HomeQABYAALADA NATIONAL COMPANY (QNC)

QABYAALADA NATIONAL COMPANY (QNC)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Waa shirkad ka hawl gasha gud ahaan wadanka JSL sida Gobolada, Degmooyinka, Tuulooyinka  iyo degaanada Xoolo-dhaqata iyo Beera-leyda, Sida ku cad  magaca shirkadda QABYAALADA, waxay shiraddu ka shaqaysaa adeegyo aad u balaadhan oo macaamiisheeda iyo dhamaan bulshada reer Somaliland ka haqabtirta ,baahiyaha  asaasiga u ah noloshooda,lagama maarmaankana u ah jiritaankooda,oo ay ka midyihiin, Dulmiga, Eexda, Sedbursiga, Dhiig- miiradka, Cunsuriyadda, kala-saraynta, Quudhsiga, Boobka, Dhaca, Sabool-nimada, Xadgudubka, Dilka,Laan -dheeranimada, Qabiil ku Faanka, Qoys dhowaysiga, Iiman-darada,Qoqobka, Beenta, Keligii-noolaanshaha, Tuugada, Munaafaqada, iyo Jahliga. Baahiyahan oo dhammantood tiir dhexaad u ah nolosha bulshada ku hadasha afka Somaliga, gaar ahaan ummadda reer Somaliland.

Haddaba shirkadda oo ka duulaysa adeegyada ay u fidiso,bulsho weynta Somaliland ee

ay sida hagar la,aanta ah ugu hawl yarayso  adeegyada  GUNNIMADA  iyo GUULDARADA iyo Siyaasada shirkadda oo ay ka mid tahay balaadhinta iyo fidinta jeermiska Qabyaaladda oo ah furaha maanka iyo garaadka shacab-weynaha reer Somaliland ,debedyaal iyo degel joogba. Waxay shirkada QABYAALADA NATIONAL COMPANY ,furaysaa xarumo iyo goobo cusub oo ay macaamiisheedu ka heli doonaan adeegyadii looga bartay.

Adeegyadan laf dhabarta u ah, Aafoyinka asal-guuriya ummaddaha iyagu doorta qaab nololeedkan , ayay Shirkaddan liisanka Qabyaalada nasiibka u heshay,ugu bushaaraynaysaa in xarumahan iyo goobahan hoos ku qoran la idiin soo kordhiyey.

1) Goobo caafimaad( Clinics and Hospitals) oo dadka lagu bakhti wareemo,

2) Goobo waxbarsho( Secondary Schools, Colleges and Universities) oo soo saara arday aan tayo lahayn.

3) Xarumo Ganacsi oo soo dejiya Tafariiqda,laguna gado  sicir-bararka,

4) Masaajido iyo Madarasado kala madhabo ah oo aflixiya, culimo mabda,ayo isu kooxaysta.

Dhammaan bulshada reer Somaliland ee sharafta leh, waxanu ogaysiinaynaa in Qabyaalada National Company(QNC) ay qaadanayso, Dhakhaatir beelaysan oo ka hawlgeli doona goobaha cusub ee caafimaadka oo la idiinka furi doono, Burao, Berbera, Boorame, Hargeisa, laascanood iyo Cerigaabo..

SHURUUDAHA LAGA RABO DHAKHAATIIRTA CUSUB

1)   Waa in uu REER HEBEL ahaado

2)   Waa in aanu haba yaraatee lahayn Liisan Dhakhtar

3)   Waa in aanu Damiir, Anshax iyo Dareen, Dhakhtarnimo lahayn,

4)   Waa in aanu qaabilin Hooyo umul arooraysa hadayna qadimin 20 doolar.

5)   Waa in qiimaha qofka iyo ka neefka kawaanka lagu qalayaa isugu midyihiin.

6)   Waa in Xirfada iyo aqoonta ugu saraysaa  noqotaa ,qorista Anti,biotikada

Qaaxada (TB) iyo kiniinka Malariyada  oo ah xanuunada loo badan yahay.

7)   Waa in uu xariif ku yahay, malo awaalka xanuunada, shegaana in looga shakisanyahay,( Malaria, Qaxo, Kaadi macaan, Dhiig kar, Bawasiir,Beer xanuun iwm) , si qofkasta  shaybaadhka shirkaddu u baadho oo dakhli dheri ahí ka soo galo.

8)   Waa in uu dawooyinka aan tayada lahayn ee shirkadda(QNC) si hagar la,aan ah ugu kilo misaa bukaan socodka, si shirkaddu si degdeg ah u kordhiso kawaanada lagu qali doono Xaamilooyinka iyo Xoolo dhaqatada Garanwaagu muddo.

Guntii iyo gebagebadii maamulka iyo hawl wadeenada shirkadda, Qabyaalada National Company(QNC), waxay ku boorinaysaa ,Dhakhaatiirta buuxisa shuruudaha kor ku qoran inay si dhakhso leh u soo xareeyaan codsigooda, inta ka horeysa 01092015,kuna soo hagaajiyan cinwaankan hoos ku qoran, adigoo sumad(code) uga dhigaya codsigaaga Qudh-goyn u Haliil Group of Doctors.

Cinwaanka: QABYALADA NATIONAL COMPANY(QNC)

Att: Dhagar ku macaash Group of Doctors

C/O Dr, Dhiig-dareershe, Dr.Bakhtiwareen,Dr Umulodoox, Dr, Maqas-soofayste, Dr.Maqade, Dr,Mala-awaal iyo Dr- Ma-dherge. Dhakhaatiirtan oo ah horyaalka mihnadleyda caafimaadka ee ugu caansan wadanka JSL,ahna Dhagar ku macaash Group of Doctors ayaa ka hawl gala shirkada QABYALADA NATIONAL COMPANY xarumaheeda kala duwan, waxanay gacmo furan ku soo dhowynayaan, Dhakhaatiirta cusub ee Qudh-goyn u Haliil Group of Doctors, si ay ugala qayb qaataan curyaaminta iyo hagardaamaynta,kaabayaasha caafimaad ee bahweynta GUNNIMO doonka reer Somaaliland.

La soco taxanaha ku xiga.

Qalinkii. Cabdi Nuux Warsame(Madoorsame)

Indepedent Researcher and Social Activist.

madoorsame@gmail.comphone: 063485084

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories