HomeQabiil iyo Qarannimo: Laba aan is Qaban Karin! (Qayb.5-aad)

Qabiil iyo Qarannimo: Laba aan is Qaban Karin! (Qayb.5-aad)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Eng Hussein Adan Egeh1.  HORDHAC:

Waxaan aaminsanahay in aasaaska iyo Jiritaanka Ummadnimo uu saldhig u yahay dareen-wadareed-shacab oo qoto dheer oo ku abuuran bulshada kaasoo ay guud ahaanba ka siman-yihiin, muwaadin walbana ku qasba inuu mudnaanta iyo muhimadda koowaadba siiyo Dalka, Dadka iyo Qarannimada.

Haddaba, haddii ay Hanka, Hiigsiga iyo Himilada bulshadu hoos u dhacaan, waxay horseedi karaan inuu lumo dareen-wadareedka waddaninimo. Waxa hiil hela oo kobca Qabyaaladda, Hunguriga iyo Dareenka dan-shaqsi ka fikirka. Halkii laga fikiri lahaa danta guud ee bulshada nolol-wadaagta ah iyo danta iyo maslaxadaha Qaranka, waxa mudnaanta iyo muhimadda koowaadba la siiyaa sidii uu qof ama qabiil wax u noqon lahaa. Waxa libdha ama baaba’a asaaskii iyo Jiritaanka Ummadnimo iyo  dareen-wadareedkii bulshada midayn lahaa rag iyo haweenba. Waxaa timaadda xaalad ay ummaddaasi isku guubaabin waydo wanaagga, horumarka, runta iyo caddaaladda; ay ka garaabi waydo xaqa iyo wixii gar ah; laga dhiidhiyi waayo xumaanta iyo xaq-darrada maalin-laha ah. Dabadeed waxa dhacda in Qofkii Qummanaa ee runta ku hadlayey uu bulshada dhexdeeda ku sifoobo Qaldane; qofkii Qaldanaa iyo Af-miishaarkana waxay bulshadu u aqoonsataa Qummane. Arrimahan oo dhammi waxay halis iyo hagar-daamoba ku yihiin minqiyaaska horumarka bulshada iyo dareenka wadajirka ee ummadnimo.

 

2.  Qarannimo yaan Qabyaalad lagu doorsan!

Hadaf iyo himilo kasta oo ay ummadi leedahay waxa lagu gaadhaa waa Midnimada iyo Wadajirka Bulshada. Taasi ayey danta guud ee bulshada iyo maslaxadda Qarankuba ku tamarin karaan. Midnimadu waa sida keliya ee lagu difaaco karaamada, jiritaanka iyo xaqa ay ummadi u leedahay inay noqdaan Qaran jira oo madax-bannaan oo laga tix-geliyo bulshada caalamka. Midnimadu waa xoog iyo awood adag oo aanu cadow kasta loodin karin. Haddii ay bulshadu mideeyaan maankooda, maskaxdooda, muruqooda iyo dareenkooda ummadnimo, waxa hubaal ah inay ka midho dhalin karaan hadaf iyo himilo kasta oo ay leeyihiin.

Xaaladda uu maanta dalkeenu taagan yahay, waxa ALLAH mahaddii ah in nabadda, xasiloonida, degenaanshaha iyo kala dambaynta ay shacabka JSL maanta ku naaloonayaan ayna wax deyn ah ku joogin, dalkeenuna aanu-u-rahmanayn; balse ay tahay mid ku timid kartida iyo isku kalsoonida shacabka JSL . Waxa ALLAH mahaddii ah in Dawladnimada iyo Dimuqraadiyadda aynu qaadannay ay tahay mid daaraddeena ka baxday oo aanay inagu ahayn ergise iyo mid degel-shisheeye la innooga soo waariday!! Waxa ALLAH mahaddii ah in koboca dhaqaale iyo horumarka bulsho ee ay JSL muddada 23-ka sano ah dhisayeen; aanu haba yaraatee ahayn mid ku yimid qaadhaan iyo gacan-hoorsi shisheeye ama mid ay beesha caalamku innoogu yaboohday.

Dhinaca kale, waqtigan xaadirka ah waxa muuqata in horumar kasta oo uu Qaranku ku tallaabsado ay daboolayaan ama ay qarinayaan tabashooyin beelaysan oo salka ku haya inaanay beesha reer-hebel ka helin xukuumadda sadkii iyo saamigii ay filayeen. Miyaanay nasiib darro inteeda le’eg ahayn marka daryeelka danaha gaarka ah ee shaqsigu leeyahay ama dano salka ku haya Qabiil laga horraysiiyo dananaha guud ee Ummadda iyo halka ay maslaxadda Qaranku ku jirto!

Waxa wax aad looga xumaado ah hab-dhaqanka qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Indheer-garadka u dhashay JSL, kuwaasoo aad mooddo inay beryahan dambe wax kasta oo Qaranka JSL lagu waxyeelaynayo ay iyagu safka hore kaga jiraan. Siyaasiyiinta iyo Wax-garadka u dhashay JSL ee iyagu wax saluugayaa; waxa quman inay noqdaan kuwo garan kara culayska uu leeyahay xilka ay bulshada u hayaan, isla markaana waa inay qiyaasi karaan saamaynta ay hadalladoodu ku yeelan karaan bulshada dhexdeeda. Hadallada xanafta leh ee xaqiiqada ka fog ee ka soo yeedhaya Siyaasiyiinta iyo wax-garadka qaarkood, waa kuwo aan ku habboonayn xaaladda iyo khataraha colaadeed ee dalkeena ku gadaaman, isla markaana aan sinaba ugu adeeagayn danta iyo himilada guud ee Qaranka iyo dadka JSL.

Dabcan, ujeedadaydu maaha yaan waxba la dhalliilin. Bulshadu xaq bay u leedahay inay la xisaabtamaan Xukuumadda hadda talada haysa, waana lagu dhalliili karaa wixii ka qalloocda ama Xukuumaddu ay ku qaldan tahay. Laakiin waa in laga fogaado wax kasta oo magac-xumo, sumcad-darro iyo meel ka dhac ku ah milgaha Ummadda JSL ama wax u dhimaya wadajirka bulshada iyo haybadda Qaranka. Ma qumana in wax walba laga raadiyo fursad siyaasadeed oo xukuumadda hadda talada haysa lagu dhaleeceeyo ama lagaga aar-goosto.

Guntii iyo gaba-gabadii, Shacbiga Xalaasha ah eeJSL waxaan u soo jeedi lahaa talooyinkan soo socda: 

  • Shacbiga xalaasha ah ee JSL waa inay si dhab ah u fahmaan in Cadowga Koowaad ee ay leeyihiin uu yahay Qabiilka iyo ku dhaqanka Qabyaaladda, kaasoo Carqalad weyn ku ah dareen-wadareedka-waddaninimo ee ina mideeya, isla markaana uu inaga hortaagan yahay inaynu mudnaanta iyo ahmiyadda koowaadba siino midnimada bulshada iyo ahaanshaha Ummadnimadeena.
  • Shacbiga JSL Waxa waajib ku ah inay runta iyo xaqa u hiiliyaan oo ay ka gudbaan u habrashada qabiilka; kaasoo dabar iyo hoggaan adag ugu xidhay qof ama koox fidmo-wadayaal ah oo hayb-qabiil lagu taageerayo, kuwaasoo haba yaraatee aan dantooda wadin inay iyagu shacbiga ku danaystaan mooyaane.
  • Shacbiga JSL ha ka digtoonaadaan inaan qabyaalad, caadifad, qof-jeclaysi iyo qof-nacayb midnaba la taageerin; oo aan humaag beena iyo ciyaar-ciyaar laga dhigan nabadda iyo horumarka aynu ku naaloonayno. Shacbigu ha iska jiraan in qof ama koox ay meeli u caddahay ay dalka ka dhigtaan sahay.
  • Shacbiga xalaasha ah ee JSL waa in aanay marnaba ka gabban toosinta iyo taakulaynta wixii Xukuumadda ka qalloocda ama ay ku qaldan tahay. Sidoo kale waxaa loo baahanyahay in Xukuumadda lagu taageero wixii wanaag iyo horumar ah ee ay ummadda u soo kordhiso iyo dedaalka ay ugu jirto ka rumaynta himilada ay ummaddeenu leedahay.

La soco qaybta 6-aad ee: Qabiil iyo Qarannimo: Laba aan is Qaban Karin!

 

Wa Billaahi Tawfiiq

 

ALLAA Mahad iyo Mudnaanba Leh,

 

W/Q: | Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| Hargeysa, Jam. Somaliland |

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories