HomeQaadhaan-bixiyeyaasha taageera Nidaamka Dimuqraadiyadda Somaliland oo Shuruudo ku xidhay Bixinta Dhaqaalaha ay...

Qaadhaan-bixiyeyaasha taageera Nidaamka Dimuqraadiyadda Somaliland oo Shuruudo ku xidhay Bixinta Dhaqaalaha ay ku bixinayaan Doorashooyinka 2015-ka oo ay diyaareen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa caddeeyey in kulamo ay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula yeesheen qaadhan-bixiyeyaasha caalamka lagu wargeliyey in faahfaahinta taageeradooda doorashooyinka Somaliland ku xidhan yihiin laba shuruudood oo kala ah ansixinta xubnaha Komishanka Doorashooyinka cusub iyo xeerka diiwaangelinta iyo codbixiyeyaasha oo khilaaf ka taagan yahay meel-marintiisa.

Waddani, Kulmiye, UCIDSaddexda guddoomiye xisbi qaran Muuse Biixi Cabdi, Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo saxaafadda kula hadlay magaalada Nairobi shalay, waxa ay sheegeen in qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera hawlaha dimoqraadiyadayntu diyaariyeen dhaqaalaha ku baxaya qabsoomidda doorashooyinka sannadka 2015, balse shuruud ku xidheen caawimadooda.

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in qadhaan-bixiyayaashu aanay faahfaahin dheeraad ah ka siin habka caawimadoodu noqonayso, isagoo caddeeyey inay arrintaas ku xidheen ansixinta Guddida Doorashooyinka iyo Xeerka Diiwaangelinta iyo codbixiyeyaasha Somaliland.

HALKAN KA DAAWO

Sida saddexda guddoomiye xisbi tilmaameen, qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka ayaa faahfaahinta taageeradooda hawlaha doorashooyinka ku xidhay laba shardi oo kala ah; ansixinta xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka oo la filayo in Golaha Wakiillada la horgeeyo toddobaadka soo socda iyo ansixinta qabyo-qoraalka Xeerka Diwaangelinta Madaniga ah iyo Codbixiyeyaasha, kaasoo mudanayaasha Wakiilladu ansixiyeen 30 September 2014, balse khilaaf xooggan ka dhashay nuqulka xeerkaas oo loo gudbiyey Golaha Guurtida oo sida sharcigu waajibiyey loo gudbiyo xeerarka aan arrimaha maaliyadda khusayn, haseyeeshee Golaha Guurtida ayaa dib ugu soo celiyey Wakiillada Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, kadib markii farqi iyo kala-duwanaansho ka soo baxeen Xeerka Golaha Wakiilladu Ansixiyey iyo Nuqulka loo gudbiyey Guurtida, Sida uu todobaadkii hore sheegay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo qoraal wax-ka-beddel iyo Sixitaan lagu sameeyo Xeerkaas kaga codsaday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo waraaqdaasi uu ku socodsiiyey.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories