, waxayna dhadhamin doonaan rasaasteenna” ayuu afhayeenku ku sheegay wareysi uu siiyay uu warbaahinta taageerta kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale, afhayeenka Al-shabaab wuxuu ka digay in shaqaalaha Qaramada Midoobey ay sii joogaan Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay qayb ka yihiin dhibaatooyin lagu hayo dadka Soomaaliyeed sida uu wareysigiisa ku sheegay.

Weerarkii ka dhacay Garoowe ayaa waxaa ku dhintay shaqaale Soomaali iyo ajinabi isugu jiray oo u shaqeynayay hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay, kuwaasoo gaadhigii waday qarax lala beegsaday xilli uu doonayay inuu galo dhismaha Qaramada Midoobay ay ku leedahay Garoowe.

Ugu dambayn, Kooxda Al-shabaab ayaa hore uga mamnuucday inay deegaannada ay ka taliyaan ka hawlgalaan hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa samofalka qaarkood oo ay ku eedeeyeen inay basaasiin u yihiin dalalka reer galbeedka, dawladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Si kasta ha ahaatee, maaha markii ugu horeysay oo ay weerarro kala duwan la beegsato Al-shabaab shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku sugan, iyagoo sannad ka hor weeraray dhismaha UNDP ee Muqdisho oo ay ku dileen shaqaale ajaanib iyo Soomaali isugu jiray.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories