HomeQaadaafi Waxa Uu Putin Ka Codsaday In Inantiisa Uu U Guuriyo Wiilkiisii...

Qaadaafi Waxa Uu Putin Ka Codsaday In Inantiisa Uu U Guuriyo Wiilkiisii Sayful-Islaam. Jawaabtii Putin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Moscow (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Liibiya Mucammar Al-Qaddaafi ayaa si uu u adkeeyo xidhiidhka uu dalkiisu la leeyahay Ruushka waxa uu dadaal u galay in uu isu guuriyo wiilkiisii kursiga u hammuum qabay ee Sayful-Islaam Qaddaafi iyo inan uu dhalay Madaxweynaha Ruushka Vlademir Putin.

Warkan uu Geeska Afrika turjumay waxaa talefishanka Al-Carabiya u sheegay Maxamed Cabdal-mudalib Al-Hawni oo la-taliye u ahaan jiray Sayful-Islaam Qaddaafi. Waxa aanu intaas ku daray in Qaddaafi uu guurkan ujeeddada siyaasiga ah lahaa kala hadlay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isaga oo ka codsaday in inantiisa Maria Putin oo dhalatay sannadkii 1985 (30 jir) ay isu guuriyaan wiilkiisa Sayful-Islaam Qaddaafi oo dhashay 1972kii marna ahaa ninka ugu awoodda badan siyaasadda dalka Libiya uguna caansan, marka laga tago hoggaamiyaha.

Sida ka muuqata xogtan uu bixiyey la-taliye Al-Hawni Qaddaafi waxaa seegtay kala duwanaanshiyaha dhaqanka guur ee ummadaha dunida ku dhaqan, maadaama oo dhaqanka dunida Carabta iyo bulshooyinka muslimka ah laga yaqaanno ee isa siinta lammaanuhu aanay ka shaqayn dunida kale. Arrintan waxaa caddaynaya sida uu Putin ula yaabay soo jeedinta Qaddaafi oo uu bilowgiiba u arkay arrin aanu fahmi karinba sida ay ku suurtogeleyso. Al-Hawni waxa uu sheegay in Putin uu aad ula yaabay, sababtuna ay ahayd isaga oo ogaa in “Labada carruur ahi aanay is garanayn” sidaa awgeed isweydiinayey sida ay isugu guurin karaan labadoodu.

Madaxweyne Putin oo caan ku ah in uu qariyo nolosha gaarka ah ee qoyskiisa, kana fogeeyo kamaradaha siyaasadda ayaa la sheegaa in uu leeyahay laba hablood iyo inan uu korsaday oo ku abtirsatay. Labada hablood ta weyn ayaana ah Maria. Sidoo kale Putin waxa uu aad u qariyaa diinta uu aaminsan yahay, in kasta oo la og yahay in aabihii ka soo horjeeday aaminista diimaha, una ol’olayn jiray ‘Diin-laawenimada’ haddana hooyadii waxa ay ahayd Kiristaan mad-habta Orthodox ka aaminnsa, markii ay sii dhimanaysayna wiilkeeda u hadyadaysay siliska mucatabka ah ee illaa maanta uu qoorta ku xidho Putin, laakiin mar madaxweyne Putin la weydiiyey in uu Ilaahay rumaysan yahay, waxa uu jawaabtiisa ku soo koobay, “Waxaa jira waxyaabo aan aaminsanahay, oo aan u arko in ugu yaraan mansabka aan joogo maanta awgeed ay waajib tahay in aanan dadka u sheegin. Waayo waxaa loo qaadan karaa in aan naftayda xayeysiinayo ama ujeeddo siyaasadeed ka leeyahay”

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories