HomeQaar ka mid ah Ardayda Dugsiyada Sare ee Hargeysa oo Cabasho macalimiin...

Qaar ka mid ah Ardayda Dugsiyada Sare ee Hargeysa oo Cabasho macalimiin la’aan ah la hortagay Wasaaradda Waxbarashada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa,  (SLpost)- Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare, Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa ku guulaysatay dejinta Ardayda wax ka dhigata Dugsiga Sarre ee Gandi oo ka mid dugsiyada caasimadda, kuwaas oo shalay wasaarada ka hor sameeyay mudaharaad cabasho ah oo la xidhiidha dugsigooda.

blankArdaydan oo ay ka muuqatay isku xidhnaan iyo abaabu heerkiisu sareeyo ayaa si nabad galyo ah xarunta wasaarada uga hor sameeyay cabasho, la xidhiidha Macalimiin yaraan iyo agabka waxbarashada oo uu dugsigoodu ku liito. Ardaydan ayaa markii wasaarada horteeda ay isugu soo urureen uu wasiir ku-xigeenka wasaaradaas Cali Xaamud Jibriil isku dayay inuu la hadlo, hasa yeeshee waxa ay si cad ugu gacan saydheen, Wasiir ku xigeenka waxaanay ka codsadeen in wasiirka oo kaliya ay cabashadooda gaadhsiinayaan, loona ogolaado inay wasiirka la kulmaan.

Wasiirka wasaarada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo qadar yar ka dib u soo baxday ayaa hab degan ku qaabishay, waxaanay si hufan uga dhagaysatay cabashadooda, oo xubno ka tirsan ardaydu halkaa ka sheegen.

Markii wada hadalkii dhamaaday ka dib ayay wasiirku ku wargalisay ardayda in ay dugsigii u raacayso oo ay indhaheeda kula soo arkayso. Ka dibna waxa loo baqoolay dugsiga Gaandhi halkaas oo indho indhayn ka dib ay Wasiirka waxbarasahada iyo Tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan ay ka marag furtay inta badan baahiyihii ay ka cabanayeen ardaydaasi oo dugsigaas ka jirta, waxaanay u balan qaaday in si deg deg ah ay wax uga qaban doonto. Guud ahaana is xog waraysigii wasiirka iyo ardaydaa cabanaysay waxa uu ku dhamaaday jawi is af-garad ka muuqdo.

Ardayda dugsiga sare ee Gandhi ayaa si wayn uga cawday, macalimiin yaraan xoog leh oo ka jirta dugsigooda, waxaanay qaar ka mid ah ardaydaasi warbaahinta u sheegeen in mararka qaarkood ay ku kalifto in xiisadaha qaarkood ay waayaan, halka wakhtiyada qaarkoodna xalku noqdo in fasalo loo dhigo, kuwo kalana fasax aan caadi ahayn galaan. Sidoo kale waxa ay sheegeen in cabashadoodu la xidhiidhi baahidooda oo kaliya, wax rabshad iyo dhibaato ahna aanay samaynayn, maadaama oo ay lug kaga yimaadeen sida ay sheegeen dugsigooda oo xarunta wasaarada u jira in ka badan toban kilo miter.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories