HomeQaraar Ka Dhan Ah Ilhan Cumar oo la Horgeeyey Congress-ka Maraykanka

Qaraar Ka Dhan Ah Ilhan Cumar oo la Horgeeyey Congress-ka Maraykanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Dhowrkii maalmood ee u dambeeyey waxa sii xoogaystay dhawaaqyo dhiillo xambaarsan oo shacabka iyo siyaasiyiinta Maraykanku kaga fal-celiyeen hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Ilhan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ee Maraykanka.

Ilhan Cumar oo horaantii toddobaadkan ka hadashay heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Ethiopia, waxa ay badheedh ah ula safatay madaxweynaha Soomaaliya oo ka soo horjeestay heshiiskan, waxaanay ballan-qaaday iyadoo ka faa’idaysanaysa awoodda mansabka ay ka hayso Congress-ka Maraykanka ay barbar taagan tahay isla markaana taageerayso Soomaaliya.

Hadalka Ilhan Cumar ayaa sababay inay xildhibaannada iyo siyaasiyiinta Maraykanku ku baaqaan xil-ka-xayuubin lagu sameeyo maadaama oo sida ay sheegeen xilka Dowladda Maraykanka ee ay u dhaaratay uga faa’idaysatay inay ku difaacdo danaha dalka ay u dhalatay ee Soomaaliya.

Xildhibaan Marjorie Taylor Greene oo Aqalka Wakiillada Maraykanka ugu jirta Xisbiga Jamhuuriga, ayaa Khamiista maanta soo saartay qaraar dhaleecaynaya hadalkii ka soo yeedhay Ilhan Cumar oo qiratay inay waddan shisheeye danihiisa uga shaqayso gudaha dalka Maraykanka.

Xildhibaan MTG waxa ay Ilhan Cumar ku tilmaantay Qof khiyaameeyey dastuurka dalka Maraykanka iyo xilka ay u dhaaratay.

“Waxay si cad u qiratay siday dedaalka ugu jirto inay ka shaqayso danaha Soomaaliya iyadoo adeegsanaysa mansabka ay ka hayso dowladda Maraykanka. Ilhan Cumar waxay daaha ka qaaday inay tahay wakiil shisheeye oo ka wakiil ah dowlad shisheeye,” sidaas waxa tidhi xildhibaan MTG oo Golaha Wakiillada ee Congress-ka Maraykanka horkeentay Qaraar ka Dhan ah Ilhan Cumar.

“Haddii go’aan ka gaadhisteedu aniga igu xidhnaan lahayd, Ilhaan Cumar intaan xilka ka qaado ayaan ka musaafurin lahaa Mareykanka, waayo waxay ku hadashay wax aad looga xumaado,” ayey hadalkeeda raacisay Xildhibaan Greene oo laga soo doortay Gobolka Georgia.

Qaraarkan ayaa la filayaa in la horgeeyo Aqalka Wakiillada si loogu codeeyo, waxaanay xildhibaanku ka dalbatay mudaneyaasha Aqalka inay u codeeyaan Qaraarkan lagu cambaareynayo hadalka Ilham Cumar.

Qaraarka Xildhibaan MTG oo ay Aqalka Wakiillada ee Congress-ka ka wada-tirsan yihiin Ilham Cumar, ayaa ka mid ah dhawaaqyadii u dambeeyey ee lagu dalbanayo xil-ka-xayuubin lagu sameeyo Ilham oo hadalkeedu buuq badan ka abuuray gudaha Maraykanka.
Ilhan Cumar oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ayaa laga soo doortay Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories