HomeQabiil iyo Qarannimo: Laba aan is Qaban Karin! (Qayb.3-aad)

Qabiil iyo Qarannimo: Laba aan is Qaban Karin! (Qayb.3-aad)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Eng Hussein Adan Egeh1.     Hordhac

Qaybtii 2-aad ee maqaalkan waxaan kaga hadlay:

In Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisaba uu waqti aad u badani kaga lumo qaabilaadda iyo la hadalka dadka sida xad-dhaafka ah u buux-dhaafiya qolalka fadhiga ee xafiisyada masuuliyiinta Qaranka, dadkaasoo aan badankoodu u soconin ujeeddo cad ama daruuri ah. M/weynaha iyo madaxda kale ee qaranka waxa hawlihii ay ummadda u qaban lahaayen ka mashquuliyey xal-u-helidda iyo ka jawaabida tabashooyin beelaysan iyo dano gaar ah oo uu qof leeyahay oo xukuumadda loola tagayo. Arrintaasoo saamayn wayn ku leh hab-sami-u-socodka hawl-maalmeedka Madaxweynaha iyo Golihiisa Wasiirrada; ha noqoto maskax ahaan, waqti ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Madaxweynaha iyo madaxda kale ee qaranka  waxay hab-dhaqanka noocan ah kala kulmaan daal badan, wareer, madax-xanuun, niyad jab iyo iyaga oo waqti u waaya xil-gudashada hawlihii Qaranka ee loo igmaday.

Waxa kale oo aan qaybtii 2-aad ee maqaalkan kaga hadlay:

Inaan badanaaba Xukuumadda lagala hadal dan-guud iyo taba-shooyin khuseeya adeegyada asaasiga ah ee ay bulshadu xaqa u leedahay (sida: Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Jidadka, iwm). Xukuumadda lagalama hadlo dan Degaan, mid Tuulo, mid Degmo iyo tu Gobol midnaba. Waa ma dhacdo inaad aragto Madaxweynaha Qaranka oo loola tagayo talo nasteexa oo ku wajahan wixii u adeegaya danaha ummadda iyo maslaxadda Qaranka. Way adagtahay inaad aragto M/weynaha oo loo gudbinayo talo-bixin suuban oo khusaysa toosinta dhalliilaha ka muuqda maamulkiisa. Cabasho kasta oo Xukuumadda loo soo jeediyaa waxay salka ku haysaa dareen reernimo, waxaanad in badan maqlaysaa tabashooyin beelaysanoo M/weynaha loola tagayo oo lagu leeyahay: “M/weyne, haddaanu nahay beesha reer-hebel, Xukuumaddaada waanu ka qatanahay oo kamaanu helin sadkii iyo saamigii aanu xaqa ugu lahayn. Ma lihin Wasiir, W/k/Xigeen iyo Agaasime midnaba.”

Sidoo kale waxaad maqlaysaatar-sheegasho qayaxanoo Madaxweynaha loola tagayo oo lagu leeyahay:  M/weyne, ma miisaanka uu reerku leeyahay ayaanad dareensanayn? Ma waxtarkayaga ayaan kuu cuntamin? Ma ogtahayse inaanu nahay reerkii aan Xisbigaaga u kala hadhin ee dhammaan u codeeyey ee inta Allah ka sokaysa, suurto geliyey inaad maanta kursigaa ku fadhiisato!”

Qabiil iyo Qarannimo: Laba aan is Qaban Karin! (Qayb.3-aad)

Ummadda JSL waxay marxalado iyo duruufo aad u adag u soo mareen si ay u xaqiijiyaan jiritaanka Jam. Somaliland ee maanta taagan, taasoo guusheedii, gobannimadeedii, dawladnimadeedii iyo dheeftiisiiba maanta la wada hadhsanayo. Dhinaca kale, Ummadda Karaamada leh ee Jam. Somaliland waxay maraxalado adag iyo waaye aad u qallafsanba kaga soo gudbeen waa nabad jacaylka, wada tashiga, isku-tanaasulka, is-qadarinta, danta guud ee ummadda oo loo tudho iyo cadowga JSL oo meel looga soo wada jeesto. Waa dhaqan suuban iyo tilmaamo togan oo Ummada JSL ay leeyihiin, taasoo ay kaga tilmaaman yihiin ummadaha kale ee Gobolka geeska Afrika ku nool.

Waxaan aaminsanahay in Dareenka Waddaninimo iyo Dal-jacaylku aanay ahayn wax la barto ama la iska dhigi karo, balse ay yihiin dareen iyo rabitaan qoto dheer oo qofka muwaadinka ah ku abuuran, kaasoo muwaadin walba (rag iyo haweenba) si joogto ah ugu baraar-rujiya  in wax walba laga hor mariyo Qarannimada iyo jiritaanka Dalka iyo Dadka.

Qabyaaladda iyo Qarannimadu waa laba wax oo aan is-qaban karin, sidoo kale Qabyaaladda iyo Hannaanka Dimuqraadiyaddu waa isku dab iyo dhagax. Bal iyadba waa cibaaree, waxa nasiib darro inteeda leeg ah in bulshadeenna uu aad uguyar yahayDareen-Wadareedka Waddaninnimo oo ah sida keliya eeQaran lagu dhiso, halka uuMaan-dooriyaha Qabyaaladda  iyo Dareen-Wadareedka Qabiilkuna uu bulshadeenna aad ugu xoog badan yahay, kaasoo ahcadowga koowaad ee Qarannimada.

Qaybtan 3-aad ee maqaalka waxaan isku dayi doonaa inaan jawaab u helo labada su’aalood ee soo socda:

Maxaa bulshadeena ugu wacan in Danta iyo Dareenka Qabiilku ay ka xoog bataanDareen-Wadareedka Ummadnimo?

Maxaa bulshadeena ugu wacan inay mar walba isku mashquuliyaan ama ay ka shaqeeyaandan gaar ah oo ah inuu qof wax-noqodo, halkii ay ka shaqayn lahaayeen wixii bulshadada oo dhan u dan ah?

Waxay aniga ila tahay in qabyaaladda, qof-jeclaysiga iyo qof-necbaysiga ay bulshadeenu caadaysatay ay inoogu wacan yihiin hab-dhaqanka noocan ah. Qabyaaladda ayaa ah Min-qiyaaska iyo Halbeegga jiheeya qaabka fikirka siyaasiga ah ee bulshadaJSL ee waqtigan xaadirka ah. Qabiilka iyo ku dhaqanka Qabyaaladda ayaad moodaa inay inaga indho-tireen mudnaantii iyo ahmiyaddii ay lahayd dareenka wadajirka bulshada iyo ahaanshaha Ummadnimo, taasoo aad mooddo in xataa Caqiidatul-Islaamkaba uu Qabiilku inalaga culus yahay. Haddaba sida muuqata, Ummadda JSL waa bulsho doonaysa inay saddex hab oo aan is-qaban karin (Qabiil, Qarannimo iyo Hannaanka Dimuqraadiyadda) ay hal mar  wada adeegsato!! Waa ma dhacdo in saddexdan hab mar la wada adeegsado, sidaana laguma xaqiijin karo hadafka iyo hiigsiga ay ummaddu leedahay. Waxa hubaal ah, itaalkuu doono Qaranku ha lahaadee, inay mar walba jiri doonto jaah-wareer iyo kala-qaybsanaan bulsho oo joogto ah.

ALLAH ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”  mar uu ka hadlayey xumaanta, dhibta iyo mashaakilka ay QABYAALADDU leedahay, maansadisii “Dugsi Ma Leh Qabyaaladi” wuxuu ku yidhi sidan:

Dugsi ma leh qabyaaladi;

Waa dararta baahida;

Waa astaanta di-u-dhaca;

Waa boog dalooshoo

Dadka maanka kaga taal.

Dirxi qudhun ku nool iyo

Waxa fadha nin daalin ah;

Damqa oo ku joogsada.

 

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”(AHUN),maansadiisii ERGO waxa uu ku yidhi:

“UF” qabiilka anaa leh;

Wuxuun baa ku adeegta

Nin iskii kartidiisa,

Isagoon cid ku tiirsan

Isu taagi karaynin;

Una haysta ateero

Ayaantuu dambi geysto

Laga hoos galo eedda!

 

La soco qaybta4-aad ee:Qabiil iyo Qarannimo: Laba aan is Qaban Karin!

 

Wa Billaahi Tawfiiq; ALLAA Mahad iyo Mudnaanba Leh,

 

W/Q: | Eng.  Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| Hargeysa, Jam. Somaliland |

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories