HomeQaddaafi iyo Wiilashiisa oo la ogaaday Meesha ay ku sugan yihiin

Qaddaafi iyo Wiilashiisa oo la ogaaday Meesha ay ku sugan yihiin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sirte, (SLpost)- Hoggaamiyihii hore ee dalka Libya colonel Mucaamar Al Qadaafi ayaa tan iyo intii ka danbaysay markii 23-kii August 2011-ka laga qabsaday caasimadda dalkaas ee Tripoli ku jiray dhuumasho iyo firxad aan kala go’ lahayn. Hasa yeeshee Mr. Qadaafi oo la sheego inuu wax badan ka korodhsaday waayo aragnimadii Usma Binu Laden ayaa ku guulaystay inuu raad gado firxadkiisa, wararka laga helayaana adkaadaan. Haddaba waxa saacadihii u danbeeyay soo baxayay warar sheegaya in Qadaafi ku dhuumanayo tuulo ku dhow xadka u dhexeeya Libya iyo Aljeeriya, halkaas oo uu gabood ka helayo dadka Daariqiyiinta loo yaqaano ee ku dhaqan ama dega saxaaraha afrikada galbeed. Dadka Daariqiyiinta ayaa ah sida la sheegay qoomiyada kaliya ee wali taageerada u haya hogaamiyihii hore ee dalka Libya colonel Qadaafi iyo xubnihii dawladiisa ee firxashada ku jira.

Masuul sare oo ka tirsan milatariga golaha ku-meel gaadhka ee dalka Libya ayaa markii ugu horaysay sheegay in ay hayaan xogo cad oo ay ku cadayn karaan halka uu rasmi ahaan ku sugan yahay ama ku dhuumanayo hoogamiyihii hore ee dalkaas. Waxa kale oo uu masuulkani ka waramay goobaha ay joogaan labada wiil ee dagaal yahanada ah ee uu dhalay Colonel Qadaafi, ee lagu kala magacaabo Sayful Islaam iyo Muctasim Al Qadaafi. Masuulkan oo muujiyay in ay dersayaan talaabadii ay ka qaadi lahaayeen Qadaafi iyo labadiisa wiil ayaa sidoo kale ka waramay halka dagaalada ka socda magaalooyinka Sirta iyo Bin waleed ay marayaan xiligan.

blankMasuulkan milatari oo lagu magacaabo Haashim Abu Xajar oo khadka telefoonka ugu waramay wakaalada wararka ee Reuters ayaa tilmaamay in Qadaafi ku dhuumanayo tuulo u dhow magaalada Qadaamis ee xadka galbeed ee dalkaasi la wadaago wadanka Aljeeriya, halkaas oo uu gabood ka helayo dadka Daariqiyiinta loo yaqaano oo iyagu wali taageero wayn u haya Mr. Qadaafi. Sidoo kale waxa uu masuulkani xusay in Sayful Islaam Qadaafi iyo Muctasim Al Qadaafi ay wali ku sugan yihiin magaalooyinka Sirta iyo Bin Waleed, oo dagaalo qadhaadhi ka socdaan, laakiin laga yaabo inay u baxsadaan dhinaca dalka Nayjar oo ay socdaan dedaalo looga diyaarinayo goobo ay ku nabad galaan ayuu yidhi masuulkaasi.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories