HomeQaadlayaasha Cashuur-diidka ah oo Askar ku dhaawacay Kaantaroolka Degmada Caynaba

Qaadlayaasha Cashuur-diidka ah oo Askar ku dhaawacay Kaantaroolka Degmada Caynaba

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Caynaba (SLpost)- Afar ka mid ah ciidamada Booliska Degmada Caynaba ee gobolka Saraar, ayaa ku dhaawacmay rasaas kaga timi gaadiidka jaadka Qaada oo muddooyinkii u dambeeyey si qarsoodi ah dalka uga soo galinayey meelo ka mid ah xuduudda dalka, ka dib markii Wasaaradda Maaliyaddu ku Kordhisay Cashuuraha laga qaado.

BAABUURKA JAADKAGanacsatada Jaadka ka soo waarida dhinaca dalka Itoobiya oo qaarkood ka biyo-diideen cashuur xukuumaddu ku kordhisay, ayaa maalmihii u dambeeyey sifo sharci-darro ah u marayey inay dalka ku soo geliyaan Jaadka iyaga ka baydhaya jidadka ay markii hore sida rasmi ah u soo mari jireen, cashuurtana lagaga qaadi jiray, waxaanay saddexdii todobaad ee u dambeeyey u wareegeen Kastamka Degmada Balli-gubadle oo ay sifo-sharci iyo mid aan sharci ahaynba uga soo galaan dalka, halka ay dhinaca kale, Gaadiidka qaadka ee gobollada Bari ee dalku maraan magaalada Caynaba oo Kastamka ugu weyn ee Cashuuraha wasaaradda Maaliyaddu ka hawl-galo.

Afartan Askari ee ku dhaawacmay magaalada Caynaba, ayaa ka dambeeyey ka dib markii Gaadhi ka mid ah Gaadiidka Jaadka ee Lagu cashuuro kastamka magaaladaasi, uu si xoog ah ku jiidhay kaantaroolka magaaladaas, ka dibna ay rasaas ku fureen askartii ku sugnayd Kaantaroolkaas oo ku yaala dhinaca Woqooyi-galbeed ee magaalada.

Wararka aanu ka helayno magaalada Caynaba, ayaa sheegay in sidoo kale falkan uu ku dhaawacmay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Kastamka Caynaba oo dhaawacani ku yimi ka dib markii uu isku dayay inuu baabuurkiisa ku baacsado gaadhiga Jaadlaha ee Afarta Askari dhaawaca u geystay, haseyeeshee markii uu muddo eryanayey, ayaa gaadhigii uu watay la qalibmay.

Shirkadaha Qaadka soo waarida ayaa ka biyo-diiday cashuur-kordhin aan badneyn oo Wasaaradda maaliyaddu ku soo rogtay, waxaanay maalmihii u dambeeyey si kontarabaan ah uga soo geliyeen meelaha Xuduudda ku yaala ee Degmada Balligubadle ka mid tahay, iyaga oo ka baydhaya Kastamka Kala-baydh oo lagu cashuuri jiray.

Shirka jaadka ee Ina Af-diinle oo ka mid ah Shirkadaha cashuur-kordhintan ka biyo-diiday, ayaa intii ka dambaysay go’aanka wasaaradda Maaliyadda, waxa ay Qaadkooda ka soo gelinayeen magaalo-xuduudeedda Balli-gubadle oo Kastam Cashuureed ku yaalo.

Ganacsiga Jaadka oo Somaliland uga yimaadda dhinaca Ethiopia oo qayb ka ah ilaha dhaqaalaheeda, isla markaana dakhli-cashuureed ka soo galo dawladda, tiro shacab ahina nolol-maalmeedkooda kala soo baxaan, ayaa sannadkii malaayiin Dollar dalka dibadda uga saara, iyada oo aanay jirin badeecado kuwa  gudihiisa ka soo baxa oo loo dhoofiyo Ethiopia si miishaanka dhaqaalaha dalka dibadda uga baxaa isu dheelli-tiro.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories