HomeQalalaasaha Yukrayn , Qorshaha Ruushka iyo Qiyaamadda Reer Galbeedka - W/Q: Garyaqaan...

Qalalaasaha Yukrayn , Qorshaha Ruushka iyo Qiyaamadda Reer Galbeedka – W/Q: Garyaqaan Ahmed Nour Guruje‏

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

axmed gurujeWadanka Yukrayn oo kamidda wadamadda yurubta Barri ee ka midka ahaan jiray Xulifaddii Midawgii soofiyati , Xad dhuleed oo balaadhan iyo xidhiidh Taariikheed oo dhinacyo badan , iyo dhalasho xagga Isirka ahba la wadaaga wadanka Ruushka waxa ka taagan qalaase siyaasadeed oo isa soo taraya intii muddo ah ba . Wadankan oo Istaraajiyad balaadhan ku fadhiya waxa kala jiidanaya Wadanka Ruushka oo ka baqa qaba in Xuduuudihiisa ay kusoo dhawaadaan Midawga reer Yurub oo ku daaban xulafadood Gaashaan buurta Nato iyo Wadamadda Reer Galbeedka oo doonaya inay kaabiga isu soo tagaan wadanka Ruushku oo culays siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba ay saaraan wadanka Ruushka oo ay ka baqe qabaan inuu marlabad luxudka lasoo kaco .
Hadaba wadankan oo sidda muuqata labadda dhinac kala jiidanayaan waxa baryahaaba gacanta sarre lahaa Taageerayaasha Ruushka u jan-jeedha oo talada gacanta ku hayay , Ruushkuna wuxuu isla barbar taagayTaageerro dhaqaalle , heshiisyo ganacsi iyo kaalmo dhan walba ah oo hagar la aana , halkaa markay marayso , qoladda reer galbeedka oo wata qorshe ay doonayaan in wadankan si rasmiya loogu darro Midawga reer Yurub sanadka 2015 , waxay soo maleeegeen qorsheyaal siyaasadeed oo sal-dhigoodu yahay , qalaan qal , qalalaase abuurida .
Waxay si dhaw ula shaqeeyeen Xisbiyadda Mucaaridka , ururadda Bulshada rayidka ah oo ah albaabka dalalka laga soo gallo , iyo kooxaha udooda xuquqda aadamaha .
waxay siiyeen tababaro la xidhidha kicinta dadwaynaha iyo xaalad abuurka , taageero dhaqaalle iyo hiil xagga warbaahita ah .
Reer galbeedku iyagoo isticmaalaya , Halbeega ay kaligood cabirkiisa yaqaanaan ee Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqal Insaanku waxay ku guulaysteen inay Af-gambiyaan dawladdii lasoo doortay ee Wadanka Yukrayn iyo Madaxwaynihii sharcig ahaaba . Halkaa markay marayso Wadanka Ruushku wuxuu is tusay inay lagama maarmaan tahay inuu qaado Talaabooyin lagaga hortagayo qorshaha reer galbeedka . Ruushku isagoo dareesan halista kaga iman karta xuduudihiisa oo lagu soo dhawaado , kana taxadiraya culayska ay ku keeni karto in Wadanka Yukrayn gacanta u gallo Reer galbeedka , wuxuu qaaday talaaboyin kan .
Gobolka Cremia oo taarikhiyan ka tirsanaan jiray Wadanka ruushka dadka ku dhaqan intooda badanina yihiin dad Asalkoodu kasoo jeedo Ruush wuxuu u diray ciidamo iyo khoboro milateri .
Gobolkan oo taarikhiyan muran ka taagnaa waxa gacanta u geliyey Yukrayn Madaxwaynihii Midawga Soofeyeti ee Kharashov oo kasoo jeeday waddanka Yukrayn , iyadoo aan markaa maskxada lagu hayn in Soofeyetigu burbri doono .
Waxa ku yaalla gobolkan , Saldhiga ugu wayn ee Ciidanka badda ee Wadanka Ruushka kaasoo heshiis lagu gaadhay kala diristii soofayetiga in Ruushku gacanta ku hayo , ciidankiisuna ku sugnaado .
Wadanka Ruushku waxa laga baqe qabaa inuu qaaddo laba talaabo midkood ama labadaba ,
– Inuu ciidamo u dirro gobolkan Crimea iyo gobolada barri ee yukrayn sidii Gorgia/Abkhasiya , islamarkaana taageero kacdoono gooni u goosiya oo uu gacan qabto .
– Inuu ciidamo u dirro gobolkan Crimea iyo gobolada barri ee yukrayn sidii Gorgia/Abkhasiya , islamarkaana taageero kacdoono gooni u goosiya oo uu gacan qabto .
Reer Galbeedku baaqyo badan iyo cambaarayn ayay kasoo saareen talaaboyinka Ruushka , waxaanay si dhaw ula socdaaan xaaladda taagan , hasa yeeshee ma cadda talaabooyinka ay qaadi donaaan iyo go aamadda ay qaadan karaaan .
Arrinta kale ee laga cabsi qabaa waxay tahay saamaynta arrinta gaastu ku keenayso wadamadda reer galbeedka ee yurubta galbeed oo si wayn ugu tiirsan gaasta ruushka .
kala daadasho iyo burbur ku dhaca wadanka Yukrayn iyo dagaalo isir ku salaysan . Loolankii Ruushka iyo galbeedka oo soo noqda iyo khilaaf horle oo bilaabma . Wadamo badan oo kale oo dhibkani ku fido iyo dawlado cusub oo kusoo biira khariidada aduunka .
ugu dambayn si kasta oo wax u dhacaan , waa loolan cusub iyo quwadihii laxaadka lahaa oo isku haysta , reer galbeedka uu raba inay Ruuskhka ku cidhiidhyaaan qoqobaha xuduudihisa iyo Ruushka oo qaadayaa heestii caanka ahayd ee Ruug-cadaadigia soo rogaal celi .

Garyaqaan Ahmed Nour Guruje

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories