HomeQaadashada Kaadhadka Codbixinta oo ka bilaabmay Gobollada Togdheer, Maroodijeex iyo Awdal

Qaadashada Kaadhadka Codbixinta oo ka bilaabmay Gobollada Togdheer, Maroodijeex iyo Awdal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysas (SLpost)- Hawsha Kaadh-Bixinta Codbixiyeyaasha ayaa maanta si rasmi uga bilaabantay saddexda Gobol ee Togdheer, Maroodijeex iyo Awdal oo ay muddo saddex maalmood ah ka socon doonto.

Magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Boorama ayaa maanta lagu daa-furay hawsha kaadh-qaybinta Codbixiyeyaasha hore isu-diiwaangeliyey, waxaana loo qabtay munaasibado ay ka qayb-galeen masuuliyiinta guddiga Doorashooyinka Qaranka, madaxda Xisbiyada iyo Masuuliyiinta Xukuumadda ka tirsan.

Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer waxa si rasmi ah uga daah-furay hawsha bixinta kaadhadhka cod-bixinta Maxamuud Daahir oo ka tirsan Guddiga Doorashooyinka iyo Gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka ee Gobolka Togdheer Farxaan Cilmi.

Gudoomiyaha komishanka doorashooyinka ee Gobolka Togdheer Farxaan Cilmi oo faahfaahiyey qaabka ay kaadh-qaadashadu saaka u bilaabantay, ayaa sheegay in hawsha kaadh-qaybinta si habsami ah uga bilaabantay 207 goobood oo ka tirsan deegaamada gobolka Togdheer. Waxa uu bulshada gobolka ugu baaqay inay ka faa’idaystay fursadda loo siiyey qaadashada kaadhadhka codbixinta oo muddo saddex maalmood ah ka socon doonta gobolka.

Sidoo kale, deegaanada hoos yimadda Gobolka Maroodijeex, ayay hawsha kaadh-qaybintu ka bilaaban tahay maanta. Degmooyinka Hargeysa, Gabiley, Sallaxley iyo Balligubadle iyo guud ahaan deegaannada hoos yimadda oo hawsha kaadh-bixintu ka bilaabantay, waxa goobaha kaadh-qaybtu ka socoto kormeeray masuuliyiin ka tirsan Guddiga Doorashooyinka, Xisbiyada iyo Maamullada Degmooyinka.

Dhanka kale, gobolka Awdal oo isagana kaadh-bixintu saaka ka bilaabantay, waxa munaasibad lagu shaaciyey bilowga kaadh-qaybinta ka qayb-galay Gudoomiye ku-xigeenka komishanka doorashooyinka qaranka Mustafe Daahir Dhawal bulshada ku nool gobolka Awdal u soo jeediyay inay ka faa’iidaystaan fursadaas qaadashada kaadhadhka codbixinta, waxaanuu xusay marka ay dhamaadaan saddexda maalmood ee bixinta kaadhadhku ay jiri doonaan goobo gaar ah oo lagu soo reebi doono kooxo ka sii shaqayn doona bixinta kaadhadhkaas.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADANI oo goobtaas ka hadlay ayaa dadwaynaha u soo jeediyay inay qaataan kaadhadhkooda codbixinta.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga, wershadaha iyo dal-xiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin iyo wasiirka beeraha Axmed Muumin Seed ayaa guud ahaan dadweynaha ku nool gobolkaas u soo jeediyay in ay qaatan kaadhadhka si ay u soo doortaan xildhibaanada goleyaasha wakiilada iyo degaanka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories