HomeQadiyada Sool Ugub Maaha Ee Waa Maxay Odhaahdan Dhiilada Ah Ee...

Qadiyada Sool Ugub Maaha Ee Waa Maxay Odhaahdan Dhiilada Ah Ee Somaliland Baa La Burburinayaa!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Cali Ducaale

Waxa in dhawaydba qaar ka mid ah Warbaahinta iyo Siyaasiyiintu  soo tebinayeen afkaaro,  Dayro iyo qayladhaan xanbaarsan in Somaliland la burburinayo oo wax iska bedeleen cahdiga Madaxweyne  Siilaanyo, waxayna badiyaaba aragtidooda dhextaal uga dhiganayeen dardaaran ay u nisbaynayeen inuu Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin kula dardaarmay Madaxweyne Silaanyo oo ahaa inuu ku wareejinayo dal nabad ah iyo dad midaysan oo loo baahan yahay inuu dhawro.

Barobogaandaha lagu celceliya khatartiisa ayuu leeyahay taas oo walaac badan  iyo niyad jab ku abuurtay mujtamaca reer Somaliland, ilaa xad Suldan salaadiinta Somaliland ka mid ahi Madaxweyne Siilanyo u qabtay 48 sacadood in uu wax kaga qabto shirka Taleex halka Sheekh siyaasada khudbadiisa jimcaha u adeegsadana ku eedeeyey qadiyada Taleex. Sidoo kale  waxa shalay bogga  hore ee wargeyska Haatuf ku qornaa in Wasiir hore oo ka mid ahaa xukumadihii Somaliland soo maray Madaxweyne Siilaanyo ku eedeyay in qarankii lagu wareejiyay farihiisa ka baxay.

Arinta Sool ugub maaha oo arimo tan ka culus baa xukuumadihii  tan ka horeyey ka soo maray cahdigii Max’ed Ibrahin Egal garaadada reer Sool Puntland bay ku biireen, kii Dahir Riyaalana Madaxweynaha oo laascanood  jooga baa weerar lagu soo qaaday oo u ka soo baxay wax dagal oo rogal celinana lama qaadin, ee madax uu ka mid yahay Xaabsade ayaa iyagoo xeerinaya danta beeshooda waqti danbe Laascanood gacanta Somaliland ku soo celiyey iyagoo kaashanaya ciidamada Somaliland.

Cahdigan Madaxweyne  Siilaanyo waxa sool kala kulmay dhacdadii kalshaale oo nabad ku dhamaatay iyo shirka Taleex, oo in qabiilku danahooda ka shiraan hore loo ogola oo shirkii Garadag iyo Dubur baa kan ka horeeyay dhulbahantena lama takoori karo sidaa awgeed waxay xukuumadu go’aaamisay in dhulbahante xaq u leeyahay inay danahooda dhaqan uun ka shiraan lakiin hadiise shirka ka soo baxaan wax lid ku ah qaranimada Somaliland ee ay qaybta ka yihiin in talaabada ku haboon laga qaadayo markay dhacdayna talabadii ku haboonayd way qaaday xukumadu.

Intaasi waa sooyaalkii taarikheed oo maamul sool lagaga dhawaaqana inooma hor leh oo horey Puntland ugu biireen, Laascaanood oo horey loo qabsadayna maanta maamulka Somalilnad ayay ka mid tahay, Buuhoodlaaba u dhow in ay gacanteena ku soo noqoto.

Waxaa hadaba iswaydiin mudan waxay arkeen qolyahan ilmada libaaxa qubaya  oo qaska inagala dhextoosay oo ku baaqaya in Somaliland burburtay iyagoo xukuumada maanta jirta ku xumaynaya laakiin taasi qarannimadii iyo sumcadii dalka ayay wax yeelaysaa.

Guntii iyo gabagabadii qolyo badan ayaa tirsanaya inaan Madaxweyne  Siilaanyo  aanu ugu hanbeyn siday ugu liseen ama ula soo halgameen wakhtigii doorashadiisa ama aanuu raacin wadadii laga filayay laakiin waxaan ku talin lahaa in  la kala saaro qadiyadan qaladaad keeda maamulka Siilaanyo leeyahay iyo wixii guud ahaan wax yeelaya qaranimada Somaliland.

By Ali Duale

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories