HomeQaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Borma Oo Si Adag U...

Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Borma Oo Si Adag U Beeniyey In Ay Lacag Boobeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Borama(SLPOST) Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Boorama oo maanta shir-jaraa’id qabtay ayaa waxa ay been abuur iyo buun-buunin ku tilmaameen dhacdadii u dambaysay ee ka dhacday D/Hoose ee Boorama oo saxaafada haysatay dhawrkii maalmood ee u dambeeyay,

xil

waxana ay sheegeen in Wasaarada Arrimaha Gudaha looga baahan yahay in 24 saac gudahood ay u soo faragaliso golaha deegaanka ee Degmada Boorama.

Xildhibaan Siciid Muuse Xoosh oo ugu horayn ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu yidhi “Waxa aan sheegaynaa inaan aad uga xunahay sida loo buun-buuniyay arrintii u dambaysay ee ka dhacday gudaha D/Hoose ee Boorama, waxa aan sheegaynaa in arrintaasi ay tahay mid la marin habaabiyay oo shirqool ah oo ay soo abaabuleen dad masuuliyiin ah oo masuulka degmada u sareeya uu kow ka yahay, wax caqliga gali kara ma aha wax aan u fadhinayna ma aha.”

“Waxaan leenahay cida ay khusayso ee ka masuulka ah ha soo faro galiso, waa gaf iyo meel ka dhac in Golahii ay dadku soo doorteen lagu sheego Tuug iyo dad wax boobayay, dakhliga D/Hoosana waxa ka masuul ah gudida fulinta ee D/Hoose, wax saxeex ku baxa mooyee wax kale oo si kale ku baxaana ma ogolin.

Sanadkii 199kii ayaanay Boorama ka dhicin wax boob ahi, waana nasiib daro iyo guuldaro dhaawa ku ah degmada oo uu u keenay masuulkii u sareeyay Dagmadu, waxa aan ahaa goobjoog, xildhibaanada lagu eedeeyay arintanina waxa ay ka yihiin BERI, xildhibaanka baabuurka dhigay albaabka D/Hoosana waxa uu ahaa xidhibaan xaqdaro lagu sameeyay, oo loo diiday in uu galo xeradii uu xaqa u lahaa ee D/Hoose mana jirin sharci aan ka soo saarnay oo aan ognahay oo aan nidhi yaanan lagalin xereda, hadalka ka soo yeedhay ninka qasnajiga ahina waa mid gaf ah oo aakhiro loo soo taagi doono, cida ka masuulka ah iyo hayadaha baadhitaankana waxaan leenahay ha gutaan waajibkooda, Wasaarada Arimaha Gudahana waxanaan leenahay sharciga iyo xeerka uu soo saaray baarmanaanku ha shaqooyo,”ayuu yidhi Xildhibaan Xoosh.

Xildhibaan Cabdiwahaab Bashiir Sh. Cumar oo hadalka ka daba qaatay ayaa isaguna tilmaamay “Waxa aan rabnaa inaan bulshada ka tacsiyayno hadalada foosha xun ee saxaafada la marinayo, waana hadalo deel qaaf ah oo fool xun oo gaf ah, waxana aan sheegaynaa inaanu jirin xildhibaan boob isku dayay oo ay tahay mu’aamaraad uu isku dayay masuulka ugu sareeya degmadu, waa arin gaf ah oo aan la isaga hadhayn in saxaafada la iska fadeexdeeyo, waxana aan ka dhaqaaqi doonaa hadii aan nahay golaha arintaasi wax ka qabashadeeda, hadii ay tahay shaqaale iyo hadii ay tahay maamulka degmadaba waxaan sheegaynaa in la isaga daba tagayo oo aanay beeli soconaynin, dadwaynaha hadii ay naga waayeen wixii ay naga filayeen oo ay mar walba naga arkayaan wax xun waxaan leenahay waa wax xun oo uu masuuliyadeeda leeyahay masuulkii noogu sareeyay, waxana aan leeyahay madaxda dawlada waxa loo baahan yahay in 24 saac gudahoos ay ku soo gaadhaan degmada, waxana aan si wayn ugu canaanaynaa waxa ka socda degmada wasiirka arimaha gudaha.”

Xildhibaan Maxamed Aadan Muumin Kacab oo ka hadlay shirkaasi ayaa waxa uu yidhi “Waxaan ka tacsiyaynayaa bulshada hadalkii ka soo yeedhay gudoomiyahayaga ee uu ku sheegay inay xildhibaanadu boobayeen qasnada D/Hoose, sharaftanu waxa ay tahay mid uu Eebe bixiyo ee aanay ahayn mid ay aadamuhu bixiyaan, hadafka ugu way nee uu gudoomiyuhu ka leeyahay hadalkaasi gafka ahaana waxa uu yahay inuu ceeb uu isagu leeyahay uu marmariyo xildhibaanda kale oo Beri ka ah waxa la sheegayo.

Xildhibaanada cadhooday ee albaabka dhigay baabuurka arintoodii oo taagan ayaa waxa laga dhigay mid fadeexad ah oo ay xildhibaanadu boobayeen qasnada D/Hoose, xildhibaanada bulsho ayaa soo dooratay oo sharaf iyo karaamoayay leeyihiin, in la fadeexadeeyana waa ayaan darro.

waxaaan leeyahay Wasaarada Arimaha Gudaha waa in aad arintan soo faragalisaan sida ugu dhaqso badan, waa masuuliyadeedii, iyada ayaana hawshan masuuliyadeeda leh, shaqaalaha D/hoosana waa shaqaale oo waa la qasbay, saxaafadana dhinicii loo adeegsaday ayay u shaqaysay oo hadalkii la yidhi ayay qaateen, sharciga ayaanan la tiigsanaynaa cidii masuul ah ee gafka gaysatay waxana laga rabaa inay cadaynteedii la yimaadaan.”

 Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories