HomeQadiyadda Falastiin oo xiisad Siyaasadeed ka dhex-dhalisay waddamada South Africa iyo Israel

Qadiyadda Falastiin oo xiisad Siyaasadeed ka dhex-dhalisay waddamada South Africa iyo Israel

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Israel oo Visa-ha dalkeeda u Diidday Wasiirka Waxbrashada iyo Jawaabta Dowladda Koonfur Africa

Johannesburg (SLpost)- Dowladda Koonfur Afrika, ayaa si cadho leh uga jawaabtay tallaabo dowladda Yuhuuddu kaga horjoogsatay dalkeeda inuu galo Wasiirka Tacliinta Sare ee Koonfur Afrika Blade Nzimande oo socdaal ku tagi lahaa waddanka Israa’iil.

Wasiirka Tacliinta Sare ee Koonfur Afrika, ayaa 25 bishan April oo maanta ku beegan socdaal ku tegi lahaa dhulka Falastiin ee dowladda Yuhuuddu xoogga ku haysato, balse  socdaalka wasiirka ayaa baaqday kaddib markii dowladda Israa’iil u diidday inay siiso waraaqaha dal-ku-galka (Visa), waxaanay tallaabadani caqabad ku noqonaysaa xidhiidhka aan lugaha Xooggan ku taagnayn ee u dhexeeya waddanka labaad ee ugu dhaqaalaha badan Afrika iyo dowladda Israa’iil oo isku maan-dhaafsan qaddiyadda shacabka reer Falastiin.

south afrikaSafarka wasiirka Tacliinta Koonfur Afrika, ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii ay xidhiidh wada-shaqayneed u yeelan lahaayeen Jaamacadda Johannesburg iyo hay’adaha waxbarasho ee dawladda Falastiin.

Agaasimaha Guud ee waaxda Xidhiidhka Caalamiga ah ee dowladda Koonfur Afrika oo qaddiyaddan ka hadlay, ayaa sheegay inay dowlad ahaan uga fadhiyaan xukuumadda Tel Aviv sababaynta tallaabada waxay ku diiday in wasiirkaasi uu dalkeeda galay.

“Waxaanu ka doonaynaa Israel inaanu ka helno sabab qeexaysa in fiisaha dal kugalka loo diido wasiirkayaga,” ayuu yidhi masuulkan oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sidoo kale, waxa tallaabada dowladda Israa’iil cambaareeyey Agaasimaah Xarunta Afro-Middle East Center oo fadhigeedu yahay magaalada Johannesburg. “Dhaqdhaqaaqa madax-banaanida reer Falastiin ee ka socda Koonfur Afrika, wuu kusii xoogaysanayaa talaabada Israel, waana inay Koonfur Afrika si degdeg ah uga jawaabtaa talaabadan,” ayay tidhi Mr Jeenah, iyada oo intaas ku dartay, “Wax kasta oo ay Israel ka tidhaahdo falkan, xaqiiqdii waa mid xaaladda sii xumaynaya.”

Dhinaca kale, dowladda Israa’iil, ayaa sababo aan lagu qancin ku fasritay tallaabada ay kula kacday wasiirka Tacliinta sare ee Koonfur Afrika. Safiirka Israel u jooga caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria, Mr. Arthur Lenk, ayaa ku doodday inay aad u kala duwan qaddiyada ka taagan gobolka uu dalkiisu ku yaallo ee Bariga Dhexe iyo arrinta wasiirka tacliinta sare loogu diiday fiisuhu.

Balse waxa falkan fool-xumo axmaqnimo ah ku sifeeyey safaaradda dowladda Falastiin u fadhiiya dalka Koonfur Afrika, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska safaaradda ee Caasimadda Pretoria. “Waxaynu u qaadan karnaa talaabadan caadifada ah ee ay qaaday Israel mid midab-takoor ah oo la mid tii hore uga dhacday Koonfur Afrika oo kale.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka.

Marka laga yimaaddo jawaab-celinta laga bixiyey tallaabada, Wasiirka Tacliinta Sare ee Koonfur Afrika, waxa uu ugu baaqay dhammaan hay’adaha  dowladda Koonfur Afriak inay xidhiidhka u jaraan Israa’iil.

Waddanka Koonfur Afrika, ayaa marti-geliyey isla markaana oggolaaday inay dalkooda ka shaqeeyaan Ururro badan oo u dhaq-dhaqaaqa Xuquuqda Shacabka reer Falastiin.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories