HomeQaar Ka Mid Ah Ganacsatada Oo Si Dayacaad Ah Duleedka Hargeysa Ugu...

Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Oo Si Dayacaad Ah Duleedka Hargeysa Ugu Daadiyay Sharaab Wakhtigiisii Dhacay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Qaar ka mid ah ganacsatada Somaliland ee dibadda ka soo dejisa sharaabka la cabo ee qasacadaysan ayaa duleedka bari ee magaalada Hargeysa ku daadiyay sharaab wakhtigiisu dhacay oo aad u tiro badan.

12769363_1000918706646432_1419422659_n (1)Ganacsatadan ayaa sharaabka ku daadiyay duleedka xabaalaha Naasahablood, iyagoo si dayacan u daadiyay sharaabkaas oo kartoomo ku xidhan, waxaana ku qamaamay carruur tiro badan oo aan fahansanayn dhibaatada uu leeyahay sharaabka wakhtigiisu dhacay oo la cabaa.

Sharaabka oo u badnaa Maango iyo Tufaax, ayaa ay ganacsatadani muddo dheer ku hayeen bakhaaradooda, waxaanay toddobaadkan ku daadiyeen goobahaas oo ay lug ku gaadhi karaan carruur yar yar, kuwaas oo shalay la arkayay iyagoo isu tilmaamaya oo ay kolba kooxi ka soo guranayso deegaanadaas.

Dad badan oo soo arkay sharaabkaas ay ganacsatadu sida xilkas la’aanta ah u daadiyeen, ayaa la yaabay axmaqnimada ganacsatada Somaliland.

Sharciyan, waxyaabaha dhaca ee quutal daruuriga ah, waa inaan lagu qubin deegaan ay dadku gaadhayaan balse la gubaa si aanay u isticmaalin oo aanay dabadeed ugu waxyeeloobin dad kala duwani.

12782259_1000918373313132_258156537_n

Geesta kale, ganacsatadan ayaa lala yaabanyahay sababta ay intii aanu sharaabku dhicin ugu qaybin waayeen dadka reer Somaliland ee ay abaaruhu ku habsadeen, kuwaas oo aad ugu baahan caawimo quutal daruuriga ah.

Ganacsatada reer Somaliland ee soo dejiya quutal daruuriga iyo daawooyinka qaarkood ayaa muddooyinkan dambe waxa ay bulshadu iska weydiinaysaa su’aalo ku saabsan tayada waxyaabaha ay wadanka keenaan, waxaana dhawaan saxaafadda lagu soo bandhigay daawo lagu iibinayo suuqyada oo lagu qoray inay soo baxday sannadka 2016, iyadoo markaas lagu jiray badhtamihii 2015.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories