HomeQabyotirka, Jacaylkii Qabyoobay! Q.1aad

Qabyotirka, Jacaylkii Qabyoobay! Q.1aad

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

 

Xamda waa gabadh illaahay haybad u siiyay qurux, waa gabadh indhaha rabbi (SWT) ku manaystay aad la amakaagyso, midab maariin dhalaal xiga ayay u dhalaty, indhihii arkaana ayaan leh. Xamda markaas uun ayay gashay sanadkii u dambeeyay jaamacada, waa inan akhlaaq badan, kana suntan hablaha faceeda ah, jaamacada waxay gashaa wakhti fiid ah, oo aabeheed amaba walaalkeed ayaa jaamacada u sii qaada kana soo qaada. Xamda waxay ka dhalatay qoys xaga dhaqaale ahaan ladan, odayga dhalay ee aabaheed ahi waa ganacsade wayn oo caan ka ah magaaladaa ay daganyihiin, walaalkeedna sidoo kale waa barre wax ka dhiga jaamacada.

Kolay waa aduunyo, oo waa isbadbadal badantahaye, maalin maalmaha ka mid ah ayaa ay inantii xamdi jeclaatay in gaadhiga lagu aamino oo ay iyadu jaamacada u kaxaysato, aabaheed aad ayaa uu u jeclaa, waa uu ka ogolaaday, sidii ayay ku kaxaysatay gaadhigii, jaamacadi way ku nabad tagtay kuna soo nabad noqotay, waa uu ku farxay xamda aabaheed, waxa aanu u balan qaaday in uu u ogolaan doono maalinka ay jeclaato in ay gaadhiga ku aado jaamacada, kolay aadamaha sidiisaba waa u caado in uu jeclaado kolba waxa ku cusub.

Xamda labo maalmood markii ay ka soo wareegeen, waxa ay jeclaatay in ay gaadhiga iyadu kaxaysato maalinkaas, waanay kaxaysatay, nabadqab ayaa ay ku gaadhay jaamacadeedi, jaamacadu aad ayay uga fogayd gurigooda, soo laabadkii ay gurigooda ku soo laabanaysay, xamda waxa ay dareentay in aan shookaanta ama isteerinku sidii hore u shaqaynahaynin oo uu qalad jiro, kolay barad ayay ahayd oo ma ay garanahayn qaladka jira, lakin se waa ay dareentay, gaadhigii wadada ayaa ay ka saartay oo meel barkin (parking) ah ayaa ay ku duwday, waa ay kasoo dagtay gaadhiga, markiiba waxa ay isha qac ku siisay shaagii amaba taayirkii gaadhiga ee hore oo fadhiya naqaskiina sii wada daayay, madaxa ayaa ay qabsatay, waa cilad aad u wayn oo aanay hagaajin karin, badanaaba dumarku aqoon uma laha sida loo badalo taayirada.

Wiil wadada maraayay ayaa ku soo laabtay, soona abaaray halkii xamda gaadhigeedu yaalay. Waxa uu su’aalay maxa gaadhiga kaaga dhacay walaalshay, xamdina si degdag ah ayaa ay ugu jawaabtay. Walaal taayirka ayaa iga fadhiistay, wiilkii inta uu qoslay ayaa uu ku celiyay walaalshay gaadhiga ma kuu saaranyahay taayir dheeraad ahi, waxayna ku jawaabtay “isug walaal aan fiiriyee”, haa walaal wuu saaranyahay. Ayaa ay ku dartay, wiilkii waxa uu ku dhahay anaa kuu badalaaya taayirka hadaba, ee ka weeco, xamda mobileka ayaa ay ku mashquulsanayd, waxayna ku war heshay wiilkii oo ku leh, walaashay waan kuu dhameeyay, aad ayaa ay ugu farxday wiilkii, waa ay u mahadnaqday, waxa aanay damacday in ay xooga lacag ah oo shandada ugu jiray siiso wiilka, se waa uu ka diiday.

Markii ay gaadhigii istaadhay ee ay damacday in ay dhaqaaqdo, ayaa ay isha ku dhufatay wiilkii oo u sii lugaynaya dhankii ay usii socotay, waa ay ag istaajisay gaadhigii, waxayna ku dhahday, “walaal ma ku sii dhaweeyaa”, haa ayaa uu ugu jawaabay wiilkii, gaadhigii ayaa uu soo fuulay, kolay waa caadada guurdoonka’e wiilkii iyo xamda, haasaawe dheer ayaa dhexmaray, qosolka iyo kaftankuna waa uu sii dheer, wiilkii ayaa si kadis ah u dhahay, “ xamda ii jooji walaalshay”, xamdi gaadhigii ayaa ay joojisay, wiilkiina waa uu ka dagay, waa la is maca salameeyay, sidii labo qof oo muddo saaxiibo ahaa, lambaradiina waa la is dhaafsaday, iyaga oo faraxsana waa la kala tagay.

Xamda gurigii nabadqab ayaa ay ku gaadhay sidii caadada u ahayd, se caawa xamdi aad ayaa ay u faraxsantahay, kaftankeedu waa uu badanyahay, qosolkeeduna maaha mid kala joogsi leh, aabaheed ayaa ay u sheegtay wixii ku dhacay iyo in wiil wadada maraayay caawiyay, se intaa wax sii dheer maaha dhaqanka xamda in ay aabaheed la wadaagto, xamda markii ay qolkeedi aaday ee ay ku kaliyaysatay, waxa maankeeda ku soo noqnoqonayay sidii fiicnayd ee wiilku u caawiyay, kaftankii iyo haasaawihii kadambeeyay, xamda habeenkaa ma ay gam’in, jacayl aad u wayn ayaa ay u qaaday wiilkii, waxa ay go’aansatay in ay wacdo wiilka, hadana xishoodka dumar nimo ayaa dabray oo kuma ay dhiiran in ay wacdo, habeenkii sidii ayaa uu ku socday, iyada oo aan laba indhood isku keenin ayaa qoraxdii daaqada uga soo gashay, wax dareen ah ma siin, waxayba is waydiinaysaa, talaw qofka xiligan laydhka kugu shiday waa qofma?.

M/Q:Cabdiqani Iid Cilmi

Email:Cab_dir@hotmail.com

Ismlamabad,Pakistan

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories