HomeQalinleyda: Hadalkiina iyo Qoraalkiinu Ha-is-yeesho

Qalinleyda: Hadalkiina iyo Qoraalkiinu Ha-is-yeesho

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Af-ka Soomaaliga ah waxaa lagu tiriyaa afafka ugu faca weyn leh ee soo jiray wakhtiyo badan, inkastoo aanu nasiib u helin in la xafido oo la qoro intii ka horeysay todobaatanaadkii. Afka Soomaaligu muu helin dadkiisii iyo dawladihiisii u damqan lahaa ee u tafa-xaydan lahaa sidii loo keydin lahaa, oo mar walba loo tifaf-tiri lahaa. Ma jirto dawlad ka mid ah kuwa afsoomaaliga ku hadla oo xil-weyn iska saartay sidii ay afka-soomaaliga ugu gurman lahayd oo ay uga badbaadin lahayd burbur iyo baaba’ ku dhaca. Hadday jirtana ma noqon mid sii joogtaysa oo uu dadaalkeedu sii waaro. Maalinta ku beegan wakhtiga Soomaaliga la qoray  oo kaliya ayaa mararka qaarkood aad arkaysaa munaasibado lagu xusayo, inkastoon lagaga doodin, laguna falan-qeyn, caqabadaha iyo dhibaatooyinka Afka Soomaaliga la soo dersay waayadan dambe iyo sida loo badbaadin karo ee kaliya waxaa lagu dhamaystaa, madadaalo iyo hadalo aan mug-weynayn.

 

Afka Soomaaligu maaha mid dabar go’aya hadduu helo cid-u-hiilisa, yaa se ay tahay inay u hiiliyaan? Dawladdu waa ta ugu horeysa ee ay tahay inay keento Tab-iyo-Xeelad lagu ururiyo, lagu keydiyo, laguna sii joogteeyo. Fikir ahaan, wakhtigan hawl badan buu u baahan yahay afka iyo dayac-tirkiisu, laakiin waxaa lagaga bilaabi karaa in xafiisyada dawliga ah oo dhan lagu isticmaalo afka soomaaliga. Dhambaal iyo warbixin kasta oo ka baxaysaa haday noqoto soomaali waxaa imanaya in xataa shaqo-abuur uu ka imanayo oo la heli doono dad badan oo Soomaaliga iyo turjumaanimada barta ka dibna hay’adaha kala duwan ee ajaanibku ay qaataan.

Bahda qalinleyda sidoo kale waxay ka qeyb qaadan karaan, kor-u-qaadida iyo ilaalinta afsoomaaliga, laakiin waa goorma? Waa marka ay is-waafaqaan qalinkooda iyo hadalkoodu. Tusaale, waxaad arkaysaa qof ka mid ah dadka inta badan wax-qora, ha ahaado maqaallo ama buugaag e. Qoraalladooda hadaad akhrido waxaad aad ula-dhacaysaa sida farshaxan-nimada leh ee ay u qoreen ama u diyaariyeen, hadday noqoto afsoomaaliga iyo habka ay iskugu sid-kan-yihiin aragtidooda iyo ujeedadooduba.  Dhinaca kale, Hadaad isla qofkaas aad ku kulantaan madal oo aad aragto isagoo hadlaya, waxaad isku qabanaysaa qofkani miyaanu ahayn kii aad akhriyaysay maqaalkii aadka kuu soo jiitay mise waa qofkale. Haddaad dhagaysato hadalada uu ku hadlayo inta ugu badan waxaad ku arkaysaa afsoomaali iyo af-ingiriisi uu isku dhex isticmaalayo. Oo markuu dhawr eray oo saamaali ah yidhaahdo ba wuxuu ku darayaa erayo badan o oaf-qalaad ah sida af-ingiriisi.

 

Iska daa in kor loo qaadee waxaad moodaa in ay bulshadu isku waafaqsan tahay hoos-u-dhigidda, waayo cid kasta oo ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshadu xilba iskama saarayo ilaalinta afkiisa iyo daryeelkiisa. Culimaa-u-diinka qeyb laxaad leh bay ku leeyihiin laftoodu, waayo qudbadaha iyo waanooyinka ay bulshada u gudbinayaan, oo afsoomaali iyo afcarabi isku dhex jira ayay ku wacdiyaan, iyadoo waliba dadka fahmayaaba ay yar yihiin.

Waxaan soo jeedin lahaa dhawr qodob:

In dawladdu ay doorkeeda hogaamineed ka qaadato arimaha horumarinta afkeena hooyo, iyadoo kaga bilaabaysa dhaqan-gelinta afsoomaaliga ee xarumaha dawladda. Dhaqan-gelinta afka Soomaaliga ee xarumaha dawladda waxaa ka dhalanaya in Hay’adaha wada shaqeynta la leh dawladdu ay u baahdaan in loo turjumo, waxaa na ka abuurmaya shaqo abuur, oo Hay’ad kasta waxay qaadan doontaa hal qof oo turjumaan ah.

In dadka qalinleyda ahi ay iyaguna qeyb laxaad leh ka ciyaaraan oo ay dhiiri-geliyaan u hiilinta afkeena hooyo, kaga na bilaabaan naftooda iyagoo is-waafajinaya qoraalkooda iyo hadalladooda. Sidoo kale na ay dhiiri-geliyaan ilaalinta afka soomaaliga.

In culimadu na ay qeyb ka ahaadaan horumarinta afka, oo halka ay markay tusaale ama wacdi bilaabayaan ay tix gabey ah oo nin carbeed tiriyay soo xiganayaa ay ku beddelaan hal-doorkeena suugaaneed ee dhinac kasta ka gabyay.

 

W/Q: Maxamed Jaamac Meygaag

Action50@gmail.com

Hargeysa, Soomaalilaan

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories