HomeQaddarka Lacagta Abaaraha Somaliland ka jira kaga Qayb-qaateen Wefti ka socda Soomaaliya...

Qaddarka Lacagta Abaaraha Somaliland ka jira kaga Qayb-qaateen Wefti ka socda Soomaaliya oo Madaxweyne Siilanayo la kulmay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Max’ud (Siilaanyo), ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Wefdigii ka socday Qaybaha Bulshada ee dalkaasi Soomaaliya oo dalka soo gaadhsiiyey lacag ay kaga qayb-qaateen Abaaraha ka jira gobollada Somaliland.

Sida lagu war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye Shamax, weftiga Soomaaliya oo ka kooban 12 xubnood, ayaa isugu jiray Salaadiin, Culimo-awdiin, ganacsato, Haween iyo xubno ka tirsan Ururrada Bulshada rayidka ah, iyagoo dalka soo gaadhsiiyey qaddar lacageed oo dhan Hal Milyan oo Dollar.

abaarrro“Cashada ka hor, waxaa la is-weydaarsaday khudbado lagu tilmaamayo ujeeddooyinka ay dalka u yimaadeen waftiga Somalia, iyadoo dhinaca Somaliland hadalku ahaa, mahadnaq looga mahadnaqayo gurmadkay ka soo qaybgaleen, soo dhawayn madaxweynuhu dalka ku soo dhawaynayey weftigaa iyo sagootis lagu macasalaamaynaayey weftiga Soomaaliya,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

silanyo-abaroWaxa kale oo war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Weftiga soomaaliya oo hadalka ku horeeyey, una hadleen Oday Maxamed Xasan Xaad oo ah gudoomiyaha weftiga, ayaa ugu horaynba si weyn uga mahadnaqay soo dhawayntii bilaw ilaa dhamaad intii ay dalka joogeen loo yeeshay, taas oo ay u arkeen inay tahay soo dhawayn walaalnimo, tixgelinta loo yeeshayna ay tahay mid aanay weligood illaawayn.

abaarrroGuddoomiyaha weftigu wuxu ku dheeraaday nabadgelyada 100% ah ee Somaliland ka jirta, isagoo intaa raaciyey erayo kaftan ah, oo ay ka mid ahayd in lagu soo dardaaray markuu Somaliland tago inuu kaftanka badiyo, taas oo uu uga jeeday in marka aanay arrintu rasmi ahayn ay reer Somaliland kaftanka ku fiican yihiin, sidaa awgeedna uu badiyo kaftanka marka aanay shaqo rasmiyi jirin, waxa uu intaas ku daray in aanay siyaasad u iman Somaliland, balse dadka ay abaaruhu tabaaleeyeen ee oonka iyo baahidu la soo deristay inay wax ku darsadaan u yimaadeen.

abaarrrrorWaxaa isaguna halkaas ka hadlay sheekh Nuur Baaruud oo ka tirsan cullimada weftiga ka tirsanayd, isagoo sheegay in laysu gurmadaa inay tahay islaamnimo iyo walaalnimo iyo soomaalinimo, reer somalilandna ay u gurmadeen markii ay soomaaliya abaaruhu ka dheceen 2011 kii, iyaguna ay muujinayaan inay markooda soo gurmadaan, abaalkiina celinayaan. Waxa isna haddal uu ugu mahadnaqayo soo dhawaynta Somaliland, iyo casuumada uu madaxweynuhu u sameeyey ka mahadnaqay Maxamuud Cabdikariin Gabayrre oo ka mid ahaa ganacsatadii weftiga la socotay.

abaaro2Dhinaca Somaliland waxa iyaguna halkaa ka hadlay, Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, iyo Sheekh Xasan Cabdisalaan, kuwaas oo iskala afnoqday mahadnaqii ay u celiyeen weftiga soomaaliya ee gurmadka abaaraha ka soo qaybgalay, waxaanay intaa ku dareen inay la soo noqoshada Somaliland, aanay ahayn cuqdad iyo cadaawad ay u qabaan walaalohooda Soomaaliya, ogsoon yihiin inay soomaalinimadu tahay magac qoomiyadeed, oo ay wadaagan dhamaan dadka afsoomaaliga ku hadlaa ee Geeska Afrika, sida Jabuuti, Soomaalida ismaamulka Itoobiya, iyo Waqooyi bariga Kiiniya, dhaqan iyo dhalashona la wadaago balse siyaasad ahaan hadda loo kala duwan yahay, laba dal oo walaalo ahna la yahay.

Gunaanadkii kulanka, waxa uu madaxweynuhu u mahadnaqay weftiga Soomaaliya ee ka soo qaybgalay gurmadka loo sameeyey dadka abaartu halakaysay ee Somaliland, waxaanu madaxweynuhu tilmaamay in isu gurmashada noocaasi ay tahay mid ay iska kaashadaan labada ummadood ee labada dal, layskagana gurmado wax ka qabashada masiibooyinka dabeeciga ah, dhibaato kasta oo culus oo dhinac ka jirtana, dhinaca gacan ka geysto.”

Si kastaba ha ahaatee, gurmadka Deeqda lacageed ee weftiga Soomaaliya kaga qayb-qaateen Abaaraha ka jira qaybo ka mid ah gobollada Somaliland, ayaa jawaab u ah gurmad lacag iyo Raashin isugu jira oo Xukuumadda iyo Shacabka Somaliland kaga qayb-qaateen abaaro baahsan oo sannadkii 2011 ku dhuftay qaybo ka tirsan gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories